Dalka Kasta Oo Dunida Guud-Keeda ah Oo Soo Rogay Xayiraad, Mid Walbana Albaabada Ayuu Ka Xirtay Kan Kale, Daawo “Sawirro”

Date:

Dalalka Dunida ayaa qaaday tallaabo lagu xayirayo xuduudaha taasi oo qeyb ka ah tacaalka ka hortagga fidista cudurka Covid-19.

Sidoo kale waxaa xiran garoomada duulimaadyada gudaha iyo dibadaha dalalka iyo gobollada dunida, Wadamada caalamka ayaa sii kordhinaya tallaabooyinkooda ka hortagga oo ay sidoo kale kamid tahay in dadku joogaan guryahooda, iyadoo la joojiyay lana xayiray dhammaan socdaaladii iyo safarada ay dadku ay bixin jireen gudaha gobollada wadamadooda iyo kuwa caalamka ah intaba si looga hortago inuu cudurka fidin.

Hay’adda Caafimaadka Dunida ee Loo soo gaabiyo WHO ayaa cudurkani ku sifeysay inuu ku fido isu socodka dadka gebi ahaantiisa.

Warbaahinta Qaranka gaar ahaan Qeybta Qoraalka SNTV Kala soco wixii talo iyo tusaale ama akhbaar cusub oo ku saabsan khatarta dunida ee COVID-19, Caafimaadku Waa Muhiim Kahortagguna Waa Lama Huraan, Muwaadin ku dadaal Nabaafadda guud iyo tan gaarka ah.

Cudurkani waxa uu ku sii fidayaa dalalka dunida iyadoo ay kiisas horleh soo baxaan maalin kasta taasina waa sababta uu dalalka dunida dagaalka Ka hortagista u qaadaayaan, Dadka safraya waa in ay booqdaan website-ka Dowldda si ay uga socdaal macluumaadka iyo sheekooyinka cusub ee cudurka halista ah ee Coronavirus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...