R/Wasaare Kheyre Oo Guddoomiyay Shirka Joogtada Ah Ee Xakameynta Covid-19

Date:

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay Shirka joogtada ah ee guddiga Qaran ee ka hortagga iyo xakameynta Cudurka COVID19.

Kulanka oo ahaa mid dhinaca Internet-ka ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Caafimaadka ee dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, waxaana looga hadlay dardar gelinta wacyi gelinta bulshada iyo ballaarinta awoodda dowlad gobaleedyada ee xakameynta faafitaanka COVID-19.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa dardar gelineysa wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurka Covid-19 oo dhibaato ku haya dunida oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...