Marwada Koowaad ee dalka oo booqatay dhaawacyadii Qaraxii Ex-Kaantarool “Sawirro”

Date:

Marwada Koowaad ee dalka, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa caawa booqatay qaar ka mid ah dhaawacyada ku waxyeeloobay Qaraxii wuxuushnimada ahaa ee Ex-Kaantarool.

Marwo Seynab ayaa warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyadan ka dhageysatay dhakhaatiirta iyo maamulka Cusbitalka Ordogaan, iyagoona faahfaahin ka siiyay hannaanka ay u maareeyeen dhaawacyadii halista ahaa ee loo qaaday dalka dibaddiisa.

Sidoo kale, Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa la kulantay qaar ka mid ah qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta ku dhaawacmay qaraxii lagu xasuuqay dadka Soomaaliyeed ee birmageydada ahaa, waxa ayna u sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay garab taagan yihiin.

Marwada Qaranka ayaa tacsi u dirtay ehelada muwaadiniintii ku shihiiday Qaraxii bahalnimo ee Ex-Kaantarool, waxa ayna ku baaqday in si mugleh loo garab istaago ubadka iyo qoysaska ay ka tageen oo ay u ahaayeen isha nololeed ee ay ku tiirsanaayeen.

Ugu dambeyn, Marwada koowaad ee dalka ayaa u mahadcelisay dowladaha aan walaalaha nahay ee gurmadka caafimaad ee degdega ah lasoo gaaray muwaadiniinteenna ku dhaawacmay qaraxaas wuxuushnimada ahaa, waxa ayna tilmaamtay in garab istaaggoodu aanu ka go’ayn xusuusta dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...