R/W ku xigeenka Soomaaliya oo ka Qayb galay Xuska Maalinta Dhalinyaradda Aduuka.

Date:

Muqdisho, August 12, 2017….. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader) ayaa maanta ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka oo sanad walba la qabto 12-ka bisha Ogoosto oo ku beegan maanta. Waxaana soo qaban qaabiyay kulan kan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, iyadoo ay ka soo qayb galeen Xil-dhibaano, Xubno ka socday Hay’addaha Qaramada midoobay iyo Ururada dhalinyaradda Soomaaliyeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya Xil- Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa u hambalyaysay dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxayna sheegtay in ay diyaariyeen qorsho yaal cad-cad oo lagu horumarinayo aayaha iyo mustaqbalka dhalinyaradda, kuwaa soo rajadooda dib usoo celinaysa, sidoo kalena waxay tilmaamtay in ay markii koowaad sameeyeen siyaasad lagu hagayo dhalinyaradda, taasoo u sahalysa ka mid noqoshada iyo matalaadda door walba oo ay tahay.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inu si wayn ugu faraxsan yahay ka soo qayb-galka xafladan lagu maamuusayo maalinta dhalinyaradda aduunka oo qayb ka yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed, taasoo hal ku dhigeedu ahaa “Dhisadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed“ waxuuna hambalyo u diray dhamaan dhalinyaradda caalamka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaare Khadar oo ka sheekeeyay awoodaha ay dhalinyaradu leeyihiin ayaa yiri “Ma jiro wadan horumar gaari kara hadii uusan helin cududda uu baahan yahay, dhalinyaradda Soomaaliyeedna waa awoodda kali ah ee dalkeenu uu ku faano, sidaas owgeed waa in dhalintu ay dareemaan in ay yihiin madaxdii maanta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomalaiya .

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa balan qaaday in xukuumaddu ay ka shaqeynayso dhiirigalinta dhalinta, kor uqaadida Mustaqbalkooda iyo in loo sameeyo shaqo abuur dhalinyaradda, waxuuna u soo jeediyay Soomaaliyeed in ay mideyaan fikradahoodda wanaagsan.

 

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Hawlaha Guud oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, DDib-u-Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...