R/Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la dar-daarmay Ardayda Jaamacadaha Dalka.

Date:

Muqdisho, 07 June 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa boqolaal ardey oo isaga kala yimid Jaamacadaha dalka, kula hadlay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, wuxuna kula dar-daarmay in wadajir loogu istaago sidii looga shaqeyn lahaa Soomaaliya mar kale cagaheeda isu taagtay oo ka tilmaaman dalalka kale ee Caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha sheegay in dib-u-howlgelinta Jaamacadda Umaddu ay tahay astaan qaran, isla markaana ay Xukuumaddu xooga saari doonto sidii loo dhisi lahaa guud ahaan xarumaha ay leedahay Jaamacaddu, gaar ahaan xarunta weyn ee Gaheyr.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre oo intaas raaciyey .

” Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho. Taacliinta sare kaalin weyn ayey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka, dhalinyarada maanta hortayda fadhida waa mustaqbalkii bari iyo hoggaamiyeyaashii ina badeli lahaa”.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku dheeraaday halgankii gobonimo doonka iyo doorkii shariifka ahaa ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qaateen, gaar ahaan SYL iyo sidii uu ku yimid bilowgii feker-kaasi . Wuxuna hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in jiilka cusub laga helo dhalinyaro leh feker lamid ah kii 13-kii SYL.

Jaamacadda Ummadda ayaa kaalin sare kaga jirtay soo saaridda aqoonyahano iyo xirfadlayaal ka hor inta aanay burburin dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare, Guddoomiyaha Gobolka Benadir iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Ummada oo dhamaantood tilmaamay ahmiyada kulankani u leeyahay dhalinyarada waxbaratay.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...