howl-gallo adag oo ka socda waddooyinka caasimadda Muqdisho

Date:

Ciidamada Xasilinta Amniga Caasimada Muqdisho ayaa maanta howl gallo baaritaan nooc cusub ah ka wada waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo saaka bilaabay in ay ka howl-galaan isgoysyada waddooyinka ayaa baaritaan ku sameynaya gaadiidka iyo dadka saaran.

Waddooyinka ay howl-galada ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, iyo wadooyinka kale.

Gaadiidka ayaa meelaha qaar safaf ugu jiray baaritaannada socda.

Dadka saaran gaadiidka ayaa la weydiinayaa su’aalo, sida xaafada ay degan yihiin, shaqadooda iyo aqoonsigooda.

Qorshaha xasillin caasimadda, waxa uu dhaqangalay biloga bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana si adag u socda dedaallo ay wadaan hey’adaha amniga oo adeegsanaya ciidammo si gaar ah loogu diyaariyey magaalada Muqdisho nabaddeeda in ay ka shaqeeyaan, isla markaana ay tallaabo adah ka wadaan cid walba oo qal-qal ku ah amniga caasimadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...