Ra’iisul Wasaare khayre oo kulan laqaatay Hoggaamiyaha Ahlusunna

Date:

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed-deeq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hogaamiyaha Ahlusunna uu socday muddo arrimo badana kawada hadleen.

“Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa ugu badnaa arrimaha Galmudug iyo dhismaha maamulka, waxey isku soo qaadeen sidii loo dardargalin lahaa howlaha socda oo muhiim ah” ayuu yiri Wariye Maxamed-deeq oo Dhuusamareeb ku sugan.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka qalabka sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...