Home Blog Page 964

Duqeyn lagu burburiyey baabuur siday Qaraxyo

0

Ciidammada Difaaca  Soomaaliya iyo saaxiibbadooda ayaa duqeyn ku burburiyey Baabuur ay Al-shabaab ku soo diyaariyeen Qaraxyo ay la damacsanaayeen caasimadda.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha amniga ayaa xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday habeennimadii Axadda, waxaana laga geystay xaafado ku yaalla degmooyinka Saakoow iyo Bu’aale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyey laba xarumood mid qaraxyada lagu farsameynayey iyo xarun malleeshiyada Al-shabaab lagu tababari jiray.

Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawaaqa ilaa 7 Gantaal iyo rasaas, sidoo kalena degmada Bu’aalle laga arkayey holaca ay sideen Gantaallada oo bartilmaameed gaar ah lahaa.

Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in Al-shabaab khasaaraha gaaray uu ballaaran yahay, ayna jirto dhimasho iyo dhaawac daran.

Fatahaadah Baladweyne oo isku badalay xaaladda Bani’aadnimo

0

Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa baaq udiray bulshada Soomaaliyeed ee Ku dhaqan gobollada Galmudug,Puntland iyo Soomaaliland maadaama garoonkii Baladweyne aysan diyaaraduhu ka dagi karin in kaalintooda ay ka qaataan in dadka dhibaateysan la garsiyo  gargaarka looga samatabixiinayo dhibta ka dhaltay Fataahadda Wabiga.

Guddiga ayaa ka  dayriyay xaaladda magaalada Berdaale ee gobolka Baay maadaama aysan magaaladaasi lahayn garoon diyaaradeed ayna ka mid tahay goobaha culeyska badani uu ka jiro.

Guddoomiyaha guddiga Xamsa Saciid ayaa sheegay in hadda ay heleen hal diyaarad oo Hilicopter ah oo ay maanta tagi doonto Baladweyne laakiin aysan Ku filneyn inay daboosho baahida jirta.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Cabdullaahi Goodax barre oo guddiga ka tirsan ayaa sheegay in guddigu go’aamiyay in maxkamad guurta la sameeyo taas lagu xakameyn doono cid kasta oo hunguriyeysa gargaarka dadka dhibaatadu soo gaartay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Oo Furay Xafiiska Isku-duwidda Qorshaha Xalka Waara Ee Barakacayaasha

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta furay xafiiska isku dubba ridka qorshaha xalka waara ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka war bixiyay u jeedada loo furayo xafiiska, waxaana munaasabadda furitaanka goob joog ka ahaa wasiirrada gargaarka, arrimaha gudaha, waxbarashada, howlaha guud, iyo haweenka iyo guddoomiyaha guddiga qaran ee qaxootiga iyo barakacayaasha.

Deeq bixiyaasha iyo saaxiibada caalamka ee dowladda Soomaaliya oo iyana shirka ka qayb galay, ayaa amaanay qorshayaasha dowladda ee xal u helidda iyo maareynta barakacayaasha.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kudbaddiisa furitaanka xafiiska ku caddeeyay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda barakacayaasha, si ay u helaan nolosha ay u baahanyihiin ayna uga qayb qaataan hagaajinta mustaqbalka dalka.

Xal u helidda barakacayaasha ayaa kamid ah halbeegyada ugu muhiimta Tubta Horumarinta arrimaha bulshada oo kamid ah afarta tub qaran ee shaqooyinka dowladda lagu saleeyay

Shacab iyo Mas’uuliyiin Dooni kula dagtay Wabiga Baladweyne

0

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Doon ay sarnayeen Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka iyo kuwa degmada ,dad shacab ah ay ku gadoontay  fatahaada biyaha Wabiga ka dhashay.

Dadka Doonta la socday ayaa ku dhawad garaya 30 ruux oo u badnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, Duqii degmada Beledweyne, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Askar iyo dad shacab ah ayaa la sheegay in ay ku sii jeeda deegaanka Ceeljaalle oo ah halka ay u barakaceen dadkii ka hayaamay  Fatahaadda Wabiga Shabeelle.

dadka la soo badbaadiyay ay ka mid yihiin Duqa degmada Beledweyne Safiye Sheekh Xassan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax.

Dhanka kale waxaa ilaa iyo hada biyahay lagu la’yahay dad ka badan 10 ruux oo ay ka mid tahay La taliyihii dhinaca Haweenka ee madaxweynaha dowlad gobolleedka HIrshabeelle

Fatahaaddauu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa saameyn xooggan ku  yeeshay xaafadaha magaalada Baladweyn, iyadoo ay jiran dad wali ku  go’doonsan biyaha dhaxdooda.

.

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka oo shir uga furmay dalka Turkiga

0

Shir wadajir ah oo ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka ayaa uga furmay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocdka dib- u- eegista Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaanada dowlad goboleedyada ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa maanta magaalada Istanbul uga furmay shir toban maalin socon doona laga bilaabo 27 Octoobar 2019 ilaa 5ta Nofeebar 2019, wuxuuna ku saabsan yahay dib-u-eegista 15ka Cutub Dastuurka ee la soo dhameeyay.

Ugu horayn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qaybgalayaasha, islamarkaana sharaxay ujeedooyinka shirka gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Mudane Cabdi Qaybdiid.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hogaaminaya wafdiga dowladda ee dib-u-eegista Dastuurka.gabagabadii shirkaan ayaa muhiimad ugu fadhiyo dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan 15 ka cusub ee soo dhamaaday, taasoo la doonayo in mudadan tobanka cisho lagu turxaan bixiyo wixii sixitaan yar yar u baahan ee ku saabsan dhanka farsamada.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo kulan la qaatay guddiga gurmadka fatahaadaha.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay guddiga gurmadka fatahaadaha ee shalay uu u magacaabay isku dubba ridka dadaallada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobaka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre war bixin ka siiyay howlihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay, waxa ayna caddeeyeen in xalay kulan ay yeesheen ay ku sameysteen xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen, maantana ay Beledweyne gaarsiiyeen laba diyaarad oo gargaar deg-deg ah wada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka iyo in la adkeeyo amniga deegaannada dadku ka bara keceen iyo deegaannada ay ku bara keceen si bulshadu ay u hesho nabad ay ku noolaato.

Guddiga oo ka kooban siddeed wasiir iyo wasiir ku xigeen ayaa mas’uuliyaddoodu tahay in ay si hufan isugu dubba ridaan qorshaha samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen daadadka ka dhashay roobabka iyo wabiyada karkaarrada jabsaday

Dowladda Finland oo qalab Studio oo casri ah ku wareejisay TV ga Qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Finland oo ay wakiil ka tahay hay’adda Vikas ee laga leeyahay dalkaas ayaa qalab casri ah maanta ku wareejisay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaa qalabka guddoomay una mahad celiyay dowladda iyo shacabka reer Finland agaasimaha guud ee wasaaradda.

#SNTV.

Dowladda Finland oo ay wakiil ka tahay hay'adda Vikas ee laga leeyahay dalkaas ayaa qalab casri ah maanta ku wareejisay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaa qalabka guddoomay una mahad celiyay dowladda iyo shacabka reer Finland agaasimaha guud ee wasaaradda.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Κυριακή, 27 Οκτωβρίου 2019

Wasiirka amniga dalka oo furay shirka hay’adda socdaalka.

Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya oo Saddexdii biloodba mar la qabto.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Laamaha Hay’addaha socdaalka ee Gobalada, Saraakiisha xarunta dhexe ka howlgala iyo Hay’addaha wada shaqeynta la leh Hay’adda socdaalka oo ay ka mid yihiin Booliska, Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Wasaaradaha.

Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlaa wada-shaqeynta Laamaha kala duwan ee Socdaalka dalka.

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi

Mareykanka ayaa qaaday howlgal lagu bartilmaameedsanaayey  Hogaamiyaha  Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ,sida uu ka dhawaajiyay sarkaal Mareykan ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo warbixin kooban ka bixiyay natiijada howlgalka ayaa sheegay in al-Baghdadi lagu dilay duqeyn .

Sarkaalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta in hogaamiyaha kooxda Daacish lagu bartilmaameedsaday  gobolka Idlib ee dalka Siiriya.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu maanta bayaan ka soo saaro Aqalka Cad,kaas oo uu kaga hadlaayo dilka hoggaamiyahaasi sida uu xaqiijiyay Afhayeen lagu magacaabo Hogan Gidley .

Al-Baghdadi wuxuu hogaaminaayey kooxahaasi shanti sano ee ugu dambeysay, isagoo ka mid noqday dhowr taliye oo ka howlgalay Ciraaq iyo Suuriya,waxaana Mareykanku ay horay u shaaciyeen in lagu dilay duqeyn.

wasiirka difaaca dalka oo soo dhaweeyay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

0

Wwasiirka gaashaandhiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Inta uu joogo wafdigan waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya.