Home Blog Page 918

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo Khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee Qaxootiga.Sawirro”

Wasiirka arrimaha gudaha XFS Eng Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta Khudbadda Soomaaliya ka jeediyay shirka caalamiga ah ee guddiga sare ee hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Soomaaliya ayaa shirkaa heerka caalami ah waxaa ku matalaya wafdi uu hugaaminayo wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshisiinta dalka waxaana uu shirku diiradda saarayaa arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

waa madashii 70aad ee golahaan waxaana sanadkaan si weyn looga doodaya sidii wax weyn looga qaban lahaa dhibaatooyin dhanka bini aadanimada ah oo ka jira dalal badan oo caalamka ah wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaana shirka hordhigay xaaladda Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka.

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Oo Farriin Tacsi Ah U Diray Madaxweynaha Jabuuti, Cismaaciil Cumar Geelle

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal laga soo saaray Madaxtooyada Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu uga Tacsiyadeeyay Madaxweyne Geelle geeridii ku timid walaalkiis Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh”ayaa lagu yiri War ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey Eebbe in Marxuumka uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Oo Maalgelin U Sameyneysa Ganacsatada Magaalooyinka Maamulkaasi

0

Wasiiru Dowlaha Wasaarada  ganacsiga dowlad  goboleedka Hirshabeelle Cali Maxmed Cali oo faah faahin ka bixiyey Shirar looga hadlayay  horumarinta gacansiga deegnaada Hirshabeele ayaa Sheegay in ay Xoogga saari doonaan horumarinta ganacsiga Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ay kulamo la qaadan doonaan dhammaan ganacsatada Hirshabeelle waxaana uu sheegay in ay booqan doonaan Dhammaan Magaalooyinka hoos yimaado Maamulka Hirshabelle.

Mudane, Cali Maxamed Cali Wasiiru Dowlaha Wasaarada  Ganacsiga Dowlad  Goboleedka Hirshabeele Wasiirka ayaa sheegay in Maamulka Hirshabeelle uu uu ku howlan yahay dhiirigelinta ganacsatada Hirshabeelle iyadoo dhowaan ay ganacsatada heli doonaan maalgashi lagu sameeyo qaar ka mid ah ganacsatada kasoo jeedo magaalooyinka ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeeray Tiyaaterka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeerka uu ku tagay Tiyaaterka Qaranka waxaana halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, maareeyaha golaha murtida iyo wacyi galinta Qaranka iyo xubno kale

Ra’iisul wasaaraha ayaa u kuur galay howsha dib u dhiska ah ee ka socota iyo halka uu marayo waxaana uu warbixin ka dhageystay masuuliyiinta hormuudka u ah dhismaha halkaa ka socda iyo Maareeyaha Tiyaaterka isagoo bogaadiyay miradhalka Barnaamijka isxilqaan ee dib loogu dhisay xarumo muhiim ah oo uu ka mid yahay Tiyaaterka Qaranku.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Xarunta Tiyaatarka Qaranka, oo ay meel Gaban-gabo ah Marayo dib u dhiska ku socda.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey Xarunta Tiyaatarka Qaranka, oo ay meel Gebagebo ah marayo dib u dhiska ku socda.

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Τρίτη, 8 Οκτωβρίου 2019

R/W Kheyre Oo Daah-furay Isku Xirka Nidaamka Maaliyadda Ee W/Maaliyadda Ee Maamulka Lacagaha Bangiga Dhexe

0

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda maalliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qarannimada

R/Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiranyahay sida loo wada shaqeeyo.

Horumarinta hanaanka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda.

Tababar Kusaabsan Ka hortagga Socdaalada Sharcidarada Ah Oo Muqdisho Ka Furmay

Tababar ku saabsan ka hortagga socdaalada sharcidarada ah ayaa maanta uga furmay qaar ka tirsan Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo kor loogu qaadaayo xirfadda Saraakiisha HSJ iyo Boliiska oo socon doono muddo shan maalin ah ayaa waxaa bixinaya macalimiin Turkey.

Ugu dambeyn Tababarka ayaa waxaa si wadajir ah u furay Taliyaha Akadeemiyadda Boliiska Soomaaliya General Cabdirashiid Aadan Cilm, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo la-taliyaha amniga iyo arrimaha gudaha ee safaarada turkiga Col. Ahmet Altan.

Guddiga Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Oo La kulmay Xildhibaanno & Odayaasha Waqooyi

0

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa kulan xarrunta Villa Hargeysa kula qaatay Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobolladda Waqooyi ee Soomaaliya.

Ujeedka kulanka uu guddiga la yeeshay xildhibaanadda iyo Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeedo goboladda Waqooyi ee Soomaaliya ayaa ahaa sidii ay aragtidooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ay ugu soo bandhigi lahaayeen guddiga.

Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Gobollada Waqooyi ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay tallooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

“Marka hore waxa aan idinkaga mahadcelinaynaa sida aad inaga ogolaateen in aan kulankaan wada yeelanno, marka xigto waxaan idiin kaga mahadnaqaynaa sida aad guddiga aad ugu soo bandhigteen tallooyinkiina iyo aragtiyadiina wanaagsan ee la xariiro sharciga doorashooyinka qaranka”waxaa sidaasi yiri guddooomiyaha Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab).

Tan iyo markii la magacaabay guddigaan waxa uu waday kulamo uu la yeelanaayo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay ula wadaagaan aragtiyadooda la xariira sharciga dooorashooyinka Qaranka.

   

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Duqa Muqdisho

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda maaliyadda uu maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.

Wasiirka ayaa sheegay in ay arrimaha ay ka wada hadleen ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalahaee gobolka Banaadir.

“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadad Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu qayb ka yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiinta sare ee dowlad goboleedka Koofur-galbeed iyadoo loo galbiyay dhanka madaxtooyada magaalada Baydhabo waxaa halkaas uu uga qayb galayaa wafdigani xafladda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee golaha wakiilada Koofur-galbeed oo lagu wado inuu furo madaxweynaha maamulkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad iyo wafdiga uu hugaaminayo ayaa saaka ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay ka hor inta uusan u sii gudbin magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad oo soo garay magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha golaha Shacabka  Soomaaliya ayaa ku soo dhaweyay magaalada Muqdisho  dhiggiisa Jabuuti waxaana magaalada Baydhabo ay kaga qayb galayaan si wadajir ah  shirka baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed oo maantay ka furmaya halkaasi.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kaddib u sii gudbi doona magaalada Baydhabo.

Booqashada Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qayb geli doona Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koofur Galbeed oo todobaadkan furmaya,Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.