Hay’adda Amnesty International Ayaa waxa ay ugu baaqday dowladda Eritrea In Ay Xabsiyada Ka sii daayso Maxaabiista Si Ay Uga Badbaadaan Halista Cudurka Covid-19
Bayaan ay soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa waxa ay ku sheegtay “Xaaladaha buux dhaafka iyo mid nadaafad xumida darteed ay tahay xabsiyada laga sii daayo maxaabiista ku xir-xiran gudaha xabsiyada ee dalka Eritrea ” taasi oo sii kordhin karta fursadaha uu ku fidi karo cudurka COVID-19, caabuqa cudurkani oo ah mid ku dhaca neef-mareenka ayaa waxaa sababa cudurka cusub ee coronavirus.
Hadalka qoraalka Amnesty International ayaa ku soo aaday xilli uu dunida ku sii baahayo cudurka iyadoo uu dalkastaahi uu wado dadaal lagu wacyielinayo ka hortagga baahista cudurkani oo xaaladihiisa caafimaad darro awgeed ay intaba dad kala duwan ugu geeriyoodeen meelo badan oo ka mid ah dalalka caalamka.