Home Blog Page 919

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo soo saartay Qorshaha iyo Habraaca Doorashada Jubbaland

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha maamul  gobolkeedka Jubbaland  ee 2019,ka, ka dib markii ay qaadacday Wasaaradda arrimaha gudah,natiijada doorashooyinkii kasoo baxday Jubbaland oo baal marsaneyda hannaankii iyo habraacii doorashooyiinka dastuurka u  qeexayeyo.

 

Shirka Guddiga Fullinta Hay’adda Qaxootiga Adduunka Ee QM Oo Maanta Ka Furmaya Dalka Switzerland

0

Shirka 70-aad ee hay’adda qaxootiga adduunka ayaa maanta ka furmaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaana ka qeybgalaya wafuud heer caalami ah.

Shirka ayaa sanadkaan waxaa diirada lagu saaraya arrimaha qaxootiga iyo dhibaatooyinka heysta dadka soo barakacay sidii xal loogu heli lahaa iyo sidoo kale loo abuuro nolol cusub oo badasha mida ay hatan ku sugan yihin.

Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaana la filayaa in madashaasi ay qudbad ka jeediyaan wafdiga ka socda Soomaaliya taaso ay kaga war bixiinayaan xal ka gaarida xaalada barakacyaasha.

Hay’adda qaxootiga adduunka ayaa sheegtay in dhibaatooyin xoog leh ay soo  wajahayaan dadka qaxootiga ah ayna u sii dheertahay mustaqbal la’aan heysata jiilalka ku  dhex barbaaray  qaxootiga iyo sidoo kale Cafimaad daro.

Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo maanta Maxkamad la horgeeyay

Eedaysane Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray  dagmooyinka Doolow iyo Balad-Xaawo oo loo wada haysto taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Cabdirashiid Xasan CabdiNuur(Cabdirashiid-Janan) ayaa Bishii hore ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya.

Ciidamada Booliiska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo fashiliyay Miino miino lagu aasay Shabellada hoose.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa fashiliyay Miino nooca Dhulka lagu aaso oo la dhigay inta u dhaxaysa Siinka Dheer iyo Ceelasha Biyaha iyadoo kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ay doonayeen in qaraxaas ay ku dhibaateeyaan dadka isticmaala wadadaas.

Dadka degaanka ayaa ciidanka ku soo wargaliyay in argagixisada ay wadada dhinaceeda ku aaseen qaraxa isla markaa ciidanka oo si dhaqso ah uga jawaabay fariintaa ay shacabka ka heleen ayaa ku baxay goobta waxaana halkaa ay ka soo saareen qaraxa oo ay markii dambe qarxiyeen markii ay dadka ka fogeeyeen goobta.

 

1

Booliis Soomaaliyeed oo tababar la dagaallanka argagixisada ah uga socdo Turkiga.

Tababar ku saabsan la dagaallanka Argagixisada.ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga uga socda ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed.

Tababarkaan ayaa isugu jira burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhacaan iyo howlgalada gaarka ah.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in muddo bilo ah uu tababarka u socday, waxaana ay isugu jiraan qaybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuralayda magaalada Izmir.

Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wayn uga qeyb qaadanaysay tababarka Ciidamada qalabka sida, waxaana ay boqolaal askari ay ku soo tababartay dalkeeda, kuwaasoo isugu jira Ciidamo Boolis iyo kuwo ka tirsan xoogga dalka.

Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xiliga uu furmayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyahah Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu furmi doona Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka, sida ku cad warqada Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota kuna Taariikheysan 09ka October 2019.

Qoraalkan oo  uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiisay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu faray xildhibaannada in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan.

Dowladda Soomaaliya oo Bixiyay 317,000 oo Doollar oo dib loogu dhisayo buundada Baardheere

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in madaxda qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

Soomaaliya oo ka qeybgashey shirweynaha Booliiska Afrika 

Shirkii 3-aad oo ay yeeshaan Booliiska Afrika ee loo yaqaano (Afripol) ayaa ka dhacay dalka Aljeeriya magaalo madaxdiisa Aljeris ,iyadoo shirkaasi ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shirkaasi Booliiska Afrika waxaa uga qeybgalay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar, shikraasi oo ah shir looga hadlo danaha Afrika, gaar ahaan dhanka Ammaanka.

Ajandaha shirkan Afripol waxaa uu ahaa sidii Boliiska Afrika ay iska kaashan lahaayeen la dagaalanka dembiyada Abaabulan, iyo la dagaalanka xagjirka, Sidoo kale dhammaan dembiyada kale ee ka dhaca Qaaradda Afrika.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeybgashey saraakiil booliis oo ka kala socotay ilaa 33 dal oo ka tirsan Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya kujirto,kuwaasi oo soo bandhigay aragtiyo kaladuwan eek u aadan habka ugu wanaagsan oo laamaha ammaanka Afrika ay u sameyn karaan iskaashi ballaaran.

Gebagebada shirkaasi ayaa waxaa la isku raacay in Amniga Qaarada Africa muhiimad gaar ah la iska saaro,lagana shaqeeyo iskaashiga iyo Horumarinta Ciidamada Booliska Qaarada Africa
Shirkan wuxuu socdey mudo sadex maalin 02 October ilaa 04 October 2019 wuxuuna ku soo gaba gaboobey Guul iyo is afgarad,iyadoo Soomaaliya uu ahmiyad gaar ah u lahaa,maadaama ay ka mid tahay wadamada ka soo kabanaya colaadaha.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo shir caalami ah uga qayb galaya Geneva.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mundane cabdi maxamed sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland is ay uga qeyb galaan shir heer caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda qaramada midoobay ee qaxootiga adduunka.

Kulankan oo ah kii 70aad aya waxaa iskugu imaan doono dalalka xubnaha ka ah, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowlada Soomaaliya.

kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

Maxkamadda ICJ oo laga sugayo  jawaabta soo jeedinnada Kenya iyo Somalia

0

Maxamadda Caalamiga ah ee ICJ  oo uwada yeertay waddamada Soomaaliya iyo Kenya oo   u ballansanaa dhageysiga dacwadda labada dal  ee  horay u baaqatay horraantii bishii tagtay ayaa wada gaaray dalka Holand.

Labada dowladood ayaa la wada dhageystay  soo jeedinnadooda, waxa ayna dowladda Kenya Codsatay in la siiyo waqti sanad ah oo ay ugu soo diyaar garoobeyso dacwadda Soomaaiya kala dhaxeysa.

Dhinaca Kale Soomaaliya ayaa Maxkamadda adduunka ICJ   u sheegtay in ay xaggooda diyaar u yihiin garmaqalka Maxkamadda oo ay  aqbaleen dhiggooda Kenya fursado laba ah oo ay horay Maxkamadda usiisay, waxa ayna sheegeen wafdiga  kasocday dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayay Ra’isulwasaare  ku xigeenka dalka in  Soomaaliya aysan aqbali Karin  waqti dheeraad ah.

Kenya ayaa horay isaga ceyrisay dhammaan wakiiladeeda ku difaacayay badda, waxa ayna dhowr jeer codsatay in la siiyo waqti dheeraad ah.

Maxkamadda ICJ  ayaa looga  fadhiya ka  go’aan qaadashada  dalabyada labada dowladood.