Home Blog Page 968

Wargalin: Warbaahinta Qaranka ayaa soo bandhigtay shaqooyin ka bannaan

0

Warbaahinta Qaranku waxay raadinaysaa laba (2) barnaamij soosaarayaal iyo hal (1) video editor oo xirfaddoodu sarreyso.

 

Shuruudaha barnaamij soo saaraha(Program Producer)

 

1.   In uu leeyahay xirfad sare oo la xiriirta curinta, qorsheynta iyo soosaarista barnaamijyada gaar ahaan Documentaries-ka.

2.     In uu aqoon buuxda u leeyahay habka wax loogu qoro Telefishan  ama muuqaal (Script for TV).

3.     In uu Barnaamijyo iyo documentaries ka soo sameyn karo dhammaan gobollada dalka iyo meeshii kale ee loo baahdo

4.     In uu leeyahay khibrad shaqo oo aan ka yareyn 3 sano.

5.     In uu keeno nuqulka barnaamij uu horay u sameeyey.

 

Shuruudaha Video Editor-ka

 

1.     In uu  xirfad buuxda u leeyahay jarjarista muuqaallada.

2.     In uu aqoon u leeyahay isticmaalka barnaamijyada iyo Softwares-ka loo adeegsado jarjarista muuqaallada

3.     In uu leeyahay khibrad aan ka yareyn 3 sano oo la xiriirta video editing.

4.     In uu keeno nuqul ka mid ah barnaamij uu isagu edit gareeyay

 

Qabashada codsiyadu waxa ay ku egtahay 02/07/2019.

 

Codsiyada iyo CV-yada waxaa lagu soo hagaajin karaa emailka: hr@moi.gov.so

Wasaaradda arrimaha Gudaha XFS oo War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashada Galmudug

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadaba Halka Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Cilmi-baaris la sameeyay oo lagu ogaaday in ay jiraan faa’iidooyin laga helo la hadlidda qof aadan horay u aqoonnin

Inta badan dadku waxay waqtigooda qaataan iyaga oo ay ku hareereysan yihiin dad aysan aqoonnin ,haddii ay ahaan laheyd xilliga ay shaqadooda ku sii socdaan ,xilliga ay dukaameysanayaan ama xilliga ay joogaan meelaha lagu tamashleeyo.

Iyada oo ay sidaasi tahay, haddana dad badani ma sameeyaan is -dhexgal iyaga oo aaminsan in isu soo dhawaansho dhex mara dad aan horay isu aqoonnin uusan farxad gelineyn labada dhinac.

Aaminaaddaasi ma noqoneyso mid lagu marmarsiyoon karo, sida ay sheegeen aqoon yahannada cilmi baaristan sameeyay oo kala ah : 1) bare- sare nikolaas ibli ,oo ka tirsan jaamacadda shikaago (chicago) 2)iyo bare-sare juuliyaana, oo ka tirsan jaamacadda kalifoorniya.

Cilmi baaristan ayaa lagu sheegay in inta badan dadku ay yareystaan saameynta togan ee la xiriiridda dadka kale ay leedahay.

Faa’iidooyinka la ogaaday in laga helo la hadlidda qof aadan horay u aqoonnin waxaa ka mid ah.

1)  la hadlidda qof kugu cusub oo aad wada safreysaan waxa ay socdaalka ka dhigtaa mid raaxo leh. 2) la hadlidda qof aadan aqoonnin waxaa laga helaa fikrado iyo waayo aragnimo.

Gebagebidii ,maadaama aadanuhu uu yahay noole bulshay ah, la xiriiridda dadka kale waxay farxad gelisaa qofka, halka kalinnimadu ay u keento qofka khatar caafimaad oo u dhiganta tan laga dhaxlo sigaar cabista iyo barruurta oo jirka ku badata.

Xiriirka togan ee bulsho waxaa loo arkaa mid ka mid ah furayaasha farxadda  iyo xitaa inuu ka muhiimsan yahay xaddiga dakhliga ee qofka soo gala.

Xigasho: waxaan qormadan ka soo xigannay laanta afka Carabiga ee bii bii sii (BBC)

Tarjumaadda: waxaa tarjumay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka oo la kulmay Danjireyaal fadhigoodu yahay Muqdisho

0

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ku xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Raisedon Zenenga iyo Danjireyaasha dalalka Ingiriiska Mudane Ben Fender iyo Talyaaniga Mudane Carlo Campanile.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen qaar kamid ah Lataliyaasha Madaxweynaha ayaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo mideynta dadaallada wax ku oolka ah ee ku qotoma dowlad dhisidda iyo dib u dhiska dalka.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Danjireyaasha dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ay ku bixinayso kobcinta dhaqaalaha, amniga iyo dib u heshiisiinta, isagoona tilmaamay in ay muhiim tahay in lagu gacan siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku xeeran.

Ku Xigenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa uga warbxiyey Agaasimaha Madaxtooyada doorka ay ku leeyihiin taageeridda iyo hirgelinta barnaamijyada bani’aadamnimada, mashaariicda iyo adeegga horumarineed ee ay gacanta ka geysanayaan.

Dhankooda, Danjireyaashu ayaa uga mahad celiyeen Agaasinka Madaxtooyada soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay garab ugu siinayaan gudashada waajibaadkooda inta ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Heegan oo barbaro deris la noqotay

0

Galabta Kulan xiiso badan ayaa waxaa wada Ciyaaray Kooxaha Heegan iyo Jeenyo, waxaana kulanka uu ka dhacay garoonka Banaadir ee degmada Cabdul Casiis.

Ciyaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa waxaa ay ku soo idlaadatay 1-1 barbaro ah.

Heegan oo barbaraha uu deris la noqotay kulamadii la so dhaafay ayaa waxay barbaro la soo gashay kulankaan kii ka horeyay kooxda Muqdisho City waxaana halkaasi ay ka soo heshay hal dhibic.

Laba kulan oo ay heli lahayd lix dhibcood ayeey heshay laba dhibcood taasi waxaa Ciyaartoyda Kooxda ay ka dhexli karaan nijad jab maadama Horyaalka uu marayo meel gabo gaba ah.

Jeenyo sidoo kale kulankaan kii ka horeyay waxaa guuldaro ay kala soo kulantay kooxda Ciidanka Xooga Horseed waxaana wali baadi goob ay ugu jirtaa in ay gaarto guushii labaad ee Horyaalka Soomaaliya 2019, 13 kulan oo ay Ciyaartay waxaa ay guuleysatay hal kulan oo quraa waana kulankii ugu horeyay oo Horyaalka Soomaaliya ay ciyaartay Xili Ciyareedkan.

Jeenyo iyo Heegan waa laba kooxod oo aad u xifaaltama, kulamada ay ciyaaran ayaa had iyo jeer ah kuwa isku barbar dhaca, Todobadii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen labadaan kooxod waxaa ay ku kala baxeen natiijo la yaab leh.

Ka hor kulankii lugtii hore ay wada ciyaaren oo 4-1 ay ku adkaatay kooxda Heegan lixdii kulan ee ka horeysay oo ay wada ciyareen labada kooxod waxaa ay ku kala baxeen hal kulan oo ay adkaatay Heegan afar kulan oo ay wada galeen barbaro iyo kulan ay adkaatay kooxda Jeenyo balse 7-dii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen labada kooxod ayaa waxaa laba jeer adkaatay kooxda Heegan halka mar quraa ay adkaatay Jeenyo afar kulana waxaa ay ku heeshiyeen barbaro.

Kulankaan ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu adag horyaalka soomaaliya todobaadkan waxaana uu dhici doona maalinta berito ah garoonka banaadir.

Todobadii kulan ee ugu danbeyay oo ay wada ciyareen kooxaha Heegan iyo Jeenyo ayaa sidaan u dhacay.

          Jeenyo         vs     Heegan

8-dii KULAN EE UGU DANBEYAY

2 GUUL HEEGAN 5 BARBARO 1 GUUL JEENYO

18/03/19   Jeenyo       1 – 1     Heegan

12/03/19   Jeenyo       0 – 2     Heegan

23/04/18   Heegan       4 – 1     Jeenyo

28/02/18   Jeenyo        1 – 0     Heegan

20/03/17   Elman         0 – 0     Heegan

24/11/16   Jeenyo        1 – 1     Heegan

12/05/16   Heegan       1 – 1     Jeenyo

23/02/16   Jeenyo        2 – 2     Heegan

 

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow

 

Taariikh nololeedkii Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub)

0

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) waa Abwaan Soomaaliyeed waxa uu ku dhashay Baadiyaha magaalada Dhagax-buur ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya sannadka marka uu ahaa 1944-tii.

Waxa uu ku soo barbaaray isla magaaladaas, hankiisa dhinaca Fanka waxa uu soo bilowday isaga oo shan Jir ah, waxa uu dhallinyaranimadiisii ku soo caan baxay ciyaaraha Dhaqanka gaar ahaan Ciyaarta Dhaantada oo aynan cidina uga daba hadji jirin.

Ka sukoow Fanka waxa uu ahaa nin Gabyaa ah,  oo ka Hidda qaba Qoys wada Gabyaa, Aabihii Abtigii  iyo walaalihii badankood caan bey ku ahaayeen Gabayada.

Singub waxa uu ahaa nin aad u bartay Qur’aanka, waayihiisii barbaarinimo isagoo ku jira ayuu tagay magaalada Hargeysa ee dhulka loo yaqaan Somaliland sannadkii 1961-dii, Imtixaankii ugu horreeyey ee Dhinaca Hal abuurnimada Fanka waxaa looga qaaday Raadiyow Hargeysa.

Isla sannadkii 1961-kii waxa uu soo wareegay magaalada Muqdisho oo mar kale Imtixaan looga qaaday, sidaas ayuuna uga shaqo billaabay Raadiyow Muqdisho, raggii Imtixaanka qaadayey waxaa ka mid ahaa Fuqi Buraale, Cismaan kaahin iyo Cali Afyare.

Gabaygii ugu hooreeyey ee uu Imtixaanka ku galo waxa uu kaga hadlay sida uu u kala duwan yahay dhaqanka magaalada iyo midka Miyiga, gaar ahaan dumarka oo dhabanaheyn ku noqotay markii uu maalmo joogay Muqdisho.

Abwaanka waxa uu noqday nin culus oo ku dheereeya sameynta Riwaayadaha, qaar badan oo Riwaayadihii uu sameeyeyna waxa ay doodo badan ku dhex abuuri jireen Bulshada, taasina waa sameyntii ay laahaayeen.

Riwaayaddiisii ugu horreysay ee uu sameeyey waxaa la oran jiray “Naga guur” oo uu ugu talogalay gumeystihii Ingariiska, sannadkii 1966-kii waxa uu sameeyey Riwaayaddii caan baxday  “Yaxaas Dhega-duub”.

“ninkii ugu dhiirogaliyey sameynta Riwaayadaha waxaa la oran jiray Cismaan Aadan (Cismaan Askari) “ ayuu yiri Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub).

Naaneysta Singub waxa ay ugu baxday carruurnimadiisii ayuu ku dhacay Dab kana gubtay Sinta.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) mudadii burburkii kaddib waxa uu u wareegay Dalka Mareykanka laakiin dib ayuu uga soo laabtay, waxa uu yimid Muqdisho, kama daalin mu Alifnimadiisii fannneed.

Waxa uu sameeyey Heeso iyo Riwaayado badan oo waddani ah, Riwaayadihii ugu dambeeyey ee uu sameeyey waxaa ku jirtay Riwaayaddii la magac baxday “Ummad wada Siyaasi ah”, heeso waddani  iyo dal dhisid ah ayuu u sameeyey Kooxaha Deegaan Jabuuti iyo deegaan Muqdisho.

Hadalladii dardaarankiisa ku jiray waxaa uu xoogga ku saari jiray in dhallinyarada ay maskaxddooda Giijiyaan oo ay hal abuur Soomaalinimo cambaarsan la yimaadaan.

Waxa uu oran jiray Fanka malahan Qabiil, Nacayb, dal dummin, kala qoqob iyo wixii la hal maala.

Mar sii horreysay  magaalada Muqdisho ayuu ku xanuunsaday abwaanka, waxa uu u baxay bishii Ramadaan Cumrada, magaalada Jig-jiga ayuu ku laabtay 17-kii Juun ee sannadkaan EEBE ayaana oofsaday Allaha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub isla 18-ka Juun.

 

 

 

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya oo sheegay in ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan

0

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa sheegay in ay Dalka Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin xagga abaaraha ah, taas oo ah mid aad u xanuun badan, balse waxaa hareer yaalla fursado iyo rajo.

Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay saamaynayso 2,200,000 (Laba Milyan iyo Laba Boqol oo kun) oo Qof, wuxuna sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay caawiso Dadkaas, kuna taageerto Agab ay ugu baxaan dhibaatada.

Danjire; Yamamoto, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jirto rajo wanaagsan, fursado iyo dedaallo uusan arkin muddo dheer, wuxuuna intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya Dowladdooda ay wajihi karaan baahiyaha taagan.

Mar wax laga weydiiyay Safiirku sida loo hir geliyay deeq gaaraysa $900,000,000 (Sagaal Boqol oo Milyan oo Dollar), oo uu Maraykanku ballan qaaday Sanadkii tagey.

“Tani waa arrin aad muhiim u ah, Soomaaliya ma aysan helin wax badan oo caawin ah oo ay isticmaasho waqti dheer, laakiin Sanadihii dambe waxaa aad u kordhay kaalmada la siinayo, keliya gargaar Bini’aaddannimo ma aha sidoo kale waxaan wax ku bixinaa Wax barashada, sababtoo ah aqoontu way horumarisaa wax walba, wax barshada si guud waa furaha horumarka dhaqaalaha ” Ayuu yiri Mr; Yamamoto.

Sidoo kale Danjire; Donald Yamamoto, ayaa sheegay in ay sameeyeeyeen dedaallo shaqo abuur ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Danjiraha, ayaa sheegay in Sanaddii hore ee 2018-dii oo keliya ay abuureen 117 fursadood, isagoo intaa raaciyay in ay wadaan dedaallo la xiriira wax soo saarka Dalka oo ay ka mid yihiin wax soo saarka tacabka Beeraha, Kalluumeysiga IWM.

Wuxuu sheegay in ay jiraan tababarro xagga aqoonta ah oo loogu faa’iideynayo Dhallinyarada Soomaaliyeed oo 70% ah Bulshada, isagoo intaa raaciyay in rajada ku aaddan dhiirri gelinta da’ yartuna ay tahay mid aad u wanaagsan.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Maraykanku ay waddo qorshe shaqa abuur loogu sameynayo Dhallinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay wadaan mashaariic lagu abaabulayo 2,000 oo Kalluumeysato ah.

Hindisaha Maraykanka ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay arkaan Soomaaliya oo Qeyraadkeeda ka manaafacaadsaneyso, si ay Bulshadu ugu baxdo saboolnimada jirta.

Mar uu Mr; Donald Yamomoto ka hadlayay doorka Maraykanka ee xasilinta Soomaaliya ayuu sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in taageeraan howlgallada nabad diidka ka dhanka ah, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in Dadka ku nool goobaha laga xoreeyay Al-Shabaab ay helaan fursado shaqo iyo waxbarasho.

 

Guddoomiye Najax” Waxaan wadnaa dib u heshiisiinta Beelaha Gobolka iyo dib u furista Waddooyinka ay go’doomiyeen nabad-diidka

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali Najax, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey.

Mudane; Najax, oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen , mas’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay kala hadleen sidii si wada jir ah laysaga kaashan lahaa nabad gelyada, loona abuuri lahaa jewi iskaashi oo dhex mara Shacabka iyo Ciidamada, si meesha looga saaro in ay argagixisada ay ka faa’iideysato.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Bulshada iyo Ciidanka oo wada jira ay ku boorriyeen in ay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa Waddada isku xirta Marka iyo Qoryooleey, si halkaasi looga Cirib tiro haraadiga Al-Shabaab.

“laamaha amni iyo maamulka ayaa sheegay in ay ku ballansanyihiin  sidii ay uga wada  shaqeyn layaheen  midnimada Shacabka Gobolka Shabeellada hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, mudane, Ibraahim Aaden Cali, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo ka bogsooshada colaaddii sokeeye ee ragaadiyay.

Wuxuu intaa raaciyay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Cuqaasha, Haweenka, Dhallinyarada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta Beelaha halkaasi wada dega.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii loo furi lahaa Waddooyinka Gobolka ee ay nabad diidku go’doomiyeen iyo soo celinta adeegyadii Bulshada.

Waa markii ugu horreysay ee wafdi heerkan oo kale ah uu kormeen shaqo ku tago degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in ay safarrdooda sii wadi doonaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo iskaashiga kala hadlay Safiirka Shiinaha

0

Maalintii shalay oo Sabti ahayd, kuna beegnayd 15 June, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda China Mudane Qin Jian.

Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhiirri helin ugu Tegay Ciidankii fashiliyay weerarradii argagaxisada

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo argagaxisadu doonayeen in ay dhibaatooyin xooggan ugu gaystaan ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan dhagaraha cadawga, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin ay nabad diidku la doonayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu  ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.