Dowladda Soomaaliya oo Turkiga oo kala wareegatay deeq caafimaad

Date:

Diyarada Turkish airline oo sidda deeqdii ugu  horey oo ah Qalab caafimaad oo ay dowlada turkiga ugu deeqday Soomaliya  ayaa waxaa  Garoonka Muqdisho ku gudoomay Wasiirka caafimaadka XFS, iyadoo ay goob jog ka ahaayeen Wasiirka gargaarka iyo maaraynta miusiibooyin,Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee XFS  iyo Masuuliyiinkale.

Wasiirka gargaarka  XFS  Xamsa Saciid Xamsa  ayaa sheegay in baahi weyn looqabay qalabka caafimaad  ee dowladda Turkiga ay soo garasiisay dalka maadama uu sameeyay  cudurka halista ah ee Corona  Virus.

Wasiirka  wasaarada caafimaadka iyo daryeelka bulshada Fowsiyo Abiikar Nuur  ayaa sheegtay in qalabkaan caafimaad uu kaalin weyn kaqandoona ka hortgida iyo latacaalida  cudurka covid19.

Safiirka Turkiga ufadhiyo Soomalia Maxamed Yilams ayaa dhankiisa  sheegay in dowladda Turkiga ay garabtagantahy Dowladda & Shacabka Soomaaliyeed waxa uuna ku  amanay dowladda  dadaalka ay kaga horatagayso cudurrkaan.

Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah  Mudane Axmed Ciise Cawad   ayaa ugu danbeeyntii dowladda Turkiga uga mahadceliyay taagerada  ay garab taagantahay shaabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Dowladda Turkiga ayaa horay u shaacisay in  Soomaaliya ay ugu talagaleen kaalmo caafimaad si ay ugula  tacaasho xaladaha caafimaad iyo in ay xakamayso  fafintaanka Virus-ka Corona.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...