Home Blog Page 928

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug+Sawirro

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug isagoo Ku dhawaaqay in loo gudbay wejigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah.

“Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u ballanqaaday shacabka reer Galmudug in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la garab taagan tahay taageero joogto ah iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen himiladooda iyo horumarka ay hiigsanayaan.

Madaxweynaha ayaa dhaqanka, dhallinyarada, culimada, ganacsatada, haweenka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay inay midoobaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si loo helo Galmudug mideysan, horumarsan, barwaaqo ah oo ay bulshadeedu si nabad ah u wada nool yihiin.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali iyo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo dhammaantood kaalin mug leh ka qaatay qabsoomidda iyo guul ka gaaridda Shirweynaha.

 

Wasiirka Waxbarashada oo Shir uga qeyb galay Dalka Cumaan

0

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  Magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku takhasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka.

Kullanka oo ay Goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka kala socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Simad, Jaamacadda Muqdisho iyo Jaamacadda City ayaa looga hadlay hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay Horumarinta waxbarashada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada  XFS Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka Go,an taha in la helo waxbarasho tayo leh .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb. {Sawirro}

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa safarka uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb waxaa ku wehlinaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele {Xaaf] iyo xubno kale oo masuuliyiin ah waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay Odayaasha Dhaqanka bulshada qaybaheeda iyo ergooyinka ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Madaxweynaha ayaa caawa Dhuusamareeb uga qayb galaya xafladda xiritaanka shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug oo mudo ku dhawaad 10 maalin ah ka socday magaaladaasi madaxweynaha ayaana soo xiri doona shirka si rasmi ah.

Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday Fanaankii reer Sudan ee Salax ibnu Baadiya.

0

Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyooday fannaakii caanka ahaa ee reer Suudan Salaax Ibnul baadiya.

Salaax oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan Sudan, Afrika iyo dunida Carabta, ayaa maanta ku geeriyooday dalka Urdun, halkaas oo uu 8-dii bishan u tagay arrimo caafimaad iyo walaalkii oo ay muddo kala maqnaayeen.

Allaha u naxariistee Salaax Ibnul baadiya da’diisu waxa ay ahayd 82 jir.

Salaax waxa uu ka mid ahaa fannaaniin reer Suudaan ah oo marar badan yimid Soomaaliya bartamihii lixdamaadkii iyo toddobaatamaadkii, isagoo soo Soomaaliya keenay bandhig faneedyo kala duwan,taas oo keentay xiriir faneed oo xooggan oo dhex maray labada dal oo ee Soomaaliya iyo Suudaan oo wax badan wadaaga.

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir u dhaxeeyay dowladda hoose iyo Bankiga adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda Word Bank (Bankiga Aduunka) kaas looga hadlayay horumarinta mashaariicda lagu dhisayo waddooyinka caasimadda iyo xarumaha danta guud.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa Bankiga adduunka uga mahadceliyay doorka wanaagsan oo ay ka qaadatay in Muqdisho laga soo saaro marxaladihii burburka, waxaa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir kala hadlay madaxda Word Bankiga in maamulkiisa ay ka caawiyaan dib-udhiska waddooyinka si loo soo celiyo bilicdii Caasimadda JFS.

Ugu dambeyn wakiilada Bankiga adduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankooda balan qaaday iney dowladda hoose Xamar ay ka caawin doonaan mashaariic kasta oo lagu horumarinayo magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay warbixinta billowga ah ee cahdiga caalamiga ah ee caruurta.

0

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marwo Deeqa Yaasiin ayaa ku dhawaaqday soo saarista warbixinta billowga ah ee Soomaaliya ee ku aadan fulinta axdiga caalamiga ah ee xuquuqda carruurta (CRC).

Wasiir Deeqo waxaa ay sheegtay in cahdigaasi uu ahmiyad weyn siinayo xuquuqda caruurta isla markaana ay Dowladda Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobe. Qodobka 44-aad ee Cahdiga Caalamiga ah ee xuquuqda caruurta ayaa ku waajibinaya dowladaha xubnaha ka ah jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa in ay gudbiyaan warbixintooda billowga ah.

Cahdigan caalamiga ah waxaa ay Soomaaliya saxiixday sanaddii 2015-kii muddo afar sano kadib ahna waxaa ay Soomaaliya gudbisay warbixinta billowga ah ee fulinta cahdigaasi, 1984-tii ayaa ugu dambeysay in Soomaaliya ay ka warbixiso cahdiyada caalamiga ah oo ay saxiixdo.

Shir looga hadlayay iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya xuduudaha dalka oo Muqdisho lagu qabtay.

0

Guddoomiyaha Maxkamad sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa furay shir ay soo qaban qaabisay Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, kaas oo looga hadlayay iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha maamula xuduudaha laga soo galo waddanka.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintaasi waxaa ka qeybgalay Taliyaha ciidanka booliiska Generaal Cabdi Xasan Maxamed, Xeer ilaaliyaha guud ee dalka mudane Dr Axmed Cali Daahir, Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaaka iyo jinsiyadda ayaa sheegay ujeeddada shirka uu xafiiskiisa soo qorsheeyay, waxaa uu ku dheeraaday marxaladihii ay soo martay hay’adda socdaalka.

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa horumar ka sameysay dhinacyo dhowr ah oo la xiriira abuuridda xafiisyada gobollada si shacbiga ay ugu sahlanaato helista Passport-ka.

Kuwait oo maalgalin argagaxiso u aragtay dhuxusha looga dhoofiyo Soomaaliya.

0

Dowladda Kuwait ayaa dalkeeda ka mamnuucday in loo iibgeeyo dhuxusha laga qaado soomaaliya, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ganacsiga Kuwait ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba la joojiyay iibsashada dhuxusha soomaaliya.

Kuwait waxaa ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in lacagaha laga helo dhoofinta dhuxusha lagu maalgaliyo kooxaha argagaxisada ah, horay waxaa warbixinno uga qoray heerka dhoofinta dhuxusha Qaramada Midoobe warbixinnadaas oo tilmaamayay heerka xaalufinta dhirta in ay qeyb ka tahay abaaraha ka jira soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga digtay dhoofinta dhuxusha in ay keeni karto caqabado la xiriira amiga iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, dowladda Kuwait ayaa noqonaysa dowladdii ugu horreysay ee Khaliijka ah ee dalkeeda ka mamnuucda u dhoofinta dhuxusha soomaaliya sabab aragagaxiso darraadeed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeeray Wasaaradda maaliyadda.

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer howleed ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda maaliyadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa halkaasi ku kulmay mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada Wasaaradda isagoo warbixibta Wasaaradda ka dhagaystay Wasiirka Wasiirka Maaliyadda mudane Dr Cabdiraxmaan ducaale Bayle.

 

Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda Dhuusamareeb.

0

U diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug, waxaa si xooggan loo adkeeyay ammaanka magaalada.

Shacabka magaalada ayaa isu diyaarinaya isusoo bax ay kusoo dhaweynayaan Madaxweynaha, Dhuusamareeb waxaa horay u joogay oo kusoo dhaweyn doonna Madaxweyne Farmaajo Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiinta Eng Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka amniga mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale sidaas oo kale xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xeri doona gebagabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo uu horay u furay Ra’iisul Wasaare Kheyre todobaadkii hore, kass oo la isugu keenay dhammaan bulshada Galmudug si ay u dhistaan Galmudug mideysan isla markaana loo dhanyahay.