Home Blog Page 963

Wasiir kuxigeenka Batroolka XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Caabudwaaq

Caabudwaaq (SNTV):– Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Xildhibaanno ayaa shalay galinkii dambe gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga gaaray Caabudwaaq sidoo kale waxaa kamid ahaa Madaxawayne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Carabeey Halkaas oo si heer Sara ah loogu soo dhaweeyay.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in wafdigan ujeedadiisu tahay u gogol xaarida imaansha Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqasho ku tagi doona Magaalada Caabudwaaq si uu kulamo ulaqaato bulshada qayba-heeda kala duwan ee Degmadaasi.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Xariga Ka Jaray Xarumo Ciidan Oo Reer Cadaado Ay Isxilqaan Ku Dhiseen

Cadaado (SNTV):-  Khamiis, June 27, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xarigga ka jaray laba xarun oo dadka reer Cadaado ay si isxilqaan ah ugu dhiseen taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa reer Cadaado uga mahadceliyay dadaalka badan ee ay bixinayaan iyo sida isxilqaanka ah oo ay xarumaha ugu dhiseen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybta 21-aad.

Maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Cadaado ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku bogaadiyay waxqabadka muuqda iyo sida ay qaybta uga yihiin dib-u-dhiska dalka, waxa uuna dadka ku nool deegaannada kale ee dalka ku boorriyay in ay iyana dhismaha dalka uga qayb qaataan barnaamijka Isxilqaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku tegay xarunta ciidanka Nabad sugidda qaybta Galmudug oo ku taalla duleedka magaalada Cadaado oo iyana is-xilqaan lagu dhisay, waxa uuna warbixin ka dhagaystay saraakiisha hoggaamisa ciidanka.

Madaxweyaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), wasiirro, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka degmada Cadaado iyo saraakiisha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa goob joog ka ahaa xarig ka jaridda labada xarumood ee isxilqaanka lagu dhisay.

Barnaamijka Isxilqaan ayaa dowladdu ugu tala gashay in lagu dhiso xarumaha dowladda, waddooyinka iyo goobaha kale ee taariikhiga ahaa ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Cadaado Kula Kulmay Hoggaanka Dhaqanka

Cadaado (SNTV) —Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay iyo maanta waxa uu magaalada Cadaado kulamo wadatashi ah kula yeeshay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaannada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulamada wadatashiga ah isugu yeeray hoggaanka dhaqanka ayaa u sheegay muhiimmada ay u leeyihiin dhameystirka hannaanka lagu taabbagelinayo Galmudug mideysan oo qeyb ka noqota horumarka Soomaaliya. Waxa uu ballan qaaday in talooyinka odayaasha iyo wadatashigooda uu aasaas u yahay tallaabooyinka xiga ee la qaadayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid, wadatashiyada uu dhaqanka la yeeshay iyo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo nabadeynta iyo dhameystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Galmudug iyaga oo ka codsaday in uu sii wado wadatashiyada uu bulshada la yeelanayo.

Kulamada uu Ra’iisul la yeeshay odayaasha dhaqanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaannada iyo Seneterada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada Xuska Maalinta Xorriyadda u diray Dowladda iyo Shacabka Jabuuti

0

Muqdisho (SNTV):-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 42-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalka Jabuuti u diray shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay doorkii geesiyaasha Soomaaliyeed ay ku lahaayeen halgankii xornimo doonka walaalaheen Jabuuti, isaga oo xusay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal oo ku dhisan walaalnimo, is-taageerid iyo is-garabsiin.

“Waxaan la qaybsaneynaa walaalaheenna reer Jabuuti dabbaaldegga xuska iyo farxadda sannadguurada 42-aad ee xornimadooda. Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabaddan, waxa aanna idiiin rajaynayaa horumar, wadajir iyo sannado badan oo barwaaqo leh”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen xilliyadii adkaa, taas oo muhiim u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta dalkeenna.

“Dowladda iyo shacabka reer Jabuuti si hagar la’aaneed ayay walaalahooda Soomaaliya uga warqabeen xilliyadii adkaa oo waxa ay muujiyeen hal-adayg iyo geesinnimo aan la illoobi karin, abaal ayaana mar walba uga haynaa hiilkaas walaalnimo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xuska sannad-guurada 42-aad ee xorriyadda u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle nabad waarta iyo horumar dhinac walba ah.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.

Mudane James Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman.

Kulankan waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Soomaaliya oo Khayraadkeeda Kusoo Bandhigtay bandhig Carweed lagu qabtay Shiinaha

0

Hunnan (SNTV):– Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan  gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha ayaa maanta ka qayb qayb gelay carwo dalalka Afrika iyo Shiinuhu ay kusoo bandhigayeen khayraadka iyo waxyaabaha kale ee ay haystaan ee dalalka kale loo dhoofin karo si ganacsiga ka dhexeeya dalalka sare loogu qaado.

Wafdig uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku hoggaaminayo ayaa carwada kusoo bandhigay khayraadka uu dalka Soomaaliya uu leeyahay si ay ka qayb galayaashu xog buuxda uga helaan ayna kula laabtaan dalalkooda si ay Soomaaliya uga faa’iidaysato baahiyaha ay dalalka kale u qabaan khayraadka iyo wax soo saarka dalka.

Carwada ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Shiinaha iyo Afrika ayaa samaytay madal iskaashi ganacsi iyo dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin, taas oo u gogol xaaraya in si wadajir ah loo horumariyo ganacsiga ka dhexeeya Afrika iyo dalka Shiinaha.

Qaraxyo Mataano ah Oo  Ka dhacay Magaalada Tuunis ee Dalka Tuniisiya

Tunis (SNTV) Qaraxa koowaad ee ka dhacay magaalada Tuunis ayaa lala beegsaday gaari Boolis   waxaana ku dhintay sarkaal boolis ah halka sarkaal boolis ah iyo 3 qof oo rayid ah uu dhaawac ka soo gaaray .

Qaraxa labaad oo uu geystay qof isa soo miidaamiyay ayaa il-biriqsiyo ka dib qarax kale waxa uu ka dhacay degmada Al-qarjani, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Tuuniisiya.

Wakaaladda Reuters ayaa baahisay iyada oo soo xiganeysa goob joogayaal waxaana ay warisay in qaraxa koowaad uu ka dhacay meel aan ka fogeyn safaaradda Faransiiska uu u ku leeyahay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tuniisiya.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadani, balse weerarada ayaa yimid 4 sano ka dib markii ay dhaceen weerarro lala beegsaday dad dalxiisayaal oo ku sugnaa madxaf ku yaalla magaalada Tuunis iyadoo ay mashaqada ay sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad kale oo joogay xeebta magaalada Suus.

Weerarradaas waxaa sheegtay  kooxda Daacish.

 

 

 

R/Wasaare Ku-xigeen Mahdi oo Shiinaha Uga Qayb Galay Shirka Ganacsiga & Dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Afrika

Hunnan (SNTV)—Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelay munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

Halku-dhigga shirka daah-furka ayaa ahaa guul ka gaaridda wada-shaqaynta dhaw ee Shiinaha iyo Afrika ay ka yeelanayaan dhaqaalaha iyo bah-wadaagnimada ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda daah-furka waxa uu ku sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga ganacsiga uu muhiim u yahay Shiinaha iyo qaaradda Afrika.

Munaasabadda shaacinta dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa kasoo qayb galay 800 oo ruux oo ay ku jiraan madaxda Shiinaha iyo Afrika, saraakiil metelaysa hey’ado caalami ah, hal abuurayaal ganacsi, khuburo iyo aqoon-yahanno.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga iyo sare u qaadidda heerka wax dhoofinta dalka, waxaana ay xubna ka noqtay suuqyo iyo madallo caalami ah kuwaas oo qayb ka qaadanaya ka guul gaaridda himilada ummadda Soomaaliyeed.

Xuska Maalinta Xorriyadda Jabbuuti oo lagu qabtay magaalada Beledweyne “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Sanad-guurada 42-aad ee Xornimada Jabuuti oo ku asteysan maanta 27 Juun.

Munaasabadda Xorriyadda Jamuuriyadda Jabuuti ayaa waxa ay si habsami leh uga socotaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan iyadoo munaasabadda oo si heersare ah loo agaasimay ay ka qeyb galeen Wafdi ka tirsan labada gole ee maamul gobolleedka Hirshabeelle oo uu horkacayo Madaxweynaha maamulkaasi Mudane, Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa sidoo kale munaasabadda goob joog ka ah Xubno ka tirsan Labadda Golle ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle oo ay kamid yihiin wasiiro iyo mudeneyaal ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeele state iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidanka Jabuuti oo ay munaasabaddan uga qeyb galaya dabaal degga maalintooda Xorriyadda iyadoo qeyb ka ah howlgalka Nabad illaalinta Soomaaliya ayaa maanta kusoo bandhigaya goobta ay ka socoto Munaasabadda gaado ka ciyaar ay ugu dabaal dagayaan 42-sano guuradii kasoo wareegatay markii ay ka xoroobeen mustacmarkii Faransiiska oo ay qaateen madax-banaanida ay maanta ku naaloonayaan.

 

Wararkii ugu dambeeyey Maleeshiyaad Al Shabaab oo ku dagaalamay Jilib

0

Muqdisho(SNTV)  Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab weli isku hor fadhiyaan halkaasi kadib markii shalay ay ku dagaalameen degmada Jilib.

Dagaalka oo Saacado badan socday ayaa sida lagu soo waramyo waxaa ay isaga dilleen Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad badan, Wararka ayaa muujinaya in tirade 21 dagaalameyaal iyo labo Horjooge lagu dilay sida qaar kamid ah dadka deegaanka laga soo xigtay.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkani uu ka dambeeyay kaddib markii Argagixisadu ay isku qabsadeen lacag baad ah oo laga qaadayay Gawaari Rakaab iyo Xamuul isugu jiray oo taagnaa kontoroolka degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in haatan xiisad wayn oo u dhaxaysa maleeshiyaadka ka wada tirsan Argagixisada Al-Shabaab ay ka taagan tahay degmadaasi.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ayaa dhowr mar oo hore sidaan ugu dagaalamay degmada Jilib iyo deegaanno kale, iyagoo iska laayay Horjoogayaal iyo Dhagar qabayaal badan oo isugu jiray Soomaali iyo kuwa Ajaanib ah.

Bartamihii sanadkii hore ee 2018-ka ayay ahayd markii Maleeshiyaad ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab ay sidaan oo kale ugu dagaalameen Degmada Jilib, iyadoo markii danbe maleeshiyaadka qabay fikradaha takfiiriga ah ee Daacish qaarna la laayay qaarna xabsiga la dhigay.

Arrimahani oo dhan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran ee Soomajaystayaasha ah maalin iyo habeenba u taagan yihiin difaaca shacabka Soomaaliyeed, ayna u baabi’in lahaayeen Argagixisadan ka been sheegaysa Diinta Islaamka.