howl-gallo adag oo ka socda waddooyinka caasimadda Muqdisho

Date:

Ciidamada Xasilinta Amniga Caasimada Muqdisho ayaa maanta howl gallo baaritaan nooc cusub ah ka wada waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo saaka bilaabay in ay ka howl-galaan isgoysyada waddooyinka ayaa baaritaan ku sameynaya gaadiidka iyo dadka saaran.

Waddooyinka ay howl-galada ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, iyo wadooyinka kale.

Gaadiidka ayaa meelaha qaar safaf ugu jiray baaritaannada socda.

Dadka saaran gaadiidka ayaa la weydiinayaa su’aalo, sida xaafada ay degan yihiin, shaqadooda iyo aqoonsigooda.

Qorshaha xasillin caasimadda, waxa uu dhaqangalay biloga bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana si adag u socda dedaallo ay wadaan hey’adaha amniga oo adeegsanaya ciidammo si gaar ah loogu diyaariyey magaalada Muqdisho nabaddeeda in ay ka shaqeeyaan, isla markaana ay tallaabo adah ka wadaan cid walba oo qal-qal ku ah amniga caasimadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...