Home Blog Page 923

Degmada Hodan Oo Caawa Ku Guuleysatay Tartan Cilmiyeedka Una Gudubtay Wareegga 2-aad

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka.

Barnaamijkani oo laga dhageysto Radio Muqdisho habeen waliba waxaa caawa kulankiisa 3-aad oo ah wareegga 1-aad qorsheysnaa in ay ku tartamaan degmooyinka Shangaani Vs Hodan oo ka mid Gobalka Banaadir, balse cudur daar ay soo gudbiyeen tartamayaasha degmada Shangaani ayaa keentay in dhibcihii tartanka laga qaato.

Xubin ka mid ah guddiga tartanka ee degmada Shangaani oo fursad loo siiyay in uu la hadlo bulshada ayaa sheegay inaysan caawa tartan diyaar u ahayn, maadaama macalimiinta tartanka ka caawin lahayd aysan u soo xaadirin, waxaana ay go’aansadeen inay dhibcaha wareejiyaan oo ay dhigooda Hodan ugu hambalyeeyaan

C/laahu Muxudiin Codka oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in tartamayaasha degmada Shangaani ay caawa bixiyeen cudur daar oo ay diyaar u yihiin in ay dhibcaha wareejiyaan, waxaana uu intaa ku daray in sharciga tartanka uu dhigayo in degmadii cudur daar qabto ay soo gudbiyaan 24 saac kahor inaysan tartanka ka qeyb geli karin, si loo siiyo fursad, balse taasi ma dhicin.

“Tartankii caawa waxaa dhibcaha qaatay tartamayaasha degmada Hodan, maadaama dhigooda Shangaani ay cudur daar soo gudbiyeen, waxaana ku dhawaaqeynaa in tartamayaasa Hodan ay caawa u soo gudbeen wareegga labaad ee tartanka, maadaama ay si dhib la’aan ay ku heleen dhibcaha” ayuu yiri Cabdullaahi Muxudiin Codka oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka sagaalaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Jowhar Vs Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir.

Wasaaradda Awqaafta XFS Oo Deeq Raashin Ah Uqeybisay Qaar Ka Mid Ah Macalimiinta & Imaamyada Muqdisho+Sawirro

0

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta deeq Raashin ah u qeybisay qaar ka mid ah Macalimiinta Dugsiyada Qr’aanka iyo Imaamyada Masaajida ee Magaalada Muqdisho taasi oo loogu talagaly bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Deeqdaan ayaa waxa ay ka timid Hay’adda Bisha CAS Turkiga iyadoo maanta ay Wasaaradda Awqaafta  ay ka qeyb-bisay Masajidka isbaaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalkad Soomaaliya Cismaan aadan Dhuuboow ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga waxaana uu intaa ku daray in xilligaan lagu jira uu yahay mid ka duwan marxadahii hore maadaama uu dalka la tacaalayo Cudurka Karoona …Cod

”Waxaan uga mahadcelinayaa Hay’adda Bisha Cas deeqda ay nasoo garsiisay si aan imaamyadda iyo Macalimiinta Duqsiyafa Qur’aanka qaarkood aan u siino afurin madaama uu dalka saameeyay cudurka Covid-19 iyo sidoo kale bisha Barakeysan ee Ramadaan”

Sidoo kale Wasiirku waxaa uu u digay dadka wax kusoo qaato inay u gurmanayaan dadka danyarta ah ee aanan sidii loogu talagalay u gaarsiinin deeqaha ay soo qadaan waxaana uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono cidii lagu helo falkaasi.

“Waxaan udigayaa dadka wax kusoo qaata inay dadka danyarta ah u gargaarayaan hadane aan sidii loogu talagalay u gaarsiinin laguna helo falkaasi foosha xun sharciga la horgeyn doono”

Wasaaradda Gargaarka Oo Ka Warbixisay Xaaladda Deegaannada Uu Ku Fatahay Webiga Jubba

0

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo ee la soo gudboonaatay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabigaJubba.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag.

“Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.”

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, waxa uuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato.

Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan.

Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne.

Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga.

Agab Caafimaad Oo Maanta Dowladdu Geeysay Dhuusamareeb

0

Mas’uuliyiin ka socota xafiiska R/Wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta GalMudug.

Agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus, waana maamulkii sadexaad oo agabkan la gaarsiiyo.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.

R/Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa amray in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir dowladdu gaarsiiso agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus

Xaalado Horleh Oo Caabuqa Covid-19 Ah Oo La Diiwaan-geliyay 24-kii Saac Ee La soo Dhaafay “sawirro”

0

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Xaqiijisay warbixinta maalinlaha ah ee Feyruska Karoona ayaa maanta soo bandhigtay in la diiwaangeliyay 19 xaalado cusub oo caabuqaasi ah kuwaasi oo 13 ka mid ah ay rag yihiin iyo 6-haween ah. halka 11 qof ay ka bogsadeen xanuunka.

18 kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, hal bukaanna Koonfur Galbeed.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 601, waxaana guud ahaan ka bogsooday 31 Ruux. 28 ruux ayaa dalka ugu geeriyootay cudurkaan.

Waa maalintii ugu horreysay ee tira dhan 11 ruux ay ka bogsooto cudurkaan, waana maalintii 2-aad ee aan dalka laga diiwaan gelin geeri cusub oo uu sababay COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona.

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Nabadoonnada & Waxgaradka Qardho “SAWIRRO”

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay nabadoonada iyo waxgaradka magaalada Qardho, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

Dowladda ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan.

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Agaasimaha Madbacadda Qaranka

0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo dhamaan Madaxda Wasaaradda Warfaafingta ayaa si wada jir ah uga tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Axmed Faarax Gaatamow oo ahaa Agaasimaha Madbacadda Qaranka oo caawa maqribkii Muqdisho ugu geeriyooday wadno xanuun.

Wasiir Maareeya ayaa guud ahaan bahda saxaafadda iyo ehelada uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Axmed Faarax Gaatamow oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Wasaaradda Warfaafinta, kuwaasi oo kala ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA iyo Agaasimaha Madbacadda Qaranka.

Allaha u naxariistee Marxuum Agaasime Gaatamow waxa uu ahaa shaqsi howlkar ah oo in muddo ah ku soo dhex jiray Warbaahinta, waxaana uu culuumta saxaafadda ka bartay Jaamacadda Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddiga Sare Ee Gurmadka Fatahaada Qardh

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saameynta ballaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Sidaas darteed, Madaxweynaha Puntland wuxuu magacaabay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska

Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska

Agaasimaha Guud Hay’adda HADMA

General Khalif Ciise Mudane La taliyaha Madaxweynaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Xildhibaan Sharmaake Cali Cilmi

Xildhibaan Ahmeddaad Jaamac Diiriye

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Barre

Siyaasi Cali Abdi Awaare

Guddomiyaha Gobolka Karkaar

Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar

Guddomiyaha Degmada Qardho

Sh. Fu’aad Maxamuud Nuur Culumadda

Jaamac Salaad Maxamed (Dhagadheere) Ganacsatadda.

Axmed Cabdi Hurre

Maxamed Caydiid Jaamac (Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga)

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Waxyeelada Ka Soo Gaartay Daadadka Qardho

0

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ay waxyeelada  ka soo gaartay  roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday Magaalada Qardho saameynta Culus ku yeeshay dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu murugooday dhibaatada Daadadkaasi ay ku yeesheen Dadka Qardho, waxaana uu ugu baaqay Cid kasta oo garab istaagi karta Walaalaha Puntland in ay garab istaagaan, waxaana guddiyada Fatahaada Hirshabelle oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyeyaasha Labada Gobol ee Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe uu faray in ay u istaagaan Abaabulka U gurmashada Dadka Reer Qardho

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Waare.

Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa Hogaanka Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka geysanayaan Dhibaatada saameysay Dadka Reer Qardho, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida Shacab, Dowlad, iyo Madaxweyne Deni in ay horseed u tahay Ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira wuxuuna madaxweynuhu uu bogaadiyay isku duubnidaas.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan waxaana taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah.

Guddoomiye Ku Xigeenka Cusub Ee Maamulka Iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Oo Xilka La Wareegay+Sawirro

0

Munaasabad Kooban oo lagu qabtay aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa uu maanta xilkiisa kula wareegay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee Maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan iiman iyadoo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim dheere)

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka qeyb-galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir .

Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 24-kii  bishii may ee Sanadkii tagay 2019-kii u magacaabay ibraahim Dheere ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobalka Banaadir sidoo kale dhawaan wareegto ka soo baxday Madaxweynaha oo xilka looga qaaday Guddoomiye ku xigeenada Maamulka iyo Maaliyadda & Howlaha Guud ee Gobalka Banaadir.

Iyadoo Sidoo kale wareegtada lagu kala Magacaabay  Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir Axmed Xasan iiman iyo Guddoomiye Ku xigeenka Hawlaha Guud Maamulka Gobalka Banaadir Cumar Cali Cabdi.