Kumaandooska Soomaaliya oo howlgalo ballaaran ka wada Sh/Hoose

Date:

Guutada 16aad ee ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka ayaa gobalka Shabeellaha hoose ka fuliyay Howl-gal ballaaran oo qorshihiisu ahaa in argagaxisada looga xoreeyo deegaannada ay shacabka ku dhibaateeyaan.

Ciidanka kamaandoosta ayaa si buuxda argagaxisada uga xoreeyay Tuulooyinka Moradiinle, Buula Miskiin, Macallinka, Baladul Amiin, Raqayle, Sabriye iyo Buula Bashiir.

Taliyaha Guutada 16aad ee Danab G.le Ismaaciil AbdiMalik ayaaWarbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in 20 kamid ah Maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Alshabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka shacabka looga dul qaadayo nabadiidka.

Taliye Ismaaciil ayaa caddeeyay inay sii wadayaal howl-gallada inta nabadiidka laga saarayo dhammaan deegaannada ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna intaasi kudaray Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab tuulooyinkii ay xoreeyeen Shacabka kudhaqan ay uqeeybiyeen raashiin gar gaar ah maadaamaa shacabka ay kamuuqatay xaalada nooleed oo aad u adag taasi oo katimid dhibaatooyinkii ay kala kulmijireen argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...