Ciidanka Xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyada Al-shabaab

Date:

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay  in maleeshiyada Alshabaab ay weerar arbushaad ah ku soo qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Koxda Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose,markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.

Ciidamada oo ka feejignaa dhagarta Alshabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen kooxaha jid iyo jahadiidka ah ee Alshabaab,balse jab xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi.

Dhanka kale ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Qoryooley ku qabsadey dhowr deegaan,waxaana kamid ah deegaanada Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad,kuwaasi oo dhamantoodi hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose,waxaana jira in dad nool laga qabsaday Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim ayaa sheeegay in ciidamada dowladda ay howlgal ballaaran ay halkaasi ka fuliyeen ay ku guuleysteen in ay kala wareegaan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa mudooyinkii ugu dambeyeey sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshababa,kuwaasii oo awooddi ay sii wiiqmayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...