Dagaalkii Kismaayoย  Oo Lagu Guuleystay In La Kala Dhex Dhigo Ciidamo Si Loo Qaboojiyo

Date:

Wararka Laga Helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa muujinaya in xiisaddii colaadda ee u dhaxeysay labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay lahaanshiyaha deegaan kuyaala dulleedka Kismaayo la kala dhex dhigay ciidamo iyadoo ay xaaladdu haatan tahay mid deggan.

Ciidamada Ammaanka ayaa ku guleeystay in ay kala dhexgalaan si loo joojiyo collaadda dhalisay in uu qarxo dagaal hubeysan kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa gudaha deegaanno ay ka mid yihiin Fuuma, Kooyaamo iyo Jiiroole oo qiyaastii 50 Km dhanka Galbeedka kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

Dagaalkan oo dhowr jeer ku soo noq-noqonayay deegaannadaasi ayaa sal ku hayay lahaanshaha dhul deegaan ah oo ku yaalla halkaasi.

Waxaa socota qabanqaabo ay halkaasi uga socdaalayaan Odayaal iyo wax garadka deegaanka, kuwaasi oo ku wajahan degaannadii ay dagaalada ka dhaceen si loo kala nabadeeyo beelahii ku dagaalamay deegaankaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...