Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray magaalada Gaalkacyo
Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS S/guuto C/xamiid Maxamed (dirir), ayaa Maanta gaaray magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta Gobolka Mudug.
Wafdigaan oo ay soo dhaweeyeen maamulka degmada Gaalkcyo iyo saarkiil ka tirsan hogaamiyaasha ciidamada , qaybaha ururada bulshada , iyo culima udiinka,waxaa socdaalkoodu uu laxiriiraa dhexdhexdhaxaadinta beelaha walaalaha ah ay dirirtu ku dhexmartay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.
Ugu danbayntii , Kulan u dhaxeeyay Taliyha iyo dhaqanka ,Cuqaasha, Isimada iyo dhalinyarada ayaa lagu looga hadlay qaabkii look qaadi lahaa kooxaha ku dagaalamaya haalkaasi.

James Swan iyo Madaxweyne Waare oo wada hadallo ku leh Jowhar
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya , James Swan, ayaa waxa uu kulan wada tashi ah haatan ugu socdaa Magaalada Jowhar.
James Swan, oo ay wehlinayaan Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika , Francisco CJ Madeira, iyo La-Taliyaha Sare ee Urur-Goboleedka IGAD , Jamaal Axmed Ibraahim, ayaa sidoo kale lagu wdaa in ay kulamo la qaataan Odaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada si ay Gacan ugu geystaan geeddi socodka doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan 2020-ka iyo qaabkii loo wajihi lahaa.
Madaxda ka socota Wakiilladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa Shalayto Magaalada Baydhabo kula kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed, C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen), Odayaasha iyo wax garadka, iyagoo sheegay in ay mari doonaan dhammaan maamullada Dalka ka jira, si ay isula fahmaan qabashada doorasho Qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray weerarkii Argagixisa-nimo ee Hotelka SYL.
Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay soo Gabagabeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL ayaa Taliska booliska waxaa ka soo sareen war qoraal ah wereerkii naf Halignimada ah oo ay kusoo qaadeen Al Shabaab goob ay dad rayad ah isaga cawaynayeen ciidamada Amniga ayaa toogtay dhammaan 5-tii qof ee weerarka fulisay, Iyagoo doonayay in ay gumaadaan Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku sugnaa gudaha hotelka.

Warsaxaafadeed Wasaaradda Warfaafinta ee Weerarkii Hotel SYL Muqdisho
Ciidamada Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa soo Gabagabeeyay howlgalkii ay ka wadeen Hotel SYL oo weerar naf Halignimo ah ku soo qaadeen maleeshiyaad katirsan Xagjirka Al Shabaab.
Ciidamada ayaa toogtay dhammaan 5-tii qof ee weerarka fulisay, wuxuuna ujeedkoodu ahaa in ay gumaadaan Mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku sugnaa gudaha hotelka.
Intii uu howlgalku socday waxa ay ciidamadu ku guuleysteen in ay gudaha Hotel-ka SYL kasoo badbaadiyeen ku dhawaad boqol qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo dad shacab ah oo hotelka u joogay nasiino iyo howlo kale oo u gaar ah. halka dhaawac fudud uu soo gaaray 8 qof oo shacab ah.
Ururka 60-aad ee ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ciidamada Booliska ayaa howlgalka ka qeybqaatay, waxayna Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ku bogaadinayaan sida wanaagsan ee naxariista leh ee ay ugu gurmadeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen difaacistooda.
Ugu Dambeyntii Dowladda Fedaraalka Soomaaliyeed waxa ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsaneysaa dhammaan Ehelada iyo Asxaabta ay ka bexeen Shuhadadii ku nafwaayay weerarka Argagixisadu ay ku qaadeen Shacabka Soomaaliyeed.
AFHAYEENKA WASAARADA WARFAAFINTA
ISMAACIIL MUKHTAAR CUMAR
Gudoomiyaha Aqalka sare BFS oo Madaxda dalka Qadar kala hadlay arrimo quseeya labada dal
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kula qaatay guddoomiyaha golaha shuurada Dowladda Qatar Mudane Axmed Bin Cabdallah Al Maxmuud.
Kulanka labada guddoomiye waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah labada Baarlamaan, Kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadato dib u dhiska Dowladnimo ee dalka Soomaaliyeed, Qadiyadda reer Falastiin iyo sidii Labada Baarlamaan ay u garab istaagi lahaayeen Shacabka dhibaatayaan ee Reer Falastiin
Labada Guddoomiye waxay isku af garteen in labada Baarlamaan ay yeeshaan xiriir adag iyo wada shaqayn dhow, isla markaasna ay is waydaarsadaan khibradaha sharci dajineed ee labada dhinac.
Ciidanka Amaanka oo soo badbaadiyey dadkii ku sugnaa Hotel SYL
Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa dadkii ugu badnaa ka badbaadiyay dhagartii ay kooxda Al-shabaab ladamacsanaayeen iyaga oo weerar ku qaaday Hotel-ka SYL ee Magaalada Muqdisho.
Kooxda Argagixisadda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday hotel SYL halkaasi oo ku sugnaayeen dad shacab ah hase yeshee ciidamada Amaanka ayaa soo badbnaadiyay dadka ka badan 100 qof waxaana dhammaan la toogtay raggii weerarka soo qaaday sid uu inoo xaqiijiyay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Oronjo.
Ciidanka Amaanka ayaa ku guuleystay in gabi ahaanba ka hortagaan dhagartii Argagaxisadu damacsaneyd kuwaas oo ka koobnaa illaa 5 Maleeshiyo.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ciidanka Amaanka lashaqeeyaan si markasta u fududaato in laga hortago dhagarta Argagaxisadu damacsan tahay
Ergayga Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay U Qaabilsan Soomaaliya Oo Gaaray Baydhabo
Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo uu kulan yeeshay Madaxda kala duwan ee dowlad gobolleedka Koofur-galbeed.
Wafdiga uu hogaaminayo Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay Madaxda Koonfur Galbeed iyo dadweyne aad u fara badan.
Intaas kaddib wafdiga iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareenI iyo qaar ka mid ah maamulkiisa ayaa kulan gaar ah la qaatay James Swan Ergayga Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo xoojinta amniga

Wasaaradda Boostada Oo Daah Furtay Wadatashiga Qabyo Qoraalka Siyaasadaha Hirarka ‘Sawirro’
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknaloojiyadda ee XS ayaa daah furtay shir wadatashi ah oo loogana hadli doona qabyo qoraalka Siyaasadaha Hirarka, Lambarada iyo isku xirka waxaana ka qeyb galay madax ka socotay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mas’uuliyiinta Shirkadaha Isgaarsiinta
Shirkan oo socon doona 30 maalmood ayaa waxaa looga doodi doonaa muhiimadda uu u leeyahay qaadashada ruqsadda Isgaarsiinta ee helitaanka adeegyo tayeysan iyo dhiirigelinta adeegga bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda ayaa sheegay in ka qeyb galayaasha laga doonayo inay aragtidooda ku dhiibtaan mudada uu shirka wadatashiga socdo, waxaana uu sheegay shirkan loogu talo galay in lagu arruuriyo tallooyinka xubnaha ka qeyb galay.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Boostada ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bille Nuur oo daah furay shirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ku guuleysatay sharciga Isgaarsiinta dalka, kaasi oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, isagoo intaa ku daray in Wasaaraddu ay qeyb ka tahay halbeegyada Tubta Dhaqaaalaha, uuna rajeynayo in shirkan ay ka soo baxaan guulo wax ku ool ah.
Shirkan ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in laga soo saaro War murtiyeed wax ku ool ah oo ku saabsan hannaanka loo wajahayo qabyo qoraalka Siyaasadaha, Hirarka, Lambarada iyo isku xira.



