G/Kuxigeen Tuulax Oo Kormeer Hubinta Amniga Ku Tagay Degmada Hilwaa+Sawirro

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax)  ayaa howla kormeer ah ku tagay xaafadaha kala duwan ee Degmada Hiliwaa oo xigta qeybta Bari ee Magaalada Muqdisho.

Kormeerkan ayaa muhiimadiisu aheyd u kuurgalida xaalada amni ee Degmada ee sida ay ciidamada amniga heeganka ugu yihiin bad baadinta shacabka iyo la dagaalanka nabadiidka sidoo kale kormeerkan ayaa ahaa mid quseeya dhaqangalinta Bandowga ay Dowlada uga hortageyso faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Waxaana Kormeerka inta badan masuuliyiinta iyo saraakiishu sameynayeen uu ahaa mid socod ah si ay ula falgalaan xaalada rasmiga ah ee degmada Hiliwaa.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa warbaahinta uga warbixiyay muhiimada kormeerkani.

“Kormeerkaan waxaa mid aan ku kala bixin jirnay dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan u hubino xaaladaha Amniga iyo sida ay iskula falgalayaan shacabka iyo Ciidmada Amaanka iyo sidoo kale dhaqan gelinta Bandowga lagu xakeymayao Cudurkaan safmareenka ah ee Karoona Feryuska sidoo kale waxaa ku bixin doonaa dhammaan degmooyinka inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...