Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka oo ka furmay Qatar

Date:

Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar waxaa Maanta ka furmay shirka 7-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka oo sanadkaan looga hadlayo la dagaalanka Musuq maasuqa.

Shirka waxaa isla shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Soomaaliya waxaa Shirkaan uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay Qatar shir doceedyo la qaadan doona Madaxda ka soo qeyb gasha Shirkaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...