Home Blog Page 934

Madaxweyne Mustafa Cagjar Oo Ka Tacsiyeeyay Qaraxii Shalay

0

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethopia Md.Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa tacsi tiiraanyo leh, u diray shacabka iyo xukuumada soomaaliya, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii Shacbaka ahaa ee ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxwaynaha D.D.S ee Ethopia ayaa cambaareeyay qaraxaas oo dhibaato baaxad leh ka soo gaartay dad rayid oo aan waxba galabsan.

Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar wuxuu Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi in uu Janadiisa fardawsa ka waraabiyo inta dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah uu siiyo.

Qaraxaasi oo ay soo maleegeen arxan laawayaal bannaystay dhiigga shacbiga, wuxuu gaystay dhibaato baaxad leh oo isugu jirta dhimasho, dhaawac  iyo burbur hantiyeed,waxaana haddii Alle idmo qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo aan dalka wax looga qaban Karin loo qaadi doonaa dalka Turkiga.

Diyaarad Dhaqaatiir & Daawo Sidda Oo Ka timid Turkiga “Sawirro”

0

 

Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii argagixiso ee shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxaasi bahalnimo.

Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah,iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

 

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Warbixiyey Xaalada Dhaawacyada Ee Qaraxa

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyey Xaalada Dhaawacyadii Waxyeelada Kasoo gaartay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gurmad ka yimid Dowladda aan walaalaha nahay ee Dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin kala sooco dhaawacyada si deg deg loogu qaado dhaawacyada culus ee aan wadanka Gudihiisa waxba looga qaban Karin.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ay soo gaartay diyaarad siday dhaqaatiir iyo daawooyin ay soo direen Dowladda aan walaalaha nahay ee dalka Turkiga , isagoo xusay in ay diyaaradaas la socdeen ilaa iyo 24 dhaqtar oo ka qeyb qaadan doono daaweynta dhaawacyada qaraxii shalay.

Wasiirka ayaa Xusay in ay diyaaraddan ay qaadi doonto ilaa Dhowr iyo Toban ruux oo la isleeyahay waxa ay u baahanyihiin isbitaal ka casrisan isbitaalada Magaalada Muqdisho.

R/Wasaare Kheyre Oo Booqday Xarunta Gurmadka & Isbitaalka Erdoğan “Sawirro”

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa booqday xarunta gurmadka deg-degga ah oo ay ka socoto isku dubba ridka howlaha loogu gurmanayo Dadkii waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Argagaxiso ee Muqdisho ka dhacay Shalay.

Mudane; Khayre, ayaa la kulmay Guddiga gurmadka iyo Dhallinyarada dhanka farsamada kala shaqeyneysa, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xariirta howlaha ay wadaan, isagoo kula dardaarmay inay dedaalkooda oo dhan isugu geeyaan in sida ugu dhaqsaha badan dhaawacyada loo daryeelo.

Xarunta gurmadka deg-degga ah ayaa waxaa si habsami leh uga socda dedaallada gurmadka , iyadoo dhaawacyada ay xaaladdoodu aadka u darantahay loo diyaarinayo daryeel Dalka dibeddiisa ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo kamid ah xarumaha caafimaad ee lagula tacaalayo xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyada waxyeelladu kasoo gaartay weerarka argagaxiso, waxuuna la kulmay maamulka Isbitaalka oo warbixin ka siiyay xaaladda bukaannada lasoo gaarsiiyay.

Qatar soo food saartay Beeraleyda Hirshabeelle

0

Wasiir ku xigeenka Beeraha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle , Maxamed Bashiir Qaasim ayaa walaac xooggan ka muujiyay qatarta ka dhalan karta Ayaxa, aah Cayayaan hali ku ah dalagga iyo daaqa.

Mudane; Maxamed Bashiir, oo u la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ayaxa uu ka soo gudbay Galmudug iyo Dhulka Soomaalida Itoobiya musiibana ku yahay Beeralayda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in Beeralaydu ay u baahan yihiin in si deg deg ah looga caawiyo wax kaqabashada Ayaxa oo baabi’naya miraha Beeraha.

Shirka Golaha Wasiirrada Oo Lagu Ansixiyay Siyaasadda Dalxiiska Soomaaliya

0

Golaha wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Ansixinta siyaasadda kadib, ayaa Shirka golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta.

Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan, ayna in ka badan kala bar hoos u dhaceen qaraxyadii argagixisadu ka geysan jirtay geyiga Soomaaliya iyo dhibaatooyikii ay ummadda Soomaaliyeed ugu geysan jireen, marka la barbar dhigo sanadkii 2018.

Guulahan ayey wasaarraddu sheegtay inay ku yimaadeen qorshayaashii tubta amniga iyo caddaaladda oo sidii loogu talagay u higalay iyo wada shaqeynta dhammaan hay’adaha amniga, iyada oo hayadda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ay xogo sirdoon oo ka badan, kana faahfaahsan xogihii hore ay heshay, ayna la fal gashay ciidanka Xoogga iyo kuwa Booliska oo gudaha magaalooyinka iyo howdkaba kula dagaallamay argagixisada.

Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo golaha la wadaagtay qorshaha qabyo tirka dastuurka ayaa soo bandhigtay qeybaha uga harsan soo dhameystirka dastuurka iyo caqabadaha ka hor gudban, waxa ayna wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay soo gebagebeynta shaqada Qabyo-tirka dastuurka.

 

Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar weyn u leh hannaanka hufnaanta Maamul iyo xaqiijinta doorka dowladda kaga aaddan qaabeynta ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in sharciga Shirkadaha Dalku uu si gaar ah u dhiirri gelinayo ganacsiga, shaqo abuurka iyo fursadaha maalgashi ee dalkeenna, dhawrayana xuquuqda hantiyeed ee muwaadiniinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaarisay sharciyadan iyo mudnaanta ay siiyeen in lagu jaangooyey talo soojeedintii ganacsatada iyo dhaqaalayahannada Soomaaliyeed.

Sharciyada Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka iyo Shirkadaha Ganacsiga ayaa ka tarjumaya dadaallada wax-ku oolka ah ee Dowladdu ay ku bixisay sanaddadii la soo dhaafay yareynta musuqmaasuqa, xal u helista caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta kalsoonida maalgashadeyaasha Caalamiga ah.

Cumar Filish oo ku baaqay in lala shaqeeyo laamaha ammaanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka ugu baaqay in ay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda, kana shaqeeyaan sugidda amniga.

Mudane; Cumar Filish, ayaa hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay ammaanka Caasimadda oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, shiraas oo ay goob-joog  ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo Todobaadle ah ayaa sidoo kale looga hadlay soo celinta bilicda Caasimadda, nadaafadda iyo tirakoobka Guryaha.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn ku baaqay in ay laamaha ammaanka iyo Shacabka ku nool Caasiamaddu yeeshaan wada shaqayn baaxad leh,  si looga guuleysto cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dhaqaatiirtii ugu horeyaay oo u anba baxay degaannada ayaxu ku dagay ee gobolada dhexe

0

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka JFS ayaa dhaqaatiir u dirtay degaannada gobolada dhexe ee Ayaxu ku dagay toodobadayaadii ina soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha iyo  waraabka mudane Xaamud Cali Xasan oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in ay u direen dhaqaatiir la tacaasha  dhibaatadda ayaxu u ugeeystay beeraha iyo dhul daqsiimeedka degaannada gobolada dhexe ee bartamaaha Soomaaliyaa.

Dhaqaatiirta ayaa waxay qaybta hore howlgalkooda ay ka bilaabi doonaan isticmaalka suunta lagu la dagaalamo cayeeyaanka xaalufiyaa degaannada dhuldaaqsimeedka ee kamid yihiin beeraha, siidoo kale waxay bixiindoonaan kooxda dhaqaatiirta ee maanta u anba baxay gobolada dhexe tababarro ku adaan qabka la iskagaa ilaalsho ayaxa iyo cayaayaanka sameyaya degaannka

Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya oo sheegtay in ay dib usoo nooleynayso Masaajidda Taariikigiga ah ee Dalka

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Wasaaraddiisu ay xoogga ay saareyso dib usoo celinta Masaajidda Taariikhiga ah ee Dalka.

Wasiir ku xigeenka ayaa hadalkan sheegay mar uu Xalayto booqday Masjidka Faqrudiin oo ku yaalla Degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir,  isagoo Bulshada Soomaaliyeed ku boorriyay ka qeyb qaadashada kheyrka.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta, Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali dheere), ayaa sheegay in Masjidkan uu kamid yahay goobaha Taariikhiga ah, isagoo Ummadda Soomaaliyeed iyo Dowladduba ugu baaqay in laga qeyb qaato dhismahiisa.

Sheekh Shaafici Sh Maxamed, oo ka mid ah maamulki hore ee Masjidka ayaa sheegay in  Masjidkani la dhisay 7 Qarni ka hor, isla markaana loo baahan yahay in dib u dhis weyn lagu sameeyo maaddaama uu bur-bur xooggan kasoo gaaray dagaalladii sokeeye ee Dalka ka dhacay.