Home Blog Page 935

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS oo gaaray Balad Xaawo

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Feysal Cumar Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar Dhulka ah ku tagay Maanta Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Wafdigan oo ay  ka mid ahaayeen Wasiir ku xugeenka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Pof; Cabdullaahi Sheekh Cali Qalloocoow iyo xubno kale oo ka tirsan Labada Wasaaradood ayaa waxaa soo dhoweeyay maamulka Degmada Balad Xaawo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirrada iyo xubnaha kale ee ku wehliya socdaalkooda ayaa la filayaa in ay u kuur galaan xaaladda guud ee wax barshada magaalada Balad Xaawo iyo guud ahaan Gobolka Gedo.

Horjoogayaal Al-Shabaab ahaa oo ku geeriyootay qarax ay maleegayeen

0

Malleeyaal iyo Horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay degaanka Mililiqo oo ka tirsan Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Dadka ku dhaqan degaanka Mililiqo ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in ay jug xooggan ka maqleen goob ay nabad-diidku ku diyaarinayeen Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay halkaasi ku naf waayeen Malleeyshiyaad ka tirsanaa Argagixisada iyo horjoogayaashooda, iyadoo ay u diideen Dadka Shacabka ah in ay goobtaasi tagaan.

Dadka ku nool Mililiqo ayaa sidoo kale sheegaya in ay Kooxda Al-Shabaab Maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ka wadeen abaabul ay ku diyaarinayaan Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu waxyeelleeyaan.

Ciidamada XD Ee Qeybta 43-aad Oo Howlgalo Ka Sameeyay Meelo Kamid Ah Wadada Kismaayo Iyo Jamaame ”Sawirro”

0

Ciidamada Xoogga dalka qeybta 43-aad ee deegaannada Jubaland ayaa labaddii maalmood ee la soo dhaafay howl galo qorsheysan ka waday deegaanada Muuse Xaaji, Araare iyo Kaban oo dhamaantood ka tirsan gobolka J/hoose.

Howl galka ayaa yimid ka dib markii ciidamadu shacabka ka heleen, qorshe kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku jabiyaan Kar karada webiga Jubba si uu ugu fataho shacabka, isla markaana ay weeraro dhuumaaleysi ah ugu qaadaan deegaannada xorta ah.

Korneyl Maxamed Badal Xasan oo ka mida saraakiisha howlgalkaan huggaamineysa ayaa Radio Muqdisho u sheegay, in howlgalku uu sii socon doono howlgalkani oo looga xoreynayo Kooxda Argagaxisada Al-shabaab.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidaamada ay soo saareen tiro miinooyin ah oo ay hareeraha wadooyinka ku aaseen Al-shabaab.

 

Wejiga 2-aad Ee Dib-uheshiisiinta Bariga Mudug Oo Ay Saraakiil Militari Ka Qeyb-Galeen

0

Taliyaha Qeybta 21-aad ee Xogga Dalka Soomaaliya Generaal, Cabdicasiis Cabdulaahi Qooje iyo saraakiil kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhammeystirayo heshiisyadii ay horey ugaareen beelaha walaalaha ah ee deeganada Towfiiq iyo Afbarwaaqo. bariga gobolka Mudug

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya waxaal agaaoo  saaray Qodobo lagu xoojinayo heshiiskii horey udhex maray odayaasha labada dhinac ee degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo,waxaana ka mid ahaa,

  1. In la fulliyo dhammaan qodoba ku xusan heshiiska ay wadda Saxiixdeen Walalaha ay dhexmareen colaadda.
  2. Guddigu wuxuu doortay Shir-gudoon, waana inuu qaab-dhismeedkiisu dhameys tirmaa

4-ta bari ah ee uu shirku socdo

3- Dowladda Faderalka Soomaaliya waxaa laga rabaa inay tayeyso Gudiga isku dhafka ah si ay u dar dargaliyaan nabadeynta iyo dhab- u-heshiinta beelaha walaalaha ah.

4- In wadahadalada sii socdaan,

5- In wadahadal lagu dhameeyo, xal waara laga gaaro wixii dhib ah oo aan laga samri karin, laguna lafa guro Shirarka soo socoda.

6-In guddiga isku dhafka ah ee Odayaasha labada Beelood gacan siiyaan Ciidanka Xooga DS si ay u fuliyeen heshiisyadda Nabadeed,

7-in Odaygii uhogaansami waaya Heshiisyada Nabadda ay CXDS tilaabo adag ka qaadi doonaan,

8- in Gogosha xigta la dhigo magaalada Gaalkacyo 5-ta February/20120 ayna fududeyso Dowladda Somaliya.

Dab Xalay Ka Kacay Goobo Ganacsi Oo Ku Yaal Magaalada Jowhar

0

Goobo ganacsi oo ku yaal suuqa ugu wayn magaalada Jowhar ayaa gabi ahaanba gubtay, kadib markii xalay uu dab qabsaday.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh iyo duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali iyo mas’uuliyiin kale ayaa tagay dhismaha uu dabku ka kacay oo ah guri ay leeyhiin qoys caan ka ah magaalada Jowhar.

Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baqaarro lagu iibiyo qalabka dhismaha,farmashiyaal jumlo iyo tafaariiq ah,dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dukaan lagu iibiyo bagaashka.

Dadaal ay sameeyeen dadka ganacsatada iyo dadka deriska la ah dhismaha dabka qabsaday ayaa suuragelisay in laga soo badbaadiyo qoys degenaa dhismaha uu dabku qabsaday,hase yeeshee waxaa gubtay dhammaan wixii hanta ay lahaayeen qoyska oo yiil guriga.

Ugu dambayntii waxaa lagu guulaystay daminta dabka iyadoo mid ka mid ah dabdamisyada magaalada Jowhar uu qayb wayn ka qaatay daminta dabka.

R/Wasaare Xasan Cali Kheyre Oo Kormeeray Tirakoobka Shaqaalaha Oo La Soo Gabagabeeyay

0

Guddi u xilsaarnaa Tirakoobka Shaqaalaha dowladda FS ayaa  soo  gabagabeeyay howlo la xiriiray sameynta xogo iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda. kaddib muddo toddobaadyo ah oo ay socdeen barnaamij loogu talagalay tirakoobkaasi,

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo booqday gabagabadii howsha tirakoobka, waxaa warbixin buuxda oo ku saabsan qaabkii loo maamulay iyo sida habsamida leh ee uu u dhamaaday tirakoobkaasi halkaasi  ku siiyay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisul wasaare , Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahadceliyay howsha qaran ee ay qabteen guddigaasi tirakoobka shaqaalaha dowladda,wuxuuna  tallaabadaasi ku tilmaamayin ay qeyb ka tahay qorshaha lagu horumarinayo shaqaalaha hay’adaha dowladda.

Tirakoobka, wuxuu suragal ka dhigaya in la helo xog iyo kayd dhexe oo laga maamullo shaqaalaha dowladda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

Madaxweyne Farmaajo oo daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka oo saldhig u ah geeddi socodka shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan himilooyinkooda Qaran.

Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay tiirarka afarta ah ee uu ku saleysan yahay qorshaha Qaran oo kala ah amniga iyo siyaasadda, kobcinta dhaqaalaha, deegaanka iyo horumarinta bulshada ayaa sheegay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajir ah ay maanta awood buuxda u leeyihiin ka miro-dhalinta hiigsiyadooda Qaran.

“Waxaa bogaadin mudan in aan soo bandhigno qorshe horumarineed oo ay soo diyaariyeen aqoonyahanno iyo khubaro Soomaaliyeed oo saldhig u ah Qorshaha Qaranka ee Shanta sano ee soo socota. Waxaa lagama maarmaan ah in aan u babac-dhigno xal u helista dhibaatooyinka soo noq-noqday ee jilbaha u dhigay dhaqaaleheenna iyo wax-soosaarkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Qorshahan Qaran uu caalamka u muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda iyo sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladdu ay ku shaqeyn doonto 5-ta sano ee soo socota ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, arrimaha ugu waaweyn ee qorshahani uu diiradda saarayo waxaa ka mid ah; yareynta saboolnimada, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga ah, hirgelinta nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay, xoojinta sharciga, garsoorka iyo xaqiijinta amniga dalka.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro, Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Maareeyayaasha Wakaaladaha Qaranka, Aqoonyahanno iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo ka hadlay Howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay in howlgalo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa Sheegay in maleeshiyadu ay isku uruursanayeen deegaanno Hoos yimaada degmada Cadale, iyagoo qorsheynayay iney soo abaabulaan weeraro Shacabka ay la damcsanayeen, balse ciidanka Xoogga dalka uu ka war haley sidaasna howlgal ka dhan ah loogu qaadey

“howlgalka waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaannada Buur baxaar, Faqiyaale iyo Daarusalaam oo dhammaan hoos yimada degmada Cadale ee gobalka Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Maxmed Kheyre.

Sidoo kale wasiirka amniga ayaa intaa ku darey in howlgalladaan ay yihiin kuwo dhammaan deegaannada Dowlad gobaleedka Looga xureyn doono argagaxisada, isagoo Sidoo kale sheegay in ay sameeyeen barnaamijyo shacabka looga wacyi gelinayo Fikirka xagjirka ah.

Maxamed C/raxmaan Kheyre ayaa ugu dambeyn ka hadlay kulamo uu uga soo qeybgalay magaalada baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo xaqiijisay dhaqangalka Manhajka dugsiga dhexe

0

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in uu dhaqan galay Manhajka dugsiga dhexe ee dalka, kaas oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda.

Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo fayo dhowrka Wasaaradda Waxbarashada, mudane, Maxamed Xasan Mukhtaar ayaa tilmaamay in Manhajka dugsiga dhexe uu dhaqan galay, isla markaana iskuulada dalka laga bilaabay Manhajkaan oo uu sheegay inuu wax badan uu ka bedeli doono tayada waxbarasho ee dalka.

Agaasimaha ayaa sheegay in manhajkaan uu yahay mid ay soo diyaariyeen Macalimiin Soomaaliyeed,isagoo xusay in  manhajku uu ka turjumayo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uu yahay mid uu leeyahay dalka Soomaaliya taasoo meesha ka saareysa isticmaalka manaahijtii hore ee wadamada kale.

Dhinaca kale iskuulada dalka ayaa soo dhaweeyay manhajkaan dugsiga dhexe ee ay wasaaradu soo saartay,iyagoo sheegay in uu yahay mid si weyn loo tayeeyay oo wax badan ka bedeli kara waxbarashada.

Maamulaha Guud ee iskuulka Hoose, Dhexe iyo sare ee Al-Muxarram, Maxamed Cabdulqaadir Ibraahim “Maadeey” ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Manhajka dugsiga dhexe,isagoo xusay in uu dhaqan

Ayax ku dagey qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu ay ayax uu ku degay qaar ka mid ah Gobolka Gobolka Hiiraan.

Ayaxa ayaa shalay ku soo dagey deegaanka Ceel-jaalle ee gobolka Hiiraan iyadoo marki dambe ay dadku iska kiciyeen kadib markii ay rasaas ku rideen.

Dadka beeralayda ah ee ku nool koofurta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu beerahooda xalay ku dagey Ayaxaas ,iyagoo sheegay in ay cabsi xooggan ka qabaan in uu dalagyada ka baa bi’iyo.

Ayaxa ayaa Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa ka cabanayay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan gobolka Galgaduud,waxaana hadda ay u muuqataa in uu ku dageyo kuna fidayo qaybo kale oo ka mid ah gobollada dalka.