Agaasimaha Guud Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka โ€œWaa in Dalka Laga Helaa Biyo Nadiif Ah Guud ahaantiisโ€

Date:

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal kala duwan kuwaas oo loogu talo galay in guud ahaan dalka laga helo biyo nadiif ah si-ay dadku uga badbaadaan Caafimaad daro ka dhalan karta biyo aanan soo marin hanaankii sifeynta ee loo qorsheeyey.

Wasaaradda Tamarka iyo Kheyraadka ayaa dhawaan magaalooyinka Baladweyne, Baydhabo iyo kuwo kale ka sameysay biyo dhaamin kadib markii dadka saameyn ku yeesheen roobab sababay in lawaayo biyo nadiif ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadkaย  Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed ayaa sheegay qeybo badan oo kamid ah dalka dadka biyo harqiyeen arrintaasna keentay in lawaayo biyihii nadiifka ahaa ee Ceelasha, Baraagaha iyo meelaha kale ee biyaha laga cabi jiray.

Waxa ugu muhiimsan ee Wasaaraddu qabatay ayaa ah in dadka lasiiyo biyo aanan caafimaadkooda wax saameyn ah ku leelan maadaama dhibtaao kale heysto oo kamid tahay inay guryahoodii isaga barakaceen.

โ€œMeelo badan oo dalka kamid ah waxaa ku fatahay biyo badan dadkuna waxaa ay kacabanayaan biyo laโ€™aan marka waxaa qasab nagu noqotay in dadka biyo dhaamin loo sameeyo arrintaasna waan ku guuleysanay inaga oo gaashaneyna dowlad Goboleedyadda dalkaโ€ ayuu yiriย  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...