Home Blog Page 920

Wasiirka arrimaha dibedda oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xarunta Safaaradda ay Soomaaliya ka iibsatay Maraykanka

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire; Axmed Ciise Cawad , ayaa ka faah-faahin ka bixiyay dib u furista Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay.

Mudane; Cawed ayaa aad u bogaadiyay Guriga Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowladdu ka iibiyeen bartamaha Magaalada Washington DC, wuxuuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya eek ala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa ee ay dhowaan golaha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washington.

Dhinaca kale, wasiir Cawed ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqdisho muddo dheer ka dib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimodeenna, iyadoo uu xiriirka Labada Dalna nonon doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo dib u habayn lagu samaynayo

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Taliyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in ay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo  haatan lagu aas-aasayo Dalka Algeria una direen Saraakiil.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Taliye Xajaar ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Inter Pol-ka, (International Police),  Xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.

S/Gaas; Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in dhowaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan Xafiis ay ku mideysan yihiin Boliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka Waddamada Gobolka.

Haweenka Gobollada dhexe oo Xusul-duub ugu jira sidii ay uheli lahaayeen Qoondada Haweenka Galmudug+Sawirro

0

Doorka Dumarka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo arrimaha kala duwan ee Bulshada ayaa diiradda lagu saaray shirar maalmahaan usocday Haweenka kunool degaannada Galmudug, si ay xubno ugu helaan dib u yagleelidda maamulkaasi.

Haweenka ayaa bogaadiyay qeybta ay ka heleen maamulladii hore, balse haatan waxay Xusul duub ugu jiraan sidii loogu sii kordhin lahaa Kuraasta ay ku leeyihii maamulka Galmudug, codkooduna ay sare ugu sii qaadi lahaayeen.

Maymuun Cali Nuur , Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka mudug ee Galmudug ayaa sheegtay in ay kuhawlan yihiin xaqiijinta kaalintii ay Haweenku kulahaayeen siyaasadda.,waxanay intaa ku dartay in kulamadii ay yeesheen Haweenka Gobollada dhexe lagu soo bandhigay wax tarka Gabdhaha, iyagoo samaytay guddiyo u gaar ah, si iyaga oo mideysan ay u raadsadaan xuquuqdood.

Xaawo Qaran oo kamid ah Haweenka dedaalka ugu jira xuquuqda Haweenka ee dhanka siyaasadda ayaa ugu baaqday wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Odayaasha dhaqankuba in ay ka qeyb geliyaan dhismaha maamulka cusub ee loo dhan yahay, si ay Bulshada uga dhex muuqdaan.

Luul Xaashi, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegtay in Haweenku ay tartamada adag geli karaan haddii fursad lasiiyo , wax bandanna ay ka qaban karaan wax ka beddelka xaaladda Dalka.

Waxanay Culimaa’udiinka iyo wax garadka u sheegtay in wax qabadka Haweenku uu ka mudan yahay kan Ragga, isla maraana uu yahay mid lagu kalsoon yahay, iyagoo xustay in ay Dumarku lafdhabar u yihiin nolosha Aadanaha, kaalin mug lehna kasoo qaadatay samata bixinta Ummadda Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee lasoo maray.

Sida ku cad Cahdiga Qaranka Haweenku waxay leeyihiin Boqolkiiba Soddon qoondada guud, haddana ma ahan kuwo helay Kuraastii ay ku lahaayeen Siyaasadda maamul Goboleedyada iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya.

W/D Maxamed Siciid Soomaali

 

13 Qof oo ku dhimatay shil Gaari oo ka dhacay Dalka Kenya

0

Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku geeriyootay 38 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, markii ay Xalay saqdii dhexe isku dhaceen Gaari Bas ah iyo Baabuur xamuul ah oo marayay inta u dhaxaysa degaanka Pala oo ka tirsan ismaamulka Kisumu iyo Magaalada Kericho ee Dalka Kenya.

Labadii Darawal ee Buska iyo Gaariga xamuulka ah ayaa ka mid ahaa Dadkii ku dhintay shilkan, sida uu Jariiradda Daily Nation u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ismaamulka Kisumu, Benson Maweu.

Dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaal Ismaamulka Kisumu , iyadoo qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Laanqeyrta Cas ee Dalka Kenya.

Barnaamijka Kulanka todobaadka oo uu marti ku yahay taliyaha ciidanka booliska.{Daawo}

Si aad Wax badan uga ogaato is badalka taliska ciidanka Boolisku ku sameeyay shaqadii ka socotay xarunta baarista dambiyada ee CID daawo barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed.

 

Danjire Maxamed Isxaaq oo gaaray Khartum lana kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan.

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan soo gaaray Caasimadda Sadax Geesoodka ee Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadiisa Aqoonsiga ay ka gudoontay Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Suudaan Asma Cabdalla

Safiir Maxamed Isxaaq Ibraahim ayaa warbixin kooban ka siiyay Wasiir Asma Cabdalla ka hor inta aysan ka gudoomin Warqadiisa Aqoonsiga Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada dal ee Dhan walbo leh isagoo cadeeyay in Dowladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Ku sugan Dalka Suudaan, kuwaas oo leh qeybaha kala duwan sida Arday, Ganacsato, Jaaliyad waxuuna intaa ku daray in ka Safiir ahaan balan qaadayo sidii kor loo qaadi lahaa Xiriirka Diplomaasiyadeed Labada Dal ee Walaalaha ah ka dhaxeeya

Dhanka kale Wasiir Asma Cabdalla ayaa ka gudoontay Nuqul ka mid ah Warqadiiaa aqoonsiga Danjire Maxamed Isxaaq Ibraahim una mahad celisay sheegtayna in ay u rajeysay in uu ka shaqeeyo xiir wanaagsan oo dhax mara Labada dal oo ahaa mid soo jireen ah.

    1. Danjire Maxamed Isxaaq oo dhawaan ay Dowladda Soomaaliya u soo magacawday Dalka Suudaan ayaa la filayaa in dhawaan Si rasmi ah Warqadihiisa Aqoonsiga uu kaga Gudoomo Cabdi Fitaax Al-Burhaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee Dalka Suudaan.

 

Mareykanka oo si rasmi ah safaaradiisa uga furanaya Soomaaliya.

0

Bayaan kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta si rasmi ah dib loogu aas-aasay safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Muqdisho.

Safaaradda ayaa la xiray 5-tii bishii Janaayo ee 1991-kii, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dib u aas-aasay howl-galkiisa diblomaasiyeed ee Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay “dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.”

Waxa uu yiri “Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.”

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray “Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.”

Yamamoto ayaa ballan-qaaday in Mareykanka uu wadi doonno inuu saaxib xooggan la ahaado Soomaaliya, si looga caawiyo dhismaha dal xasiloon oo dimoqraadi ah.

Wafuudii ka qayb-gashay shirkii iskaashiga oo casho loo sameeyay.

Wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa xalay casho sharaf ugu sameysay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ergooyinkii ka qayb galay shirkii labada maalin ka socday magaalada Muqdisho ee madasha iskaashiga Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha caalamka.

Kulankaan cashada ah oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay xubno badan oo u badnaa diplumaasiyiinta caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana loogaga mahad celiyay garab istaagooda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Ambassador Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka cashadu ahaa in dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya loo muujiyo sida Soomaaliya u tahay dad ku wanaagsan soo dhaweynta iyo ixtiraamka.

“Waxaa Soomaaliya laga aaminsan yahay meel dhib badan ka jiro dad aan wanaagsaneyn laakiin sidaas inaysan ahayn ayaan tuseynay dalalka aan saaxiibka nahay waxaana u sheegeynay in dadka Soomaaliyeed yihiin dad aad u wanaagsan oo ku wacan soo dhaweynta iyo ixtiraamka”ayuu yiri wasiir Cawad.

Macawiisleyda Gobolka Hiiraan oo Al-shabaab Hub ka furtay kana dilay malleeshiyo badan.

Waxaa sii kordhaya dagaalka kacdoonka shacabka iyo Al-shabaab u dhexeeya, iyadoo hub looga furtay argagixisada dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay deegaanka Ceel Cali ee ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhexmaray dhallinyaro is abaabushay oo la magacbaxday macawiisleyda gobolka Hiiraan iyo malleeshiyo ka tirsan Al-shabaab, dagaalka ayaa socday muddo ku dhow laba saacadood, waana saaka waabarigii hore.

Dagaalka ayaa ku bilowday weerar ay soo qaadeen Macawiisleyda, wararka ayaa intaa ku daraya in goobta dagaalka ay ku dhinteen tobaneeyo Argagixisada ka tirsan, isla markaana uu jiraan tiro dhaawacyo badan ah, sida uu inoo xaqiijiyey Maxamed Cali Istakiin oo taliye u ah kooxda macawiisleyda ku sugan gobalka Hiiraan.

Waxa uu intaa ku daray in laba dhallinyaro ah ay uga shahiidday dagaalka, ayna ku rajo weyn yihiin sidii kacdoonka ka dhanka Al-shabaab looga hirgelin lahaa gobolka Hiiraan oo dhan.

Mr Istakiin ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay argagixisada uga furteen hub dhowr nooc ah.

Dagaallada Kacdoonka ah ee looga soo horjeedo Al-shabaab ayaa ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana marar badan khasaare loogu geystay argagixisada, bacdamaa ay shacabka iska diidaan in ay ku dhex noolaadaan cabsi iyo gummaad.

Ogeysiis: Taliska Ciidanka Booliska oo Qaadanaya Ciidan Cusub

0

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu qaadanayaa Dhalinyaro cusub kuwaas oo kamid noqonaya Booliska.

Dhallinyaro aqoonyahan ah oo ka mid noqonaya ciidanka ayey doonayaan Booliska Shuruudaha laga doonayo qofka Ku biiraya booliska warqada ka aqriso.