Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo ka qayb-galay xil wareejinta Hanti dhowrka qaranka

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Hanti dhowraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) oo dhawaan la magacaabay, waxaana xilka ku wareejiayay ku simaha Hanti dhowraha Qaranka Cali Abuukar Axmed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow, ayaa sheegay in uu si wayn ugu farxsan yahay magacaabista Hanti dhowraha, maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah, sidoo kalena aqoon badan u leh shaqadda loo dhiibay, waxuuna balan qaaday in ay si dhow uwada shaqeyn doonaan Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Hanti dhowrka dalka.

Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Hanti dhowraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu ku farxsan yahay xilka loo dhiibay iyo shaqadda uu dalkiisa iyo dadkiisa u qaban doona, waxuuna u mahed celiyay madaxda qaranka kuwaa soo u gartay in uu maamulo hantidda shacabka, sidoo kale waxuu iftiimayay in uu wax wayn ka badali doona wada shaqaynta dawladda iyo xafiiska Hanti dhowrka Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Hanti dhowraha Qaranka, waxuuna cadayay in uu yahay mas’uul khibarad dheer u leh xilka loo magacaabay in muddo ahna ku soo shaqeyay, wuxuuna tilmaamay in uu aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uga faa’iidaynayo dalkiisa.

Sidoo kale waxuu sheegay in dawladdu ay biliaabi doonto barnaamijyo lagu falanqeynayo waxqabadka xukuumadda si looga dooddo waxyaabahii aan la qaban kuwaa soo ku jiray qorshaha xukuumadda, Hanti dhowruhuna waxuu ka qaadanayaa qaybta ugu muhiimsan.

“Xukuumaddu waxay bilowday la dagaalanka musuq-maasuqa oo muhiimad wayn u leh nidaamka uu dalku ku shaqeynayo, waxaana dawladda sal u ah isla xisaabatan furan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kula dardaarmay hogaanka cusub in uu si dhow ula shaqeyo dawladda, sidoo kalena uu la socdo dhaq-dhaqaaqa xukuumadda si loo ogaado hantida dalka shacabkana loo tuso in aan la iska boobi Karin xoolaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...