Duur-joogta Dalka oo sii dabargo’aya (Warbixin)

Date:

Qaar ka mid ah Waxgaradka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka hadlay noocyada duur joogta Gobolka Bakool laga heli jirey, sida qaar kood u dabar go’een iyo ahmiyaha ay leedahay in la ilaaliyo Duur joogta.

Duur-joogta dabar go’aday waxa ka mid ah Goronyada, Maroodiga, Geriga, Baciidka iyo Goodirka, waxyaabaha  sababa in ay deegaanka ka suulaan ayaa lagu sheegay abaaro is daba joog ah oo soo noq noqday iyo bilaa macni daro loo laayo, maadaama cid sigaar ah u xanaanysa aysan jirin muddadii 30-ka sano a ee la soo dhaafay.

In kastoo ay jiraan kuwo fara ku tiris ah oo wali haraadi ku ah ayaa kuwa u adkeystay ugaarsiga iyo dhibaatada kale ee soo wajahday oo weli deegaanada laga helo waxa ka mid ah Deerada, Sagaarada, Diinka, Bakeylaha, Haramacadka, Dawacda, Dabagaalaha, Dhurwaayga, Daanyeerta iyo kuwo kale.

Maxamed Xasan Aadan oo ku magac dheer (Macalin Shig shigow) waxa uu ka mid yahay Waxgaradka Magaalada Xudur, waxaana wax ka weydiinay abaarihii iyo dagaaladii sokeeyey ee dalka soo marey sida ay u saameeyeen duur joogtii deegaanadaan caanka ku aheyd.

Macallin Shig shigow ayaa intaasi ku darey in bulshada ay ka tashadaan sidii loo badbaadin lahaa Xaywaanada duur joogta ah oo cid kale looga sugin in ay u doodo xuquuqda xaywaanada, wuxuna sheegey in uu aaminsan yahay in haddii ugaarsiga ka ganacsiga iyo barakicinta laga daayo ay dib deegaanka ugu soo laabanayaan.

Dhinaca kale Cabdi Aamiin Isaak oo isna ka mid ah waxgaradka Degmada Xudur ayaa qaba in maleeshiyada argagaxisada alshabaab ay sabab u yihiin dabar go’a Xaywaanada duur joogta ah maadaama ay qaarna cunaan qaarna ay kabarakiciyeen dhulkii howdka ahaa oo ay ku noolaayeen, iyagoo ka carara meelaha ay colaaddu iyo abaartu ka jirto.

Sida la ogyahay Alshaab waxay hoy ka dhigteen oo hadda ku dhuumaaleysanayaan dhuulkii lama degaanka ahaa oo xayawaanada duur joogta ah ku dhaqmi jireen.

Cabdi Amiin isak ayaa sheegey in Xayawaanada la barakiciyey ay gudaha u galeen dowladaha deriska nala ah sida Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna bulshada ugu baaqey in ay ka waan toobaan ugaarsiga iyo xaalufiinta duur joogta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...