Hay’adda FAO oo doomo casri ah ku wareejisay maamulka Puntland+Sawirro.

Date:

Hay’adda cunnada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), ayaa 12 Doomo kalluumeysi ah oo ay saaran yihiin Matoorro casri ku wareejisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Gobaleedka Puntland, si loo soo nooleeyo shaqada iskaashatooyinka kalluumeysiga ee ka howl gala Xeebaha Puntiland

Maamulaha mashruuca CCAP ee Xafiiska FAO  Soomaaliya, John Purvis, ayaa munaasabaddii ay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland kula wareegtay Doomaha ka hadlay ayaa sheegay in Gaadiidkani uu fursad shaqo oo muhiim ah siinayo Dhallinyaradaha Soomaaliyeed.

“Doomahaan waa caawimaad kale oo ka timid mashruuca CCAP ee ay maal geliso midawga Yurub kaas oo ka shaqeeya horumarinta qeybta Kalluumeysiga  ee isku xirta fursadaha dahabiga ah ee ka jira Xeebaha Soomaaliya,sidoo kalana dhallinyarada Xeebaha fursado shaqo oo muhiim ah ka siiya xeyndaabka kalluumeysiga qiimaha leh,” ayuu yiri, John Purvis.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyaadka Badda ee Puntland Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa sheegay in uu maamulkiisu ka go’an yahay in uu xaqiijiyo in Doomaha la guddoonsiiyay ay ka qeyb qaataan soo saaridda dakhliga iyo fursad siinta Dhallinyarada, isagoo hay’adda FAO iyo midowga Yurub ugu mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee lagu horumarinayo Kalluumeysiga Puntland.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 1,000 Qofood, iyada oo hay’adda FAO sare u qaadayso, dhismaha awoodda hannaaka kalluumeysi, isla markaana bixinaysa tababarro lagu xoojinayo xirfadaha ballaaran ee looga baahanyahay Kalluumeysiga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...