Home Blog Page 970

Agaasimaha hay’adda socdaalka Soomaaliya oo Norway kula kulmay madaxda hay’adda socdaalka ee Dalkaasi

0

Oslo-(SNTV)-Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Col. Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) oo ay wehlinayaan ku xigeenka Agaasimaha guud, Cabdullahi Xaaji Bashiir, la taliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda oo safar shaqo ku jooga dalka Norway ayaa kulan la qaatey hay’adda socdaalka Dalka Norway.

Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa oo ka qeyb galay kulamo Sanadle ah oo ay yeeshaan hay’adaha socdaalka ee Labada Dal, ayaa waxa uu la qaatay madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha dibedda Norway iyo sidoo kale saraakiisha Booliska Dalkaasi.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Socdaalka, waxanay intaa ka dib Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa booqdeen Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Oslo, waxayna u kuurgaleen hab-maamulka socdaalka Garoonka.

Agaasimahii hore ee wax soo saarka iyo howlgelinta hoballada waaberi oo xilka ku wareejiayay agaasimaha cusub

0

Muqdisho-(SNTV)– Agaasimahii hore ee wax soo saarka iyo howlgelinta Hoballada waaberi , Maxamed Xasan Barroow, ayaa Maanta xilka ku wareejiayay agaasimaha cusub ee hay’addaasi, Nimcaan C/raxmaan Xasan oo la dhowaan la magacaabay.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, maareeyaha golaha murtida iyo wacyigalinta agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafintaiyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Agaasimahii hore ee wax soo saarka iyo howlgelinta hoballada waaberi iyo agaasimaha cusub ayaa isdhaafsaday saxiixyada decumiintiyada iyo agabyadii ay fanaaniintu ku shaqeyn jireen, iyagoo halkaasi isugu hambalyeeyay.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi hadana ah la taliyaha wasaaradda warfafainta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran, Maxamed Xasan Barrow, ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahey xilka wareejinta lana shaqeyn dooni agaasimaha cusub.

Nimcaan Cabdiraxmaan xasan (hillaac) , agaasimaha cusub ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa sheegey halkii uu keeney waabari Maxamed Xasan Barow inuu kasii dhaqaajin doono, wuxuuna ka codsaday bahda fanka in ay garab istaagaan, kana caawiyaan xilka loo igmaday.

Maareeyaha golaha murtida iyo wacyi galinta Qaranka , Maxamed Abuukar Axmed. ayaa sheegey in Agaasime Barrow uu wax badan kasoo maray dib u howl gelinta Hobollada waabari, kadib bur burkii uu Dalku soo maray, Nimcaan hillaacna looga baahan yahay in uu halkaa kasii dhaqaajiyo.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Khadiijo Maxmed Diiriye, ayaa sheegtay in ayy xubin ka aheyd waligeed Hobollada waabari, haddana ay kala sheqeyn doonto sidii loo dhaqaajin lahaa horumarinta bahda fanka ee uu Qaranku leeyahey.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Mudane; Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaa dardaaran guud siiyey mas’uuliyiinta cusub iyo guud ahaan bahda fanka , wuxuuna sheegey fanka Soomaaliyeed iyo fannaaniinta in dib loo soo celin doono Heesihii hirgalay oo tartan furan lagu soo saari doono jiilalka cusub ee fanka kusoo biiraya.

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Mashruuc ay ku baxayso 42 Million oo Yuuro.

0

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa munaasabad uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliaya oo Muqdisho lagu qabtay waxa ay maanta si wadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay.

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qayb ka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad gobaleed. Mashruuca ayaa dib u  dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka.

Dhismaha waddooyinka dalka ayaa noqonaya laba guul oo la gaaray: ma aha oo kaliya in uu badbaadinayo nafta dadka isticmaala ee sidoo kale waxa ay saamayn wanaagsan ku yeelanayaa kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama waddooyinku fududaynayaan isku xirka ganacsiga gudaha dalka iyo waddamada deriska ah; Ethiopia iyo Kenya, uuna ka qayb qaadanayo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed ee shaqa la’aantu hayso.

”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri  Wasiir Jamal Maxamed Xasan.

Intii lagu guda jiray munaasabadda, Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa yiri, “Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin  taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’

Faahfaahin Kooban

Mashruuca dib udhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suura geliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo, lana dhiirri geliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska. Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro.  Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF.  Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca..

Wasiir Maareeye oo shir guddoomiya kulanka guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shir guddoomiyay kulankii Labaad ee guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ku beegan 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada maalmaha xorriyadda ayaa warbaahinta Qaranka uga war bixiyay sida loogu siyaar garoobayo xuska maalmaha xorriyadda, wuxuuna Shacabka iyo Safiirrada caalamka ka jooga Soomaaliya kula dardaarmay in ay dhankoodana u diyaar garoobaan weyneynta maalmaha xorriyadda.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha’ Khadiija Maxamed  Diiriye, taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida, xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, maamulka Gobolka Banadir iyo Abwaanno.

Shirka ayaa lagu lafa guray, sidii loo diyaarin lahaa goobaha ku habboon ee lagu qaban doono xuska iyo xafladahaha dabaaldegyada, adkeynta amniga iyo diyaarinta Suugaanta xoriyadda, in la diyaariyo goobo wacyi galineed oo dadka lagu xasuusiyo waddaniyadda iyo halgenkii loo soo maray madaxbannaanida.

26-kii June 1960-kii oo ah markii ugu horreysay ee Calan Soomaaliyeed laga taago Ciiddeena, ayaa waxa ay gobollada waqooyi badax bannaanidooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, waxaana Shan Cisho ka dib 1-dii July gobanimada ka qaatay Isticmaarkii Talyaaniga gobollada Koofureed ee dalka, iyagoo isla xilligaana ku midoobay Jamhuuriayadda Soomaaliya.

Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ee maanta yeeshay kulankoodii Labaad, ayaa waxaa 9-kii Bishan magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Kheyre, si ay u abaabulaan xuska maalmaha xorriyadda ee foodda nagu soo haya.

Kooxda  Xuutiyiinta oo gantaal ku dhuftay garoon diyaaradeed oo ku yaalla dalka Sucuudiga

0

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yaman ayaa gantaal ku dhuftay garoonka diyaaradaha Abha, gantaalkaasi ayaa waxa ku dhaawacamay ku dhawad 26 ruux oo rayid ah oo ku sugnaa dhismaha qeybta dadka  garoonka ka soo dega, sida ay sheegeen isbaheysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama dalka Yaman.

Isbaheysiga ayaa bayaan ay soo saareen  maanta oo arbaca ah ku sheegay in dadka dhaawaca u kasoo garay  gantaalka ay  u  dhasheen dalal kala duwan, waxaa ku jira dadka  qaba dhaawacayda,sida  ay  sheegeen isbaheysiga  carruur iyo haween kuwaas oo la geeyay Cisbitaal aan halkaasi ka fogeyn.

weli ma cadda nooca gantaalkaasi, isbaheysiga sucuudiga ayaa sheegay in weerarkani u caddeyn u yahay in Xuutiyiintu ay hub Horumarsan ka heleen dalka Iiraan.

Isbaheysiga Sucuudiga u hoggaaminayo ayaa faragelin ku sameeyay dalka Yaman bishi maarso sanadki 2015 si uu garab istago dowladda dalka Yaman oo weeraro kala kulmeysay kooxda xuutiyiinta ah.

Ciidamada DANAB oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose

0

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka Magalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiisha Hoggaamineysay howlgalkaas ayaa waxaa ay sheegeen inay ku duuleen xog sirdoon oo ay heleen,isla markaana ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Araare oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Taliyaha qeybta Ururka 2aad ee Ciidanka DANAB ee Gobolka Jubbada Hoose Gaashaanle Muraal ayaa sheegay in Ciidanka degan deegaanka Baarsanguuni ay fuliyeen howlgalkaas,isla markaana aay dileen Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab balse dhankooda aan wax khasaaro ah soo gaarin.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan,isla markaana howlgalkaan ka xiga uu noqon doono deeganka Koban iyo deegaano kale oo ay ku sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa Mudooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo waxa ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka halkaas oo ay ku beegsanayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka naflacaariga ee Al-Shabaab.

Wasaaradda amniga oo guddi u saaraysa shaqaaqadii ka dhacday duleedka Baladweyne

0

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay guddi u saarayso shaqaaqadii Shalay ka dhacday degaanka kala bayr ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ,  C/naasi Siciid, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guddigan oo loo igmaday in uu ka warbixiyo, kana keena xog waafi ah wixii halkaasi ka dhacay iyo ciddii ku Lugta lahayd.

Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga in aysan ka qeyb qaadan Ciidamada kala duwan wax qalqal gelinaya nabad gelyada iyo in aysan gacan ka geysan wax dhibaato u keeni kara xasillooniga guud.

Waxa uu Wasiir ku xigeenku ugu tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo Ehelkii uu ka baxayba Taliyihii qeybta Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan, Maxamed Macoow Xalane, wuxuuna sidoo kale Alle ugu baryay Xubnihii kale eek u dhaawacmay dagaalka Caafimaad deg-deg ah.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo boqday Deegaanka Al-Shabaab laga xoreeyey ee Af-urur

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Socdaalkan oo u jeedkiisu ahaa u kuurgalka xaaladda deegaankaaasi, waxaana Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinaayey xubno ka tirsan Golaha wasasiirada, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Bari Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Kusimaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawayn ballaaran ku qaabilay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo shucuur wanaagsan laga dheehanayo wejiyadooda iyo Jaceylka ay u qabaan Madaxdooda.

Madaxweynaha Ku-xigeenka oo la hadlay dadweynaha deegaanka Af-urur ayaa uga mahadnaqay soo dhoweyn ballaaran oo ay u sameeyeen, waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyey inuu deegaankan ku soo gaaro oo muhiim u ah Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenma Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan-qaaday in si deg deg ah loo howl gelidoono baahiyaha ka jira deegaanka ee ay soo gudbiyeen, waxaana uu bulshada Af-urur kula dar-daarmay inay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidmada Ammaanka.

 

Wasiir Cawad oo la kulmay Jaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka

0

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Mudane Amb. Ahmed Ciise Cawad   ayaa kulan la qaatay  qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed,qaybaheeda kala duwan & Madaxda Gobolka Minnesota,wuxuuna wasiirku uga war-bixiyey xaaladda  dalka & guulaha laga gaaray arrimaha Siyaasadda,Ganacsiga & xariirka caalamiga ah.

Kullankaan oo ay iskaashadeen hay’adda Global Minnesota oo ah Hay’ad ay kullansadeen ganacsatada Gobolka  & Jaamacadda Augosburg ayaa waxaa wasiirka Su’aalo  laga waydiiyey Xaaladda dalka,isagoo jawaabo waafi ah ka siiyey dadkii goobta ku sugnaa.

Xaamud Maasheeye Wasiiru dowlahihi hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladdii uu gar wadeenka ka ahaa Madaxweyne Sheikh Shariif ayaan wax ka waydiiyey kullanka.

Khadiijo Cali oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota kana tirsan hay’adda Global Minnesota ayaa war-baahinta qaranka uga war bixisay sababta ku dhalisay shirkaan uu martida ku ahaa Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Somalia.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa Xusay doorka ay  jaaliyadda Soomaaliyeed ku leedahay dib-u-dhiska Somalia,kulana dar-daarmay in ay tallo,Toosin & tabarucaadba uga qayb-qaataan kalin mug & miisn ba leh.

Abdihakim Abdi Ismail Warbahinta Qaranka Minnesota Mareykanka.

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha waddada isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha oo ka warbixiyey dadaalka Maamulka Gobolku ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan hirgelinta waddadan oo muhiim u ah isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Ingineerrada ku hawllan dhisidda waddadan in ay hirgeliyaan laami dhaxal gal ah oo adkeysi u leh biyaha roobka, isla markaasna lagula xisaabtamayo dhismaha jidadka oo ah hanti guud ah.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid ayaa bogaadiyey hirgelinta waddadan, iyagoona uga baaqay bulshada degmooyinkaas in ay la shaqeeyaan injineerrada hawshan wada, si is-xilqaan ahna ay uga qeyb qaataan hawlaha kale ee la xiriira bilicda iyo horumarinta.

Dhanka kale, Duqa Caasimadda ayaa u kuur galay xaaladda amni iyo ganacsi ee bulshada degmooyinkaas, isagoona qaar ka mid ah goobahaas kula kulmay dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.