Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Dhagarqabe Bam-Gacmeed Ku Tuuray Bar-Koontarool+Sawirro

Date:

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabe ka tirsan argagaxisada Alshabaab oo bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool oo ciidamadu ay ku hubiyaan gaadiidka taas oo ku taal waaxda Horseed ee degmada Yaaqshid.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo xalay kormeer lug ah ku maray xaafadaha Juungal,Towfiiq iyo Horseed ee degmada Yaaqshid ayaa sheegay in dhagarqabe bam gacmeed ku tuuray bar-koontarool ay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen.

Guddoomiyaha ayaa maamulka degmada iyo bulshada ku ammaanay sida ay uga wada shaqeeyaan sugida amniga iyo in ay iska qabtaan argagaxisada ku soo dhex dhuumaneysa shacabka, taas oo uu sheegay in ay tahay wadada kaliya ee looga guuleysan karo cadowga ummadda Soomaaliyeed.

Tuulax ayaa ciidamada ammaanka ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan u adeegida shacabka, isagoo ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin har iyo habeen difaaca dalka iyo dadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...