Home Blog Page 969

Ururka dhaqaatiirta Gobolka Mudug oo Adeeg Caafimaad ka Fuliyay Magaalada Ceeldibir

0

Dadka magaalada Ceeldibir ee bariga Mudug ayaa ka faa’idaystay adeega Caafimaad oo ay iska kashaanayaan wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo Ururka dhaqaatiirta gobolka Mudug.
Gurmadka Caafimaad ayaa waxaa ka faa’idaystay ku dhawad 300 oo ruux oo ka wada yimid deegaanada ku dhaw Ceeldibir dadkasi oo qabay Xanuuno kala duwan.

Dr Saadaq Cali yuusuf iyo Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay In Ceeldibir ay ka jirto Xaalad caafimaad oo deg deg ah loona baahan yahay in La garab Istaago.

Guddoomiye ku xigeenka Ceeldibir Cawil Abshir Maxamed iyo Shucayb Xasan Cali oo ka tirsan Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka ayaa ka mahad celiyay Gurmadkaan Caafimaad ee laga fuliyay deegaanka sidoo kale waxay baaq u direen Wasaaradaha Caafimaadka XFS iyo tan Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Ceeldibir C/raxmaan Shiikh Xasan ayaa horay kaga digay Xaalado Caafimaad daro oo saamayn ku yeelta bulshada Ceeldibir waxaa laga cabsi qaba in u ka dilaco cudurka Shuban Biyoodka iyadoo horay ay caruur ugu dhinteen cudurkasi.
Ceeldibir ayaa magaaladda Galkacyo ee xaruurta gobolka Mudug u jira 180 KM oo an si dag dag ah loo garsiin karin dadka qaba xaaladahaa Caafimaad ee kala duwan.

    

Dekadda oo laga adkaaaday

0

Kooxada kubada cagta Elman ayaa guul ka gaartay dhigeeda Dekadda kulan ka tirsan horyaalka soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa kii 13-aad oo labada kooxod ay Ciyaaran waana wareega labaad ee Horyaalka Soomaaliya, Kooxda Dekadda ayaana la kulantay guuldaradii labaad ee Horyaalka Soomaaliya xili ciyareedkan kadib markii horey guuldaro ay kala kulantay kooxda Horseed wareegii hore ee Horyaalka.

Kulanka Elman iyo Dekadda ayaa waxaa uu ahaa mid xiiso badan waayo labada kooxod ayaa ka mid ah kooxaha u tartamaya hanashada Horyaalka Soomaaliya sanadkaan 2019.

Dekadda waxay haysaa Hogaanka kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya halka kooxda Elman na ay ka sareysay sideed dhibcood balse Elman oo sadex dhibcood ka qaadatay Dekadda ayaa hada waxaa ay leedahay 27 dhibcood halka kooxda Dekadda wali ay joogto booskedii ahaa 32 dhibcood oo ay sadex dhibcood ay ka sareyso Kooxda Horseed ooo kulan uu u baaqi yahay.

Elman guuldaro kala kulantay kooxda Dekadda Lugtii hore ee Horyaalka Soomaaliya hase yeeshe kooxda Elman ayaa markaan ka adkaatay Dekadda lugta labaad oo galabta ka dhacday garoonka Banaadir kulan ku soo idlaaday 2-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Elman oo hada soo gashay kaalinta sadexaad ee kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya.

Dekadda ayaa la kulantay guuldaradii labaad xili ciyareedkan waana markii ugu horeysay oo hal xili ciyareed ay la kulanto laba guuldaro tan iyo xili ciyareedkii 2016.

Laba xili ciyareed eek a danbeyay ayaa laga adkaaday min hal kulan ayadoo horyaalka Soomaaliya ay u dabaal degtay kooxda Dekadda oo markii ugu horeysay ku guuleysatay Horyaalka Soomaaliya 2017 labaatan sano kadib.

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Wasiirka shaqada XFS oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee Geneva

0

Geneva( SNTV):-Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad muhiim ah oo arrimo badan uu uga hadlay ka jeediyay shir-weynaha shaqada adduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka ayaa inta badan diiradda saaray dedaalada wasaaradda iyo xukuumadda ay ku jiraan sida ay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenku shaqooyin ugu heli lahaayeen gudaha dalka.

“Kulankan waxa uu ka tarjumayaa saamaynta ballaaran ee hey’adda Shaqaalaha dunidda ee ILO ay ku yeelatay nolosha shaqaalaha dunida boqolkii sano ee la soo dhaafay.Soomaaliya hay’adaheeda shaqaalaha waxa ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen in ay sharciyo iyo nidaamyo dhinaca shaqada la xiriira ka yagleelaan wadanka.Waqtiyadii adkaa ee dagaallada sokeeye iyo xasilooni daradda ,ILO waxa ay ahayd mid Soomaaliya la garab taagan taageero ,dhiira-galin iyo waliba hagid.Shirkan aynu joogno waxaan u baahan-ahay in aan qiimaynno Gap-ka u dhaxeeya rajada dadka ee ku aaddan shaqada iyo xaqiiqda runta ah ee jirta.Soomaaliya gudaheeda ,waxan ogaannay in shaqo yaraantu ay tahay waxa lagu cabiri karo gap-ka u dhaxeeya  xaaladda aynu ku shaqaynayn-no iyo rajadu shacabka Somaliyeed ka qabaan nolol wanaagsan.Tani maaha xaalad ku gooni ah Soomaaliya , waddamada qaar shaqadu waxa ay u tahay waddada lagu dhimo faqriga laguna gaaro horumar caalami ah.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

“Marka su’aashu waxa ay noqonaysaa halkee Ayaan ka nimid sidoo kale maxaan ilaa iyo hadda xaqiijnnay. Suaa’shu waxa ay ahmiyad sii yeelanaysaa marka aynu xalinno shaqa la’aanta iyo sinnaan la’aanta sii kordhaysa.Caqabadaha aynu maanta wajahaynno boqol sanno ka dib markii la asaasay hey’adda shaqaalaha adduunka ee ILO , waxa ay noogu baaqayaan in aynu la nimaano go’aamo horumarsan oo rajo galinaysa boqollaalka milyan ee shaqa la’aanta ah ,taasi oo ay ku doonayaan cadaalad bulsho, taasina waa mid loo baahan-yahay in aynu aqbalno oo aynu badalno.

Dowladdeenu waxa ay soo dhaweynaysaa warbixinta ka soo baxday Hoggaanka sare ee ILO ,kaasi oo si cad u qeexaya in aynu maal-gashano awoodaha muwaadiniinteena. Waxaan kaloo u baahannahay in shaqaalaheena shaqo la isku halayn karo ay helaan.Waxaanu taageeran-sanahay dib u cusboonaysiinta arrimaha bulshada oo dhan ,kuwaasi oo ay ku jiraan asaasiyaadka horumarinta aadamaha.
Shaqaalaha waa in lagu taageero fursaddo ay ku hormarin karaan xirfadahooda. Waa in aynu si wada jir ah u dhiirra-galino ilaalinta bulshada,taasi oo u ogolaanaysa in la dhiso maamullo xilligan la joogo ku habboon shaqaale weynaha dunidda.Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hubiso , isla markaana diiradda saarto in ay  shaqooyin iyo fursado dhaqaale u abuurto dhallinyarada waddanka , inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca aminga ah iyo weerarro lagu handado wasaaradda shaqaalaha iyo arrimaha bulshada.” ayuu ku daray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Waxaa kalo uu shirka ka caddeeyay  dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay in la dhiso hiigsiyo horumarineed oo la isku halayn karo, ‘taasina waxa ay ku caddahay siyaasadaheena iyo sharciyada aynu maal-gashannay ee dhinaca shaqaalaynta iyo ilaalinta bulshada, kuwaasi oo gundhig u noqon doona cadaalad iyo isku duubni bulsho.” ayuu yiri isagoo inta ku daray “Qaar kamid ah dhalinta waddankeena waa shaqo la’aan ,sidoo kale ma lahan xirfadihii looga baahnaa goobaha shaqada ee maanta iyo shaqooyinka mustaqbalka soo bixi doona.Dowladdu waxa ay si dhow ula shaqaynaysaa ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay si ay u horumariso una abuurto jawi hal abuur ,kaasi oo dhallinyarada shaqooyin u abuuri kara ,isla markaana la socda baahida kordhaysa ee qarnigan 21-aad.”

Waxaa kalo uu sheegay arrimaha oo dhan inay hoos u dhigayaan khatarta halista leh ee tahriibka ,taasi oo dhallinyaradu ku doonayaan nolol tooda dhaanta. Iyada oo la eegayo mustaqbalka waa in ay xoojin-no go’aankeena ku aaddan difaacidda xuquuqda shaqaalaha.Waxaan dhamaanteen isla qaadanay in shaqo la’aantu iyo faqrigu  ay taabteen boqollaal milyan oo dad ah ,kuwaasi oo kala jooga waddamo kala duwan oo daafaha dunidda ah , isla markaana dumarka iyo dhallinyaradu ay yihiin kuwa dhibta ugu badani ay ka soo gaarto.” ayuu raaciyay wasiir Warfaa oo gabagabadii sheegay “Aan si wada jir ah uga shaqaynno sidii aynu u hirgalin lahayn Mabaadi’da hey’adda ILO ee ku dhisan wadda hadalka bulsho ,ilaa iyo haddana ILO waxa ay ahayd mid ku taagan u jeedkii loo asaasay 100 sanno ka hor.”

In ka badan 5,000 oo wakiillo oo ay ku jiraan 40 madax dowladaha ayaa shirka ka qeybgalay, kaaso ku aadday sannad-guurradii boqollaal ee hey’adda shaqaaha adduunka, waxaana wasiirka shaqada Soomaaliya uu shirka ka qeybgalay isagoo hoggaaminaya wafdi saddex-geesood ah.

Wasiir Bayle ” Soomaaliya Maalgashi ayay diyaar u tahay”

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxa uu Magaalada Malabo ee dalka Equatorial uga qeyb galay shirkii Bangiga hormarinta Afrika oo uu ku matalayay Soomaaliya kaa soo looga hadlay hormarinta Dhaqaalaha iyo maalgashiga Afrika.

Shirka kadib waxa uu la kulmay madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina waxuuna warbixin ka siiyay marxalada dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka ay sameynayo.

Wareysi uu Siiyay TV CNBC oo ka hadla arrimaha ganacsiga ayuu ku faahfaahiyay waxyaabaha Soomaaliya ku soo bandhigtay shirka si gaar ah fursadaha dhaqaalaha iyo maalgashiga ee horyaala.

“Marka koowaad waxaan u sheegnay inaan leenahay kheyraad badan waxan leenahay xeebta ugu dheer Afrika. Waxay ii sheegeen inaan haysano mid ka mid kaluunka ugu wanaagsan ee ku jira badaha, waxaan u sheegnay inaan aad qani ugu nahay saliida iyo gaaska. Soomaaliya waxay noqotay mid ka mid ah dalalka ugu badan ee shidaal ku jiro, waan ka shaqaynaynaa dabcan, marka koowaad waa inaan xaqiijinaa amaanka, mida sadaxaad waxa weeye Soomaaliya waa ay burburtay waxwalba waxay ka bilaabanayaan meel hoose oo ay tahay in dib loo dhiso marka waxa yaala fursado badan”

Wasiir Belye waxaa uu sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgashado albaabadeeduna ay furan yihiin.

“Diyaar beynu nahay, albaabadeenu waa ay u furan yihiin caalamka oo idil gaar ahaan ganacsatada raadinaya meel ay maalgashadaan, waa Soomaaliya halka ku haboon waayo meelaha aad magacwdeen waan haysanaa kheyraadkooda waxan ka shaqeynaynaa ammaanka iyo waxay sameynaynaa shuruucdii aan idinku soo dhaweyn laheen.”

Wasiirka Caafimaad oo sheegtay in ay Garab istaagayaan Arday Maanta ka Qalin jebisay Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka Soomaaliya

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Drs; Fowziya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in ay Garab istaagayaan ka wasaarad ahaan, Arday Maanta ka Qalin jebisay Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya ee Recep Tayyip Erdogan.

Drs; Fowziya, ayaa si weyn u dhiirri gelisay Ardayda, waxanay u sheegtay in aysan ka wal welin shaqo,  oo ay wasaaradda caafimaadka Soomaliya u heellan tahay mar walba, qeybna ka noqon doonaan hannaan wenaagga caafimaadka Soomaliya.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaza oo ka qeyb-galay Munaadabadda ayaaa amaanay heerka wax barasho ee Ardayda.

Adradaydan oo ay tiradoodu ahayd 58, ayaa ahaa dufcaddii ugu horreysay ee ka aflaxda Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya, iyagoo wax ka bartay qeybaha kala duwan ee Jaamacadda.

Jaamacadda cilmiga caafimaadka Soomaaliya, oo la furay Sanadkii 2016 -kii, ayaa waxaa fekerkeeda  iyo qorshaha lagu hirgeliyayba lahaa Madax weynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Afar ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku dhintay qarax ay dhigayeen gudaha Kenya

Nairobi-(SNTV)-Saraakiisha Ciidanka Kenya ee Gobolka Lamu ayaa sheegay in Afar ka mid ahaa Malleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dhinteen qarax , markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen Shalay.

Saddex ka mid ahaa Al-Shabaab ayaa isla goobta ku dhintay, halka Ninka Afaraadna meydkiisa laga helay Keyn wax yar un u jirta halka uu Qaraxu ka dhacay, isagoo isku dayay in uu baxsado, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Lamu, ahna madaxa howlgalka Keymaha Boni, Joseph Kanyiri.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow Omollo Bridge, oo ka tirsan Gobolka Xeebta ee Lamu, ayay Argagixisadu doonayeen in ay la eegtaan Dadka iyo Gaadiidka halkaasi isticmaalaya.

Ciidanka Kenya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxay ka heleen, qaar ka mid ah saanaddii Millateri ee ay wateen Argagixisada , Qasnadaha rasaasta, qoraallo iyo qalab kale.

Isha/ Daily Nation

Duqa Muqdisho oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey Guri muddo ka maqnaa

0

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) ayaa muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey Guri uu lahaa oo laga haystay muddo 28 Sano ah.

Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa , ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo Adduunba sugaysa Dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

“Cidna si sharci darro ah uma haysan karto muwaadin kale hantidiis, maamulkan tan iyo markii aan nimid waxaan ku guuleysannay soo celinta hanti ay lahaayeen muwaadiniin, kuwaas oo Dadkii haystay ay si mutadawicnimo ah usoo wareejiyeen, balse arrinta maanta waa ay ka duwan tahay oo maxkamad iyo xabsi ayey gaartay.”

Eng; Yariisow ayaa sheegay in muwaadinkii gurigan sida sharci darrada ah u haystay oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska la horkeenayo Maxkamad, lana marsiin doono hannaanka sharci ee uu mudnaa.

Dhankiisa, Eng.Cali Maxamed Baare oo ahaa muwaadinka lahaa mulkiyadda Guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen dib u soo celinta hantidaasi ka maqnayd 28-kii Sano ee lasoo dhaafay.

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Dalka

0
Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali  Khayre ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada.
Shirka ayaa looga hadlay u diyaar garowga iyo qaban-qaabada maalamha xorriyadda dalka iyo midnimada, waxaana warbixin laga dhagaysay guddigii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay  ka shaqaynta munaasabadaha muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa warbixin looga dhagaystay wasaaradda amniga gudaha oo soo bandhigtay horumarrada laga gaary sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo qorshaha lagu horumarinayo.
Golaha ayaa meel mariyay Heshiisyada dhiirri gelinta  iyo ilaalinta maal-gashi  iyo dhaqaalaha iyo farsamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir doorka ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag.

“Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana fogaataan qabyaaladda iyo eexda.”

Sidoo kale, Madaxweyanaha ayaa kula dardaarmay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay xoogga saaraan daris wanaagga bulshada Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan shacabka.

Dhankooda, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha waxqabadka sannadkii tagay ee 2018 iyo waxqabadka qeybta hore ee sanadkan, iyadoo Madaxweynuhu uu su’aallo ka weydiiyey hannaanka fulinta qorsheyaasha cusub iyo caqabadaha jira.

Xubnaha ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee ka qayb galay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka mid ah Guddiga Abaabulka iyo Wacyigalinta Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xiggeenka XFS Oo Guddoomiyay Madasha Labaad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.

0
Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Mahdi Maxamad Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay Madasha Labaad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.
Shirka ayaa looga hadlay hannaanka ugu habboon ee horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana la isku dhaafsaday talooyin muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka.
Golaha dhaqaalaha qaranka oo ah gole dowladda kala taliya horumarinta dhaqaalaha dlaka ayaa sameeya cilmi baarisyo iyo xog aruurin u gogol xaaraya taabba gelinta hannaan dhaqaale oo la jaan qaadi kara dunida casriga ah, dowladdana ka caawiya in ay gaarto go’aanna dhaqaale oo dhaxal gal ah.