R/W ku xigeenka Soomaaliya oo ka Qayb galay Xuska Maalinta Dhalinyaradda Aduuka.

Date:

Muqdisho, August 12, 2017….. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegan maanta. Waxaana soo qaban qaabiyay kulan kan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb galeen Xil-dhibaano, Xubno ka socday Hay’addaha Qaramada midoobay iyo Ururada dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xil- Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u hambalyaysay dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxayna sheegtay in ay diyaariyeen qorsho yaal cad-cad oo lagu horumarinayo aayaha iyo mustaqbalka dhalinyaradda, kuwaa soo rajadooda dib usoo celinaysa, sidoo kalena waxay tilmaamtay in ay markii koowaad sameeyeen siyaasad lagu hagayo dhalinyaradda, taasoo u sahalysa ka mid noqoshada iyo matalaadda door walba oo ay tahay.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladan lagu maamuusayo maalinta dhalinyaradda aduunka oo qayb ka yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed, taasoo hal ku dhigeedu ahaa “Dhisadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed“ waxuuna hambalyo u diray dhamaan dhalinyaradda caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Khadar oo ka sheekeeyay awoodaha ay dhalinyaradu leeyihiin ayaa yiri “Ma jiro wadan horumar gaari kara hadii uusan helin cududda uu baahan yahay, dhalinyaradda Soomaaliyeedna waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku faano, sidaas owgeed waa in dhalintu ay dareemaan in ay yihiin madaxdii maanta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya .

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa balan qaaday in xukuumaddu ay ka shaqeynayso dhiirigalinta dhalinta, kor uqaadida Mustaqbalkooda iyo in loo sameeyo shaqo abuur dhalinyaradda, waxuuna u soo jeediyay Soomaaliyeed in ay mideyaan fikradahoodda wanaagsan.

 

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...