Soomaaliya oo laga ciribtiray Cudurka Dabeysha (Qormo)

Date:

Sanad walba, 24 bisha Oktoobar waxaa la xusaa “Maalinta Cudurka Dabeysha”. Guddiga Dabagalka Madax bannaan ee Cudurka Dabeysha, ayaa ku kulmay Magaalada London bishaan Oktoobar si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dabargoynta cudurka dabeysha. Warbixinta guddigaan ayaa la filayaa in la soo daabaco todobaadyada soo socda.

Dunidu waxay hal tallaabo u jirtaa, in la ciribtiro cudurka labaad, ee Aadanaha ku faafa, oo ah cudurka Dabeysha. laga soo billaabo sanadka 1988dii, horumar la taaban karo ayaa laga gaaray, in la ciribtiro cudurka Dabaysha.

Fayruska sababa cudurka Dabeysha, waxa uu gaar ku ahaa 128 dal, balse, hadda waxuu gaar ku yahay saddex waddan, oo kala ah:-Afghanistan, Nigeria iyo Pakistan. Dalka Nigeria ayaa la filayaa, in laga saaro liiska waddammada uu cudurka Dabeysha gaar ku yahay, waayo, 12 bilood ayey xor ka yihiin cudurka, laga soo bilaawo 24 luuliyo 2014.

Cudurka Dabeyshu, waa cudur uu keeno feyrus ku dhacaa Caruurta iyo dadka waaweynba, waxaa laga qaadaa afka. Dabayshu waxay dhalin kartaa xanuun yar ama astaamo sahlan, waxay waxyeellaysaa hab-dhiska neerfayaasha iyo dheefshiidka, kadibne waxay dhalisaa curyaannimo joogta ah.Sanadkii 1997dii, ollalaha dabargoynta cudurkan ayaa ka bilaabmay Soomaaliya, balse, bishii maarso 2007dii, ayaa Somaaliya waxay awooddey, in ay joojiso faafidda cuddurkaa, waxayne xaqiijisey, in dalku uu ka xoroobay cudurka Dabeysha. Ka dib lix sano, cudurka Dabeysha ayaa Soomaaliya lagu arkey bishii maajo 2013kii, markii ugu horreysey muddo lix sano ah.

Bishan agoosto 11keeda, labo iyo toban bilood ayaa ka soo wareegtey markii ugu dambeysey, ee Soomaaliya lagu arkey qof qaba cudurka dabeysha, haseyeeshee, ma ahan markii ugu horreysay oo soomaaliya laga waayo cudurkan. In kastoo uu warkan wanaagsan yahay, horumar la gaarey ay tahay in cudurkii dabeysha la xakameeyey.

Cudurka Dabeysha waxaa sida virus aan daawo laheyn balse leh ka hortag, ayaa ah mid sababi kara curyaanimo ama paralysis xitaa dhimasho, waana mid si dhaqso leh ku fidi karaa, waxaana uu saameeyay Malaayiin Caruur ah oo ku kala firirsan Caalamka,Cudurka Dabeesha ayaa ka jiray muddo badan, balse dhowr jeer ayaa lagu soo waramay in laga ciribtiray Wadanka, balse mar kale ayaa lagu arkay waxayna aheyd sanadkii 2013 bishii Maay, taas oo aheyd markii ugu horreysay muddo lix sano ah, kadib markii waalidiinta gabar labo sano jir ah oo Muqdisho joogta la arkay iyadoo aan socon Karin.

In ka badan 2.1 million oo Carruur ah oo da’dooda ay ka hooseyso shan jirka ayaa bartilmaameed u ahaa olole tallaal ah oo ay fulisay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo kaashanaysa hey’adaha Qaramada midoobay iyo ururro kaleba.

Haddaba waxaa goor dhow soo yeeray war farxad leh oo ku saabsan in Soomaaliya laga ciribtiray gabi ahaanba Cudurka dabeysha ama Polio loo yaqaan, waxaana arrintaasi lagu sheegay warbixin ama war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saartay Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Qaramada u qaabilsan Caruurta ee UNICEF iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), taasi oo ay ku caddeeyeen in lagu guuleystay ciribtirka Cudurkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu amaanay la dagaalanka Cudurka dabeysha sida ay Wadanka uga ciribtirtay, iyadoo Madaxda Soomaalida ay cudurka Dabeesha ka dhigeen mudnaanta koowaad ee Qaranka, waxayna sameeyay dadaal xoog badan si Carruurta oo dhan tallaalka u qaataan.

Dhawaan ayay Hey’adda Caruurta ee UNICEF shaacisay warbixin ay kaga hadlaysay ciribtirka Cudurka dabeysha ee Dalka Soomaaliya, waxayna qoraalkeeda ku sheegtay in guul laga gaaray Ololihii muddo badan ka socday soomaaliya,waayo waxaa la gaaray horumar wanaagsan oo ay gaareen carruurta iyo xuquuqahooda, waxayse Bishii Oktoobar Soomaaliya noqotay dalkii 196-aad ee ansaxiya Heshiiska Xuquuqaha Carruurta, arrintaasi Carruurta waxay u aheyd war aad u wanaagsan. UNICEF waxaa ay islamarkiiba bilowdey in ay si dhow Dowladda Federaalka ah ugala shaqeeyso hubinta hirgelintiisa. Arrin kale oo wanaagsan oo soo korodhey waxaa ay ahayd in Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dhowaaqdey in ay ku guuleysatey in ay joojiso faafidda fayruska dabiiciga ah ee cudurka dabeysha (wild polio virus).

Kiiskii ugu dambeeyay waxaa la soo sheegay sanad iyo bar ka hor, balse waxaa mar kale laga sheegay Dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya, blasé markaan ayaa la shaaciyay in laga suuliyay Dhulka Soomaaliya, iyadoo guusha laga gaarey joojinta cudurka dabeysha uu yahay natiijo ka dhalatay olole ay si fiican dhaqaale ugu bixiyeen oo ayna isku soo dubbarideen maamulada, iyaga oo taageero ka helaya hay’adaha UNICEF iyo WHO, iyadoo in ka badan 2 milyan oo Carruur ah laga tallaaley inta lagu guda jiray muddadii uu socday Barnaamijkaasi.

Waxaa la xasuustaa in Soomaaliya horay looga dabar gooyay Cudurka Furuqa horraantii 1970-kii, haddana waxaa laga ciribtiray Cudurka Dabeysha, waxaana la filaa in mar dhow la sameeyo Xaflad lagu maamusayo arrintaasi, islmarkaana ay ka qeybgalaan Masuuliyiinta ugu sarreysa Dalka.

W.Q:- C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...