Galmudug oo Tababar u soo xirtay Shaqaale loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa

Date:

Muqdisho:(SNTV):-Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Galmudug oo kaashanaysa Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaga dowladda dhexe ayaa Tababar u soo xirtay Kooxo loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa oo Dhowaan yimid Deegaano ka tirsan Galmudug haddana dhibaato ku haya Dalagyada Beeraha iyo Daaqsinka, waxaana sidoo kale Wasaaradu soo bandhigtay qalabkii lagula dagaalami lahaa Ayaxa.

Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo xanaanada Xoolaha Galmudug Dr. Saleebaan Maxamed Saalax oo ka waramay Howshaan wasaaradu qabanayso ayaa xusay in Kooxahaan loo soo xiray Tababarka loo kala diri doono deegaanada Ayaxu ku habsaday.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaarada Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Nuur Yuusuf Nuur ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay la dagaalanka Ayaxa iyo sidii lagu heli lahaa agabyada lagula dagaalamayo.

Ayaxa ayaa Sanadkii hore waxa uu halakeeyey dalagyo fara badan ย iyo Dhul daaqsimeed aad u baaxad wayn wuxuuna Saamayn ku yeeshay deegaano badan oo Dalka ka tirsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...