Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Garowe ka furtay shirweyne wadatashi ah (Sawirro)

Date:

Shirwaynahan afraad ee ka talinta aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa daahfurtay wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda federalka ah ee Soomaliya waxaana ka soo qaybgalay oo Goob joog ahaa Madaxda wasaaradaha dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Maamul Gobaleedyada dalka kuwaasi oo la talin ka samayn doona siyaasadii lagu hagi lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Sihayaha wasiirka shaqada shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland C/rixmaan Shiikh Axmed oo shirwaynahan dhallinyarada ka hadlay waxa uu sheegay in kulankaani muhiim u yahay wada shaqaynta taaba galinta iyo Horumarinta dhallinyarada Soomaaliyed.

Wasiirka Dallinyarada iyo ciyaaraha ee Konfurgalbeed,wasiir ku xigeenada Hirshabeele iyo jabbaland iyo Agasimaha Guud ee dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Galmudug waxay isla raaceen Muhiimada ay leedahay Midaynta dhallinyarada Soomaliyed iyo hagisteeda.

Khadiijo Maxamed Diiriye wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya waxay dardaaran dheer oo dhinacyo badna taabanaya u jediysay mas’uuliyiintan ka socotay bahda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Maamul Gobaleedyada dalka kuna Booriysay in la soo saaro siyaasad midaynaysa dhallinta Soomaaliyeed ayan uga baxaan halisa dhinacyada tahriibka ,adeegsiga falalka aan haboonayn iyo maadooriyaha kuwasi oo daashaday dhallinyarada Soomaaliyed.

Gabagabada shirkan ayaa lagu wadaa in lag soo saaro qorshe cad oo lagu horumariyo dhallinyarada Soomaaliyed iyo kor loo sii qaado wada shaqaynta joogatada ah ee ka dhaxaysa wasarada dhallinyarada iyo ciyaaraha somaliya iyo Kuwa maamul Gobaleedyada.

                  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...