Home Blog Page 929

Tababar ku aadan badqabka saxafiga oo Muqdisho laga furay.

0

Wasiirk ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Aadan Isaaq Cali ayaa Muqdisho ka furay tababar ku aadan nidaamka qaran ee badqabka saxafiga. Iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinka kale oo dowladda ah.

Waxaa tababarkaasi iska kaashaday Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS iyo Hay’adda qaramada midoobe u qaabilsan waxbarashada iyo dhaqanka ee magaceeda loo soo gaabiyo UNESCO.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Marka. Sawirro

Mudane Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha XFS oo ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellada hoose halkaas oo boqolaal dadweyne ah ay ku soo dhaweeyeen.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa socdalka uu Marko ku tagay ku wehliyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed {Lafta gareen}iyo xubno kale oo masuuliyiin ah.

Daawo: Hay’adaha Garsoorka dalka oo wada qorshe hormarineed

#Garsoorka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay caqabadaha ku horgudban hanaanka garsoorka dalka.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Σάββατο, 14 Σεπτεμβρίου 2019

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo magaalada Marka tagaya.

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saacadaha soo socda socdaal ku tagaya magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeellada hoose.

Magaalada marka waxaa ka socda diyaar garowga soo dhaweynta Ra’isul wasaare Kheyre, wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed Xasan iyo xildhibaanno ayaa qeyb ka ah soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha kuwaas oo isla maanta halkaas gaaray.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa socdaal dheer ku bixinaya deegaannada Koonfur-Galbeed magaalada Marka ayaa noqonaysa magaaladii seddexaad ee uu booqdo, waxaa uu hadda kasoo kicitimayaa magaalada Xudur ee gobolka Bakool isagoo horay usoo maray magaalada Baydhabo Caasimadda ku meel gaarka ah ee Koonfur-Galbeed.

Soomaaliya oo guulo kasoo hoysay Shir-weynaha Isgaarsiinta Adduunka+

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Eng; Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda Dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen Dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Mudane; Canshuur, ayaa ka warbixiyay kulankii ugu horreeyay ee isaga iyo Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta, Md; Cabdi Sheekh, la yeesheen Xoghayaha Guud ee midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa arrimaha horumarinta, Ms; Doreen Bogdan-Martin.

Kulankaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay qaraarka 160 ee u gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii Sanadkii hore lagu ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 Sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada Dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii Dalka Shiinuhu Gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Dalkeenna.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay Dowladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyadda ee Dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada Labada Dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.

ITU ayaa si weyn u ammaantay guulaha ay Soomaaliya Labadii Sano ee la soo dhaafay ka gaartay dhinaca isgaarsiinta iyo teknolojiyada, gaar ahaan kaalinta Dowladda ee dhinacyada sharciyada iyo siyaasadaha furfurnaanta, iyagoo xusay in wixii ka dambeeyay 2017 ay Soomaaliya noqotay Dalka 2-aad ee ku yaalla Geeska Afrika ee leh sharci isgaarsiineed, hay’ad isgaarsiineed iyo siyaasad Qaran oo dhinaca teknolojiyadda ah, iyadoo sidoo kale la kordhiyay wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dalka dhinaca ITU ka dib markii la soo celiyay xubinnimada muddo 30 Sano kadib.

ITU waxay si gaar ah u xustay in mudane, Canshuur uu noqonayo Wasiirkii ugu horreeyay ee muddo 3 Sano ah oo isku xigta ka soo qeyb gala shirweynahan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday saaxadda ITU 1991-kii, taas oo sahashay in la sii joogteeyo guulaha ay Wasaaraddu ka gaareyso arrimaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Howl-gallada CXDS ee ka socda Gobolka Sh/hoose oo lagu baahinayo Sh/dhexe

Weerarrada iyo howl-gallada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab ee haatan ka socda Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu wadaa dhowaan in lagu baahiyo Gobolka Sh/dhexe. sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, Cali C/llaahi Xuseen (Guud-laawe).

Mudane; Cali Guud-laawe, ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ay la kulmeen, Madaxda ugu sarreysa Dalka, ayna isla garteen in howl-gallada lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab lagu fidiyo Sh/dhexe, si loo ciribtiro cadowga.

Hadalkan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guud-laawe ayaa imaanaya xilli ay Ciidamada xoogga Dalku guulo is daba joog ah kasoo hoynayaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaya degaanno kooban.

Al-Shabaab oo uu jab xooggan kasoo gaaray howl-gal ay CXD ka fuliyeen degaanka Jilib Marka

Howl-gallo baaxad leh oo ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab.

Howlaglkan oo Ciidanka xoogga fuliyeen Xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka, iyagoo sidoo kale kala wareegay Hub iyo Saanad Millitari.

Qaar ka mid ah Saraakiisha xoogga Dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ayaa Warbaahinta Qaranka Soomaaliya u sheegtay in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo lagu baacsanaya haraadiga Kooxda Al-Shabaab welina ay ku raad joogaan.

DF oo joojisay gabi ahaanba heshiisyadii tijaabada badqabka gaadiidka.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga noqotay dhammaan heshiisyadii badqabka gaadiidka ay la gashay shan shirkadood kuwaas oo horay loo siiyay ruqsadda ka shaqeynta badqabka gaadiidka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu baabi’iyay heshiis ay wasaaraddu la gashay shirkadahaasi kuwaas oo ruqsad u haystay hubinta badqabka gaadiidka.

“Waxaa gabi ahaanba la joojiyay tijaabada badqabka gaadiidka Ministry of transport test (MOT) ama (Kalaawito) waxaana la farayaa hey’adaha dowladda ee ay arrintani khuseyso in ay dhaqan galiyaan go’aankan.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa bixisa shatiyo waqtiyaysan, isla markaana waxaa ay tartan galisaa shirkadaha danaynaya in ay bixiyaan adeegga bulsho ee loo baahan yahay si loo helo shirkado xirfado sare leh kuwaasi oo si hufan uga shaqeeya badqabka gaadiidka.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Baydhabo Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socota Qaramada Midoobay Iyo Bangiga Adduunka

Ra’iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargararka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga xureeyo argagaxisada, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxaha nabad diidka ah

Generaal Zakiya “CID waxaa ay soo qabatay shabakad ka ganacsata caruurta.

0

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in hoggaanka dambi baarista CID-da ay soo qabatay shabakad ku howlneed ka ganacsiga caruurta kuwaas oo CID ay ku daba jirtay muddo 30 cisho ah.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Generaal Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in shabakaddan ay ka koobneyd 11 ruux oo 8 ka mid ah ay yihiin dumar, Zakiya waxaa ay sheegtay in ciidamada booliiska ay soo badbaadiyeen 11 caruur ah oo da’dooda u dhaxayso 12 jir illaa 7 bil jir.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo bil ah waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysanayaal ah oo 8 ay yihiin haween, sidoo kale ciidamadu waxaa ay soo badbaadiyeen 11 caruur ah oo da’dooda u dhaxayso 12 jir iyo 7 bil jir.

Genenaal Zakiya ayaa barteeda Facebook ku daabacday faah faahinta howlgalkaas lagu soo qabtay shakabaddaasi, sanadihii dambe waxaa Muqdisho lagu arkayay caruur maydad ah oo lasoo dhigay xaafado ka mid magaalada kuwaas oo la sheegay in killiyaha lagala baxay.