Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS Sadiiq Warfaa oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa kullan gaar ah la qaatay Wasiirka Shaqada, Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee dalka Turkiga, Zehra Zumrut Selcuk.

Kullanka oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa looga wada-hadlay mashaariicda socda ee ku saabsan xoojinta shaqaalaha iyo shaqaalaysiinta.

Waxaa kale oo ay ku dheeraadeen inta uu kullanka socday sidii loo guda-gali lahaa is afgarad la xiriiray horumarinta iyo tababarada shaqaalaha oo labada wasaaradood ay horey u gaareen,iyadoo is afgaradka ay ansixiyeen golaha wasiirrada ee labada dal.

“Sidoo kale waxaan isweydaarsanay aragtiyo ku saabsan kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya labadeena dal.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo xukuumadda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Warfaa ayaa u jooga Istanbul ka qeybgalka shirka koowaad ee heerka wasiirrada ah ee ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadlayo horumarinta Bulshada,halkaa oo uu khudbad ka jeedin doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...