Home Blog Page 964

Wafdigii loo Xilsaaray Baaritaanka Dadkii Dhowaan Lagu Dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb Oo gaaray Gaalkacyo+Sawiro

0

Muqdisho (SNTV) Wafdigan ka kooban labo guddi oo ka kala socda Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa gaarey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) oo ka mid aha xildhibaannada Golaha Shacabka oo hogaaminaayo xubno 13 mudaneyaal baarlamaan oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Gobolleedka Koonur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo isna horkacayay xubnaha Gudiga oo uu dhowaan soo  magacaabay Madaxaweynaha Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed Somaaliya.

Xubnaha labada Guddi ka kooban ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Dowlada Goboleedka Galmudug  ayaa ka hadley soo dhaweynta wafdiga, waxaana ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in Guddiyada Gaalkacyo soo gaaraan si Looga wada xaajoodo dhibaatadii 14-kii bishan ka dhacaday magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ee Maamul Gobolleedka Galmudug.

Xubnaha Guddiyadan iyo mas’uuliyinta maamulka Galmudug ayaa kulamo ku leh Gaalkacyo, iyagoo ka wada arrinsanaya sidii looga wadashaqeyn lahaa xaqiiqo raadinta dhacdadii dad shacab ah lagu dilay dhawaan ee magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusa-mareeb.

Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Qorsheynta XFS iyo K/Galbeed Oo Yeeshay Kulan Muhiim ah

0

Muqdisho(Sntv) Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Qorsheynta Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha  Dowladda Federaalka  iyo xubna ka socda Midowga Yurub ayaa shalay la kulmay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  oo ay kala hadleen Mashruuca ILED.

Wasiirka Qorsheynta Maamulka Koonfur galbeed  Axmed Madoobe Nuunow ayaa soo dhaweeyay madaxa Xafiiska Ogalaasha Mashaariicda ee Wasaaradda Qorsheynta,waxuuna bogaadiayay  hanaanka la qorsheeyay ee mashaariicda ILED oo ahmiyadd ballaaran u leh dalkeena.

Maxamed  Daahir Faarah oo ka mid ah mas’uuliyiinta Madaxda xafiiska  mashaariicda Midowga Yurub ee Wasaaradda Qorsheynta  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharaxaad ka siiyay  Wasiirka Qorsheynta Koonfur galbeed iyo madaxda  kale ee wasaaradaasi hannaanka la doonayo in mashruuca  ILED looga fuliyo deeganada maamulka iyo howlaha kale oo ay si wadajir ah uga shaqeynayaan Wasaaradda iyo Midowga Yurub.

“Mashruucan ILED wax doonaynaa in aan hoos u  daadajino fulintiisa , waxaan doonaynaa in dadka ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed mashruucan oo Midowga Yurub ay ugu deeqday Soomaaliya, wax uuna diirrada saaray sidii abaaraha iyo mashaakilaadka la xiriira, iyo soo kabashada dadka “ayuu yari Maxamed Daahir.

Isku  duwaha Mashruuca ILED ee Midowga Yurub Mr Martino Vinci wax uu tilmaamay muhiimadda mushruuucan  u leeyahay dalka Soomaaliya , gaar ahaan shacabka iyo maamulka KGS, wuxuuna hooska ka xariiqay in la dar dar geliyo qaabka loo fulinayo mashruucan.

Mashruuraca ILED oo  bisha April sanadkan ay dhammaan wada saxiixeen Wasiir Qorsheynta  Maamulka  Gobaleedyada iyo Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Amb. Jamaal Maxamed Xasan, Midowga Yurub ayaa mashruucan wax ay ku maalgelinaysa lacag lagu qiyaasay 83 milyan uero.

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Xuska Sannad-guurada 59aad ee 26-ka Juun

0

Muqdisho (SNTV): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa u hambalyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.

“Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa inay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna.”

Intii ay socotay munaasabaddu, waxaa hadallo ku aaddan halgankii xorriyadda iyo hiigsiga dadka Soomaaliyeed ee waqtigaas ka jeediyey masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay dalka iyo waxgarad Soomaaliyeed oo goobjoog u ahaa taariikhdaas. Sidoo kale, Hobballada Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado isugu jira xasuusin, dhiirrigelin iyo dardaaran oo ay ku maamuusayaan maalintan qiimaha badan ee 26-ka Juun.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambaydunu ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda, Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida, Diblumaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta oo beenisay Warqad been abuur ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir Hilaal.

0

Muqdisho (SNTV):- Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa beenisay warqad been abuur ah oo Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka.

“Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka  laga qaaday wasiir ku xigeenka  Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal”

Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Xuska maalinta Xornimada Goballada Waqooyi

Dhuusamareeb (SNTV)—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi ee dalka, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in 26-ka June oo ah maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhulka Soomaaliyeed, ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, ayaa dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in dhiig badan lagu bixiyay xornimada aan maanta ku naalloonayno, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay in dadka Soomaaliyeed ay ka xoroobaan gummaystaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in aysan kala maarmin Soomaali ayaa ku baaqay in la adkeeyo midnimada, isaga oo intaa raaciyay in hoggaanka dalku ay ka garaabayaan tabashooyinka ay qabaan deegaannada goballada waqooyi ee dalka.

June 26, 1960 ayaa goballada waqooyi ee dalka waxa ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koonfureed ee dalka ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen goballada waqooyi iyo Koonfur.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Odayaasha Dhaqanka oo ka wada hadlay Dib-u-heshiisiinta Iyo Dhismaha Galmudug Loo Dhanyahay

Dhuusamareeb (SNTV) —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha dega deegaannada ay Galmudug ka koobantahay.

Odayaasha dhaqanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka odayaasha dhaqanka iyo waxgaradku ay ku leeyihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug.

Wax-garadka iyo odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre u bandhigay aragtidooda ku aadan hannaanka ugu habboon ee loo sameyn karo dib-u-heshiisiin loona dhisi karo Galmudug Midaysan laguna wada qanacsanyahay oo ka shaqaysa danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in wax-garadku ay saldhig u yihiin dhismaha dowladnimada iyo wadajirka Bulshada, ayaa odayaasha u sheegay in isaga iyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka go’antahay in reer Gal-mudug ay ku caawiyaan qabsoomiadda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda dhismaha maamul dhamaystiran, sal adag, oo ka fakara horumarinta deegaanka iyo mustaqbalka fog.

Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayay bulshada Dhuusareeb ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka, iyo madaxda fulinta Dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Mareynkanka oo duqeyn ku dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho (SNTV):-Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubin ka tirsanaa Argaggixisada Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo lala kaashaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, laga fuliyey magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, 24-kii June.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in weerradan lagu yareenayo dhaqdhaaqyada kooxda Al-Shabaab ee gobolka kuwaas oo halis ku ah amniga iyo nabad-galyada shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda Mareynkanka ayaa howlgalka ka dhan ah argagixisada ka wada dalka,waxaana jira deegaano badan oo laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab,kuwaasi oo shacabkii horay uga barakacay hadda dib ugu soo labaanaya si ay dib nolol cusub uga bilaabaan.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee BJFS

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa la socodka Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qarank oo a ay wado qoristiisa Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS.

Wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa u soo bandhigtay Guddigaan, Qabyo qoraalka koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka, Seddexda ahmiyad ee muhiimada u leh dalka, kuwaas oo kala ah Siyaasadda loo dhan yahay, horumarinta Dhaqaalaha iyo Amniga, iyo kala sareynta Sharciga.

Xildhabaanada Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka ayaa Waasaradda su’aalo ka waydiiyay hanaanka uu u dhacay wada-tashiga Wareegga Koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo sida loo dhageystay Aragtida Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wax ka waydiiyay wasaaradda howlaha kale ee muhiimka ah ee ay wado, kuwaas oo ahmiyad ballaaran u leh dalkeenna, waxaana guddiga uu boggaadiyey shaqada culus oo ay hayso wasaaradda Qorsheynta XFS, kuwaasi oo lafdhabar u ah dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta ee Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamuud Siraaji ayaa sheegay in Wasaaradda maanta ay guddiga u soo bandhigtay shaqooyinka socda oo hor-tabin u leh dalkeenna.

“Waxaan maanta waqti dheer wada qaadanay Wasiirka iyo Howlwadeenada Wasaaradda Qorsheynta, wax ay noo soo bandhigeen dadaalada socda ee qorista Qorshaha Qaranka, waxay noo soo bandhigeen Amniga, Federaalka, kala sarenta Sharaciga, mashaariicda socda iyo qodoba kale oo muhiimad u leh dalka, kuwaas oo ah in aan wax badan ka oggaanay qorshooyinkaasi” ayuu yiri Xil. Maxamuud Siraaji.

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay dhageysteen talooyinka Guddiga, kuwaasi oo dhaxal gal u ah qorshaha horumarinta Qaranka.

“waxaan dhageystay maanta guddiga Miiisaaniyadda, Qorsheynta ,waxa ay nala wadaageen talooyin muhiim u ah qorista Qorshaha horumarinta Qaranka, waxaan warbixin ka siinay siduu u dhacay wada-tashiga wareegga koowaad, waan ku soo laaban doonaa guddiga, waqti badan ayaana isla qaadan doonnaa, si mar walbo aan u dhageysano talooyinkooda, kuwaas oo muhiimad ballaaran u leh shaqada culus ee aan wadno” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Sidoo kale Wasiirka Jamaal ayaa warbaxin kooban ka siiyay guddiga maashriicda horumarineed ee dalka ka socda, hadafyada Ballaaran ee wasaaradda horumuudka ka tahay sida shaqo Abuurka dhalinyaradda, dhiiri-gelinta Ganacsatada yar yar oo maal-gelin loo sameynayo,  taasi oo qeyb weyn ka qaadanayso yarenta shaqa yarida iyo kobcinta dhaqaalaha.

 

Xukuumadda Soomaaliya oo ku guuleysatay in la qaado Xayiraaddii saarneyd Xoolaha Soomaaliya Ee loo dhoofiyo Sacuudiga.

0

Muqdihsho (SNTV)– War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal dheer ka dib ay ku guuleysatay in la qaado xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeeyo dalka Sucuudiga, qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaana u qornaa sidaan.

                              War Saxaafadeed

Xoolaha Soomaliya waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka waxaana  noloshoodu ku tiirsantahay in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa ay qayb ka qaatan kororka wax soos saarka dhaqaalaha gudaha dalka (GDP) 65% isla markaana waxaa ka soo hoyata dhoofka xoolaha in ka baddan 80% lacagta adag ee soo gasha dalka.

Xoolaha Soomaaliyeed waxeey saldhig u yiiin xoolo dhaqatadeena reer guuraaga ah kuna nool miyiga iyagoo ka helo caano iyo hilib ee xagga nafaqada caruurta iyo haweenka iyo lacago kaash oo ay ku dabooshaan nolol maalmoodka iyo in ay ku soo iibsadaan raashinka daruuriga ah.

Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaal Soomaaliya iyadoo gudaneeysa  waajibaadkeeda  shaqo ee  ku  aadan  barnamijka  Xukuumadda oo uu Rai’iisul Wasraaha ka yahay Mudane Xasan Cai Khayre, gaar ahaan Tubaha Qaranka iyadoo ay Wasaaraddu qay ka tahay tubta dhaqaalaha ee Xukuumadda waxeey u howl gashay fulinta halbeegyada saldhiga u ah tubta dhaqaalha e ku aadan horumarinta Xoolaha Soomaaliyeed iyo ka qaadida xayiraada saarneyd dhoofka xoolaha ee loo dhoofiyo Dalka Boqortooyada Sacuudiga ee aan walaalaha nahay, isla markaana loo helo suuqyo cusub oo loo iib geeyo xoolaheena nool iyo waxa ka soo baxa.

Wasaardda  X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqqa, waxeey ku guuleeysatay in markii ugu horaysay diyaariso muddo dheer kadib Straateejiyad guud oo muddo toban sano ah(2020 – 2030), taasoo ay gacan naga siiyeen Hay’adaha Bangiga Aduunka iyo FAO oo lagu horamarinaayo xoolaha Soomaliyeed ee dhinacyada: (Caafimaadka,

Daaqa, Biyaha, Waraabka, Horumarinta Dhoofka Xoolaha iyo hagaajinta iyo kobcinta Caanaha, Hilibka, maqaarka xoolaha, Digaaga, Calafka, Shinada iyo wixii la xiriira), taasoo lagu soo gabagabeeyey dalka gudihiisa 17-19-kii bisha Juun 2019

,waxana daah furay Raii’sul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomalia , goob joogna ay ka ahaayeen Madaxa Xaafiiska Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Madax Xaafiiska FAO ee Soomaaliya, EU, UN-ka iyo xubka socday Deeq bixiyayaasha Calamka.

Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyadoo gudaneeysa waajibaadkeeda shaqo waxeey u howl gashay in xayiraada laga qaado xoolaha Soomaliya ee aan u dhoofino Dalka Boqortooyada Sacuudiga , iyadoo kashaneeysa Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Ali Kayre.

Xiriiro baddan oo aan la sameeynay wasaradda dhigeena ah ee dalka Sacuudiga kadib wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-Xigeenka Xukuumada oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa uu safar ku tagay Dalka Sacuudiga iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay in xoolaha Soomaaliyeed laga qaado xayiraadaha soo noq noqtay waxaana la isku afgartay in si wada jir ah aan uga wada shaqeeyno si aaney xayiraadahaasi ay dib u soo laabanin.

Iyadoo Wasaraddu daba joogto arrintaas waxeey safar ku tagtay Dalka France, Paris, bishii May ee sanadkan si ay uga qayb gasho Shirweeynaha 87-aad ee Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee OIE taasoo haysa, bixisana shuruudaha dhoofaka xoolaha nool iyo wax aka soo baxa xoolaha gaar ahaan shuruudaha caafimaadka xoolaha (Animal and Animal Products), waxaana halkaas kula kulanay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee Aduunka (OIE) Mrs. Monica Eliot oo aan isku afgaranay in Hay’adda OIE iyo Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqa ka wada shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa halbeegyda caalamiga ah ( International Standards) oo lagama maarmaan u ah dhoofka xoolaha iyo wax aka soo baxa; iyo hagajinta iyo kor u qaadida heerka maxjarada xoolaha laga dhoofinayo, Shaybarada iyo Guud ahaan Caafimaadka Xoolaha si looga hortago cudurada loogana daaweeyo.

Hadaba, waxaana halkaan ugu soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed, xoolo dhaqatada , ganacsatada iyo ciddi ku howlana arrimaha dhoofka xoolaha Soomaliya, in ay Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ku guulaysatay in xayiradii dhoofka xoolaha soomaaliya ee dalka Sacuudi Arabiya laga qaaday Moosinka Xajkan sanadkan 2019-ka iyado Wasaarddeena iyo Wassaradda Beeraha ee dalka Sacuudiga a noo socoto sidii guud ahaan looga qaadi lahaay xayrada dhoofka xoolaha Soomaaliya iyado howshasi ay meel gebo bebo ah ay mareeyso dhowaana aan idinla wadaagi doono wixii ka soo baxa.

Anigoo ku hadlaya  magaca Wasaaradda  X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo magaca Dawladda Federaalka Soomaliya, waxaan halkaan mahad ballaaran uga jeedinayaa Dawladda Boqortooyada Sacuudiga ee aan Walaalaha nahay oo uu Hogaamiyo u addeegaha labada Xaram ee xurmada mudan Boqor Salmaan Bin Abdulaziz, gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa Wasaardda Bay’idda, Biyaha iyo Beeraha ee Dawladda Sacuudiga oo runtii ay wada shaqeeyn fiican naga dhaxeeyso waxaana soo dhoweeyneeynaa qaraarkii ay kaga qaadeen xayirada dhoofka xoolaha ee sandkan Moosinka Hajka 2019-ka kaasoo si rasmi ah noogu soo gudbiyeen.

Anigoo la qaybsanaya farxaddan shacabka Soomaaliyeed iyo inta daneeysa xoolaha Soomaaliyeed waxaan idinka codsaneeyna in aad nagala shaqeeysaan horumarinta caafimaadka iyo fulinta halbeegyada caalamiga ah (International Standards) ee la xiriira dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyadoo danta gaar aan ka hormarineeyno danta guud ee Umadda Soomaaliyeed oo ay noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha.

Dhammaad

26ka juun “ Kaana siib Kanna Saar”

Muqdisho (SNTV)- 26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qabiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed  calan xor ah.

Halgamayaashii u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi halkan laguma soo koobi karo, waxay isugu jireen qaar  halgan qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga oo muddo badan socday, haddaan qaar ka mid ah ka xusno waxaa ka mid ah Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP, dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanada kala ah Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay duleedka magaalada Gabilleey ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya, sanadkii 1920kii,C/laahi Suldaan hooyadii waxaa la oran jiray Xabiiba Seed Guuleed wuxuuna ahaa Madi ka dhashay qoys beeralay ah.

Abwaan Tmacadde dhalinyaranimadiisii wuxuu ku noolaa magaalooyinka Harar iyo Diridhabe, kadibna wuxuu u sii gudbay magaalada Jabuuti halkaasi oo uu in muddo ah degenaa,1938 ilaa 1949 Marxuum Timacadde wuxuu isaga dhex socdaali jiray magaalooyinka Diridhabe iyo Jabuuti waxaana halkasi degenaa dad ayqaraabadiisa ahaa.

C/llaahi Suldaan markii uu ku soo guryo noqday dalka bartamihii kontameeyadii,wuxuu ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka gaar ahaan gobollada waqooyi, wuxuuna markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa, isagoo kulamada xisbiga ka marin jiray gabayadiisii taariikhda galay.

26kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, Munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa wuxuu halkaasi ka mariyay gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ee ahaa Kaana siib Kanna saar Abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde,

                Kaana siib, kanna saar

                 Ka, sideetan Sabaane                                               Calankaannu sugaynay’
                 Sahankiisa ahaynow                                                  Sermawaydo hilaacdayo
                  Sagal maanta daroorayoo                                      Siigadii nagamaydhayoo                                         Saqdhaxaanu ahayne                                               kii soo saaray cadceedoow
                   Samada kii u ekaaye                            .                  Xidigaha mid lasiiyayow
                   Saaxirkii Kala guuraye                                             Sareeyow ma nusqaamoo
                    aan siduu yahay eegono’e                                      Kaana siib Kanna Saar

Saqdii dhexe habeennimadii 26ka juun, guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaawda xornimada ee ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku nool goballada waqooyi muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegga iyo damaashaadka ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana wuxuu ahaa mid aan shucuurtiisa lagu  qiyaasi Karin qormo kooban.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol waxay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Halyeeyadii Abwaanada ahaa ee maskaxdooda u shiilay in ay shacbiga Soomaaliyeed dareensiiyaan qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala C/llaahi Qarshe, Xuseen ow faarax dibbad, C/llahi Suldaan Tima-Cadde Cali Sugulle.    oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii Codka macaan ku luuqaysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Allaha u naxariistee Abwaan C/llahi Suldaan Tima-Cadde oo lagu timaami karo inuu ka mid ahaa Hal dooradii quluubta Soomaaliyeed kaga tagay suugaanta wadaniga ah ee aan duugoobayn.

Sanad guurada 59aad 26ka juun eek u began curashada Calanka Soomaaliyeed waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xaliyo wixii tabasho ah ee jira.

W/D Abukar Gobdoon