Roobab Culus Oo Ay Ku Hafteen 194 Gudaha Dalka Kenya

Date:

Quusayaasha deegaanka webiga Kawalase ee  dhow wadada dheer ee Lodwar-Lokichoggio ayaa baadi goobaya gaari uu la tagay daadad biyo ah welina la la’yahay kadib roobab mahiigaan ahi ay ka curteen gudaha dalka Kenya, khuburada saadaasha hawada ku xeel-dheer ayaa ka digay in ay roobab kale oo wata biyo xajmi badan la filyo in ay yimaadaan. Daily Nation ayaa Qortay.

in ka badan nolosha 194 qof ayaa lagu la’yahay daadadka roobabka xilligan oo ka da’ay meelo kala duwan iyagoona fatahaado ka geystay gudaha dalkaasi.

Wargayska ayaa soo xigtay Dr Fred Matiang’i oo ah xoghayaha A/Gudaha Xukuumadda Kenya oo sheegayay in khatarta ay ku badan magaalada Garissa iyo tuulooyinka ka ag-dhow webiga Tana ay fatahaaduhu ku qasbeen in ay u hayaamaan meelaha dhulalaka qalalan ee aysan fatahaaduhu saameynin weli.

Waaxda La Socodka Jawiga & Saadaasha Cimilada Dalka Kenya ayaa ka digtay in ay xaaladdu suurtagal ahayn in wax laga qabto waqtiga dhow, xilli roobab kale oo culus la filayo in  dabayaaqadka todobaadka soo socda ay ka da’aan gaar ahaan bartamaha qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi sida uu Wargayska Daily Nation uu qoray waxaa ka mid ah deegaannada Rift Valley, deegaannada Galbeedka iyo meelo badan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka iyo tuulooyinka kuyaala dhinaca xeebta wadankaasi.

Kenyaatiga oo ku dhaqan meelaha daadadku ku badan yihiin ayaa loogu baaqay in ay u baro baxaan deegaannada aan daadad qabadka lahayn iyadoo xaalado laga war war qabo laga soo sheegayo in ay ku sugan yihiin meelaha biyo qabinta ee kuyaala Masinga & Turkwel halkaasi oo cabsi laga qabo in ay biyuhu fatahaado ba’an ay sameeyaan. Daily Nation Ayay ahayd Sheekadaasi Todobaadkani.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...