Dalka Turkiga Oo Xayiraado Dheeri Ah Lagu Soo Rogay

Date:

Madaxweynaha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay talaabooyin cusub oo uu sheegay in looga hor tagayo faafitaanka Viruska Corona, sida ay qortay Anadoul oo ah wakaaladda wararka u faafisa Turkiga.

Wuxuu sheegay in 31 ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi Turkiga oo ay ku jirto magaalada Zonguldak laga joojiyay isu socodka gaadiidka rikaabka qaada iyadoo looga dan leeyahay in lagu xakameeyo faafitaanka Corona, arrintaas oo socon doonta muddo 15 maalmood ah, iyadoo ay suuragal tahay in la dheereeyo waqtiga xayiraadda haddii loo baahdo.

Tiradda dadka uu sameeyay xanuunkan Corona ee dalka Turkiga waxa lagu sheegay  20,921, tiradda dhimashada waa 425, halka tirada ka soo kabatay ay gaarayso 484.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga Tanzania ayaa ka qeyb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeyb galay shirweynaha Connected Africa

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim...

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...