Dowladda Soomaaliya oo Turkiga oo kala wareegatay deeq caafimaad

Date:

Diyarada Turkish airline oo sidda deeqdii ugu  horey oo ah Qalab caafimaad oo ay dowlada turkiga ugu deeqday Soomaliya  ayaa waxaa  Garoonka Muqdisho ku gudoomay Wasiirka caafimaadka XFS, iyadoo ay goob jog ka ahaayeen Wasiirka gargaarka iyo maaraynta miusiibooyin,Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS  iyo Masuuliyiinkale.

Wasiirka gargaarka  XFS  Xamsa Saciid Xamsa  ayaa sheegay in baahi weyn looqabay qalabka caafimaad  ee dowladda Turkiga ay soo garasiisay dalka maadama uu sameeyay  cudurka halista ah ee Corona  Virus.

Wasiirka  wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Fowsiyo Abiikar Nuur  ayaa sheegtay in qalabkaan caafimaad uu kaalin weyn kaqandoona ka hortgida iyo latacaalida  cudurka covid19.

Safiirka Turkiga ufadhiyo Soomalia Maxamed Yilams ayaa dhankiisa  sheegay in dowladda Turkiga ay garabtagantahy Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ku  amanay dowladda  dadaalka ay kaga horatagayso cudurrkaan.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah  Mudane Axmed Ciise Cawad   ayaa ugu danbeeyntii dowladda Turkiga uga mahadceliyay taagerada  ay garab taagantahay shaabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Dowladda Turkiga ayaa horay u shaacisay in  Soomaaliya ay ugu talagaleen kaalmo caafimaad si ay ugula  tacaasho xaladaha caafimaad iyo in ay xakamayso  fafintaanka Virus-ka Corona.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...