Home Blog Page 928

0

Hay’adda USAID ee Maraykanka u qaabbilsan howlaha sama-falka ayaa Maanta Muqdosho soo gaarsiisay qalab caafimaad oo k kooban 350 Sariirood, furaashyo iyo agab kale oo la doonayo in uu wax ka taro dagaalka ay dowladdu ugu jirto wax ka qabashada Cudurka Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dowladda Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur oo la wareegtay qalabkaasi USAID ayaa deeqadan uga mahadcelisay dowladda Maraykanka. waxaana ay sheegtay in Wasaaraddu ku howlantahay sidii loo xakameyn lahaa xanuunka Coronavirus.

Gobalka Banaadir Oo Daah-Furay Olole Lagu Buufinayo Jidadka Muqdisho- “Sawirro”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay ololihii ugu horeeyay ee lagu buufinaayo sunta ka hortaga faafinta cudurka Covid-19 oo si adag u saameeyay Caalamka.

Booyada siday sunta looga hortago cudurka faafa ee Coronavirus ayaa lagu buufinayay qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ololahaani daah-furkiisa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir.

G/kuxigeenka Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir  ahna G/Guddiga ka hortaga cudurka Covid-19 ee Dowladda Hoose Basmo Caamir Jakeeti ayaa sheegtay in dhamaan wadooyinka iyo suuqyada Degmooyinka Gobolka Banaadir la gaarsiin doono buufiska si looga hortago cudurkaan ku sii fidayo Magaalada ee Karoona .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in maamulkiisa uu labo laabi doono ololaha wacyigelinta ka hortaga Cudurka Covid-19 iyo sidoo kale inay hubin doonaan bandowga magaalada la saaray in sidii loogu talagalay uu u qabsoomo iyadoo xooga la saarayo xakameynta Cudurka Covid-19 oo dalka laga diwaan geliyay kiisas kabadan 200.

Dadka u Dhintay Coronavirus Oo Aad U Soo Batay Caalamka Oo Idil “Sawirro”.

0

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee uu sababay Viruska Corona ayaa kor u dhaaftay 2,320,456 milyan oo dad ah adduunka oo dhan, waxaana dhintay in ka badan 160,000, waxaa cudurka ka soo kabtay ama ka caafimaaday 600,000 caalamka oo dhan sida lagu sheegay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen Jaamacadda Johns Hopkins iyo mareegta “World Meter” oo labaduba ku takhasustay la-socodka cudurka Corona.

Dalka Mareykanka ayaa ugu horeeya liisaska dalalka ugu badan ee cudurka Corona uu ku faafay wuxuuna layay in ka badan 60,000 oo qof, Talyaaniga ayaa isaguna galay kaalinta labaad waxaana cudurkan ugu dhintay 23,227, Spain oo gashay kaalinta saddexaad waxaa Crona ku laayay 20,639 kaalinta afaraad waxaa ku jira dalka Faransiiska oo cudurka dhibaateeyey 19,323 sidoo kale kaalinta shanaad waxaa joogta Dawldda Britain isagoo laayay 15,464.

Fayraska Corona ayaa markii ugu horeysay bishii Diseembar ee sanadkii hore ee 2019, si aysan bulshadu ka warqabin uga dillaacay magaalo ganacsiga dalka Shiinaha ee wuhan sidoo kalena ah caasimadda gobolka Hubei, cudurkaas oo xiligan si aan xad lahayn ugu faafay dunida oo dhan.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhowaan sheegtay inay tijaabo ku jiraan saddex tallaaal oo la damacsan yahay in lagu soo afjaro faafitaanka iyo khatarta Crona Virus, balse arrintaasi ilaa hadda ma aha mid si rasmi ah loo ogaan karo.

Madaxweynaha Maraykanka Oo Sheegay In Ay Baarayaan Cidda Ka Dambaysay Faafitaanka Cudurka Coronavirus.

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah u sheegay inay qayb ka noqonayaan baaritaan lagu sameeyo cidda ka danbaysay in cudurka Coronavirus uu dunida ku faafo iyadoo uu kaga tegayo khasaaro dhimasho iyo mid dhaqaale oo aad u tiro badan.

Trump ayaa sheegay in haddii Dawladda Shiinaha lagu caddeeyo inay ka danbaysay faafitaanka cudurka Corona ay tahay in tallaabo adag iyo ciqaab culus laga qaado arrintaas oo noqon doonta mid hortaala caalamka oo dhan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si gaar ah ugu hanjabay in Dawladda Maraykanku ay  ciqaabi doonto Shiinaha haddii la caddeeyo in ay si ula kac ah u faafisay fayraska Corona, maadaama cudurkaasi uu dhibaatadii ugu darnayd u geystay dalka Maraykanka.

Trump ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan talaabooyinka uu Mareykanku qaadi karo haddii sida uu sheegay la caddeeyo in cudurka Covid-19 la helo cidda dunida ku faafisay kana shaqaysay inuu dunida wada gaaro.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli toddobaadkan gudihiisa uu Madaxweyne Trump joojiyay kaalmadii uu siin jiray Ururka Caafimaadka Adduunka, isagoo ku eedeeyey in urukaasi uu u janjeero dhinaca Shiinaha.

Muranka u dhaxeeya Washington iyo Beijing oo ah labada Dawladood ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa soo noq noqday, isagoo hadda gaaray meeshii ugu sareysay iyadoo horraantii sanadkan uu madaxweyne Trump cudurkaan ugu magac daray Viruska Shiinaha.

Maamulada Gobalka Mudug ee Puntland & Galmudug Oo Amar Ka soo Saaray Goobaha Lays kugu Yimaado Ee Magaalada Gaalkacyo

0

Guddoomiyaasha Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug Gudoomiye Axmed Muuse Nuur iyo Mudane C/raxmaan Cali Diiriye oo maanta shir ku qabtay Gaalkacyo ayaa si wadajir ah u sheegay in Xaalad deg deg ah la geliyay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Goobaha la iskugu yimaado si looga fagaado faafitaanka cudurka Covid-19

Shirkooda ayay ku sheegeen in laga bilaabo caawa Bandow lagu soo rogay Gaalkacyo shacabkuna ay u hogaansamaan Amarada ka soo baxay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland , ayagoo xusay in ayagana u taagan yihiin fullinta amarada kasoo baxay Madaxdooda.

Go’aankaan ay soo saareen Masuulyiinta Gobalka mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa qeyb ka ah ololaha looga hortagayo faafitaanka cudurka Covid-19.

Ciidanka XD Soomaaliyeed oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ka Saaray Deegaanno Ka tirsan Gobalka Baay

0

Howlgalo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaado degmada Diinsoor Gobalka Baay ayay argagixisada al-shabaab waxay kaga saareen degaanada Bandhuub iyo Biilane kuwaasi oo ay maleeshiyada al-shabaab ku dhibaateeyn jireen shacabka kunool deegaannadaasi.

Taliyaha Qeybta 60-aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/guuto Maxamed Shiikh Cabdulaahi ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay ujeedka howlgalka inuu yahay sidii maleeshiyaadka argagixisada looga saari lahaa gobolada Baay iyo Bakool.

Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdulaahi ayaa tilmaamay inay haatan ay kordhiyeen howlgalada la isugu furayo Baay iyo Bakool islamarkaana ay ku guuleeysteen deegaanno dhowr ah in ay ka saaraan argagixisada.

Sacuudiga Oo Qaaday Xayiraaddii Saarneyd Dhoofinta Xoolaha Soomaaliya

0

Wasaaradda Deegaanka, Biyaha, iyo Beeraha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa si ku meel gaar ah u  qaadday cuna qabatayntii xagga dhoofinta xoolaha nool ee saarnaa dalka Soomaaliya.

Tallaabadaasi ayaa lagu micneeyay in ay tahay mid lagu taageerayo suuqyada dalkaasi oo u baahday keenista  xoolo nool oo laga soo iibsado dibadaha.iyada doorka iyo waajibaadka Wasaaradda uu yahay sugidda cunnada, oo ay ku jiraan hilibka cas ee la soo dhoofiyo iyo Xoolaha nool

Wasaaradda ayaa sheegtay in la filayo ugu yaraan 600,000 oo ido ah iyo 100 kun oo geel ah la keeni doono suuqyada maxalliga ah ee dalkaasi,30 maalmood gudahood, kadib marka uu dhammaado muddada go’doominka caadiga ah.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in dadaalkaasi uu yimid ka dib markii la dejiyay xaalado karantiil ah,isla markaana meesha laga saaray halista cudurada faafa ee xoolaha

Dowlad Goballeedka Hirshabeelle Oo U Diyaargarowday Kahortagga Fatahaadda Webiga Shabeelle

0

Wasaaraadda Beeraha iyo waraabka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo kaashaneysa Bulshada Jowhar ayaa dib u dayactir  ka billowday goobo looga cabsi qabo inuu fatahaad  ka sameeyo Wabiga Shabeelle, maaddaama xiligaan lagu guda jiro waqtiga roobka guga.

Wasiirka Beeraha ee Hirshabeelle, Cali Xaaji Is-goowe ayaa Shacabka  Hirshabeelle ee u badan Beeralayda ugu baaqay inay si iskood ah uga qeyb qaataan Carratuurka lagu sameynayo goobaha Webiga uu ka jilicsanyahay si looga hortago fatahaad waxyeello gaarsiisa dalagyadooda.

Beeraleyda deegaannada Hirshabeelle ayaa xilligan ku howlan waxsoosaarka dalagyada noocyadooda kala duwan, ka dib fatahaaddii Webiga Shabeelle oo dib u dhigtay beerahii ay tacban jireen.

 

Tala-bixiyaha Caafimaad ee Covid-19 Oo Shacabka Soomaaliyeed La Wadaagay Talooyin Muhiim Ah.

0

Dr. Maxamed Cali Fuje oo ay Dowladda Soomaaliya u magacawday Tala-bixiyaha Caafimaad ee COVID 19, ayaa Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyay digniin la xiriirta  khatarta iyo saameynta adag  ee cudurka COVID-19 oo si dhaqsiyo badan ku faafaya.

Tala-bixiyaha Caafimaad ee COVID 19 Dr Maxmed Cali Fuje ayaa Bulshada Soomaaliyeed kula taliyey in ay qaataan Talooyinka Caafimaad ee muhiimka u ah xakameynta faafitaanka COVID19, si guul looga gaaro badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Maxamed Cali Fuje ayaa shcabka Soomaaliyeed ka codsaday in la bedelo dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan is jaceylka iyo is -dhexgalka bulshada inta lagu guda jiro ka hortaga Faafitaanka Cudurka COVID19 si looga badbaado qatarta cudurka sida fudud ku faafa ee COVID19.

Dowlada Soomaaliya ayaa wado dadaalo xoogan oo ku aadan xakameynta faafitaanka Cudurka COVID19 ayadoo qaaday tallooyin adag oo ay uga hortageyso in uu cudurkaas ku dhex fido bulshada Soomaaliyeed.

Wasaaradda Warfaafinta Xfs Oo Ka Tacsiyaysay Geerida Cabduqaadir Boolaay

0

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Maxamed Xayid Maareeye , Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Aadan Isaaq Cali ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha unaxariistee C/qaadir Cali Boolaay.

“Alle ha u naxariisto halgamaa Dr. C/qaadir Cali Boolaay oo saakay ku geeriyooday London, waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed Gaar ahaan qoyska reer Cali Boolaay,waxaan ku booqday isbitaal ku yaala London isagoo xanuunsan, waxaa uu ila wadaagay talooyin dhaxal gal ah, talooyin u badnaa wadaniyadda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Dr C/qaadir Cali Boolaay waxa uu ahaa shaqsi kaalin muuqata ka galay warbaahinta Soomaaliya, waxaa uu ka mid ahaa howlwadeennadii lagu aas aasay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, wuxuuna wax kasoo saari jiray Madaxna ka soo noqday wargeysyadii Corriera Della Somalo, New Era, Uninone, Stella di October, Xidigta Oktoobar & “waarimaysid” oo ka soo kala bixi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Rotterdam.