Guddiga difaaca ee golaha shacabka oo K/Afrika shir kaga qeybgalay

Date:

Wafdi ka socday wasaaradda gaashaandhigga iyo guddiga difaaca ee golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya oo Koofur Afrika howlo shaqo u joogay ayaa la kulmay xubna matala wasaaradaha gaashaandhiga iyo arimaha dibadda  ee dalkaas.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay  waxa Soomaaliya ka faa’idi karto khibradaha Koofur Afrika ka baratay gumeysiga iyo waqtiga xoriyadda.

Wafdigaan oo maalmo ku sugnaa Koofur Afrika ayaa waxay booqdeen Wasaaradda Gaanshaadhiga madxafka midib takoorka, halkaas oo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kalasooca,  iyagoo dhinaca kale booqday xaafadda Soomaalida ay ka degan tahay Johannseburg iyagoo la kulmay qaar ka mid ah Soomaalida.

Wasiirkii hore wasaaradda gaashaandhiga ahna guddoomiyaha guddiga difaaca, golaha shacabka xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

” Waxyaabaha aan halkaan ka baranay waxay ahayd inaan eegno isku dhafka Ciidamada madaama ay ka soo baxeen midib kalasooca una gudbeen dimoqraadiyad iyo wada shaqeynta caawinaada labada dal iyo inay naga caawin karto hay’adaha aminga iyo dastuurka” ayuu yiri.

Wafdigaan oo ka koobnaa lix xubnood ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya,waxeyna qeyb ka ahaayeen Wafuud ka socday Wasaaradaha Gaashaadhiga iyo Barlamaanka Soomaaliya oo dhawaan soo gaaray Koofur Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...