Home Blog Page 922

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay. “sawirro”

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa si rasmi ah u furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho.
Shirka waxaa ka qeyb galaya wakiillada ib ka badan 50 dal iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.
Shirka oo markii hore lagu qaban jiray dalka dibaddiisa, ayaa loo soo raray Soomaaliya oo hadda soo gaartay heer ay marti gelin karto shirarka heerkoodu sarreeyo amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba.

Shirkan waxaa khudbado ka jeediyay madax sare, safiirro iyo wakiillada qaar ka mid dalalka ka qeyb galaya, waxa ayna isla qireen in Soomaaliya sameysay horumar dhinacyo badan sanadihii u dambeeyay.

Dowladda FS oo Soo Dhoweysay Shirka Caalamiga ah oo Lagu Martigeliyay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaysay shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa ka qayb galaya in ka badan 50 dowladood oo ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, arrimaha looga hadlayo shirkaan waxaa ka mid ah Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda,

Waa markii ugu horeysay ee shirkaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho,waxaana horay loogu qaban jiray dalka dibaddiisa.

Akhriso: Warsaxaafadeed.

 

Ciidanka Xoogga Dalka oo Lagu Amaanay Geesinnimada iyo Feejignaanta Ay Kaga Hortageen Weerarkii Argagixisada.

Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysaa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho.

Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabelleeda hoose. Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan

0

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buulo burde Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Wabaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga xoraynayo deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa  beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ka baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan,isagoo xusay in wararkaas uu yahay dacaayad ay faafinayaan dad kasoo horjeedo dowladnimada.

Ugu dambayntii Guddoomiye ku xigeenka dagmada Buulo Burde Cismaan Geedi Cilmi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Qalabka sida, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka argagaxisada ah Al-shabaab.

Taliska Xoogga oo xaqiijiyay in ciidanku fashiliyeen weerar argagixisadu ku soo qaaday Ballidoogle.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta isku dayay in ay weeraraan saldhig Ciidanka Xoogga Dalku ku leeyihiin Ballidoogle gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo Alshabaab xoog badan galiyeen weerarkan oo ay gawaari u adeegsadeen, haddana waa la fashiliyay sababtoo ah CXD oo aad u feejignaa in ka yar 10 daqiiqana ku soo afjaray weerarka, iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhimasho ah.

Rasaas is-weydaarsi dhacay qaraxyada ka dib waxaa lagu dilay dhammaan maleeahiyadii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

Alshabaab ayaa weerarradan naf la caariga ah uga gol leh in ay carqaladeeyaan howlgallada Ciidanka Xoogga Dalku dalka uga sifeynayaan argagixisada, kaas oo si weyn loogu wiiqay Alshabaab.

Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa wadamada walaalaha ah ee ka taageera dhinaca Amniga iyo hawlgalada Ciidammada waxay gacan adag kala hortagaysaa Ficilada noocan oo kale ah ee lagu rajo tirayo shacabka Soomaaliyeed ee u ooman nabad iyo nolol fiican.

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay ka dib ka qaybgalkii Shirka Qaramada Midoobay+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Jamhuuriyadda ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalkeenna iyo himilada shacbkeenna ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.

“Wafdiga Jahmhuuriyadda ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.”

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalkeenna iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka. 

 

Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Ciise Tarabuun uu yahay muwaadin dhamaystay xukun maxkamadeed.

0

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ku simaha wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ahna wasiirka ku xigeenka wasaarada ayaa lagu sheegay in Cabdiwaxiid Khaliif Axmed oo ku magacdheer (Ciise Tarabuun) la sii daayay kadib markii uu xukunkiisa dhameystay “sida uu sharcigu qabo”.

Howlgal lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Shabaab hubna looga furtay oo ka dhacay Sh/Hoose

Howlgalkan ay sameeyen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada hoose ayaa lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan koxda Al-shabaab, iyadoo sidoo kale looga qabsaday Hub iyo saanad kale oo ay u adeegsan jireen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Illaa 7 xubnood oo ka tirsan kooxaha Argagixisada Al-shabaab ayaa lagu khaarijiyay howlgal ballaaran oo Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen bar ay ku dhuumaaleysanayeen malleeshiyada nabad-diidka oo ku dhow degaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose,iyadoo sidoo kale laga qabsaday Hub iyo rasaas 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey.

 

Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare ; Xasan Aadan Xaashi ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalkaasi khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen kooxaha jid iyo jaha diidka naflacaariga ah ee Alshabaab, kuwaasi oo gabbalkooda uu sii dhacayo.
“Howlgalada waxaa ay ka dheceen Dhanaane iyo Gendershe,waxaan ku dilnay 7 ka tirsan argagixisada,hubna waan ka furanay,waxay isugu jiraanm AK 47, BKM,Sabanno,iyo rasaas badan oo ay dadka ku dhibaateynayeen”. Ayuu yiri taliye Xasan Aadan Xaashi.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidanku ay heleen xoggo ku saabsan goobo cayiman oo maleeshiyaadkaasi ay kaga dhuumaaleysanayeen oo ka dhaca Gendershe,Dhanaane iyo Ceel Saliini,islamarkaana bartooda ku weeraray.

 

Saraakiisha kala ah Gaashaanle; Sare Xasan Aadan Xaashi, Taliye kuxigeenka qeybta 12ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare; Maxamed Maxamuud (Qataatow), taliyaha Gurmadka 12 April iyo Taliyaha Guutada 1-aad ee qeybta 12 April Gaashaanle Dhexe; Cali Maxamed Nuur oo ku sugan degaannada ay ka socdaan howlgalladaasi ayaa ku bogaadiyay Ciidamada in ay sii laba jibbaaraan gulufka ka dhanka ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab.

 

Tani ayaa muujinaysa culeyska military ee saaran argagixisada Al-shabaab, kuwaasi oo qaab dhuumaaleysi ah shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateeya,balse aan lahayn awood muuqata oo ay ku dagaalamaan.

 

Dhawaan ayay ahayd markii in ka badan 30 maleeshiyaad ah looga dilay Al-shabaab deegaanka Ceel Saliini ee hoostaga Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose,taasi oo jawaab deg deg ah u ahayd weerar arbushaad ah oo ay ku soo qaadeen ciidammo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed.



 

Guddoomiye Muuddeey oo daah-furay dib u how-gelinta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed

0

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Caddaaladda, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka , xildhibaanno ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyeyaal Ciidan, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsato, ayaa Xalay ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayay Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed.

Maareeyaha Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed, S/Guud; Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in la hiigsanayo qorshayaal lagu dhisayo xarumaha Ciidanka iyo waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdi  Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in ay Dowladdu dhismooyin ka waddo Dalka, taasi oo qeyb ka ah aragtida madaxda Dalka.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya Mudane; Xasan Xuseen Xaaji, ayaa sheegay in Wakaaladdu ay faa’iido  weyn u tahay xarrumaha  hay’adaha kala duwan ee   Dowladda.

Gudoomiye ku Xigeenka -aad ee golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Cabiweli Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaa  geba-gebadii daah-furayay dib u howl-gelinta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed oo ku bur-burtay dagaalladii sokeeyee ee Dalka ka dhacay.

Wuxuuna sheegay in uu Dalka uu u baahan yahay dib u dhis xooggan iyo in lagu soo kordhiyo dhismooyin cusub oo la jaan-qaada waqtigan casriga ah.

Maamulka Gobolka Banaadir oo daryeel Caafimaad u sameeyey Agoonta Booliska

0

Waaxda Caafimaadka Dawladda hoose ee Xamar ayaa daryeel Caafimaad u sameysay Carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) oo kormeeray qeybaha xarunta caruurta agoonta ah ayaa warbixin la xiriirta xaaladdooda ka dhageystay Taliyaha xarunta barbaarinta caruurta agoonta S/G Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), isagoo uga mahadceliyey taageerada ay siinayaan agoonta booliska.

Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahan yihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey kormeerka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, ku-xigeenadiisa iyo masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir.