Home Blog Page 905

Qof La Hadal Hayo In Laga Heli Karo Sirta Ururka IS Oo Lagu Qabtay Waqooyiga Siiriya

0

Ciidamada dalka Turkiga oo howlgal ka fuliyay Waqooyiga dalka Siiriya ayaa gacanta ku soo dhigey haweeney ay walaalo ahaayeen hogaamiyhii khilaafada Islaamka ee la diley Abu bakar Al Baqdadi oo la rumeysan yahay inay hayso sir badan.

Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in haweeneyda oo 65 sano jir ah laguna magacaabaa Rasmiya Awad, waxaana lagu qabtay holwgal ciidan oo isniintii laga fuliyay meel ku dhow magaalada Azaz, xarigeeduna uu fa’iido u noqon karo in la helo sirta qiimaha leh ee ururka IS.

Baqdaadi ayaa is qarxiyay xilli, bishii la soo dhaafay, ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka howlgal ku galeen guri uu degganaa oo ku yaalay Waqooyi-Galbeed ee Suuriya.

Geeridiisa waxaa guulweyn ku tilmaamay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, balse dadka hadalkiisa ka soo horjeeda waxay ku doodayaan in ururka IS uu weli yahay halis amni oo ka tagan Suuriya iyo daafaha caalamka.

Mid ka mid ah saraakiisha Turkiga wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xarigga Baqdaadi walaashii ka weyn uu “gacan ka geysan karo in la ogaado shaqada gudaha ee ururka la baxay Khilaafada Islaamka”.

Baqdaadi waxaa la dhalatay shan nin iyo dhowr gabdhood, mana cadda ay dhammaan ay weli nool yihiin, sida uu ku warramay wargeyska The New York Times.

Haweeneyda waxaa laga qabtay gobolka Xalab oo inta badan uu Turkiga maamulo, halkaas oo ay ku qabsadeen howlgal militari oo bishii la soo dhaafay ay sameeyeen ciidamada Turkiga.

Rasmiya Awad waxaa laga helay gaari wayn oo ay ku dhex noolayd. Waxaa la degganaa seygeeda, dumaashideed iyo shan carruur ah, sida saraakiisha Turkiga ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AP.

Waxay tilmaameen in su’alo laga weydiiyay shakiga laga qabo iyada ee ah in ay koox xagjir ah ka mid tahay.

Madaxda Turkiga waxay sheegayaan in Rasmiya ay noqon karto “qof sir badan oo muhiim ah haysa”.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa 27-kii October ku dhawaaqay dhimashada hoggamiyihii ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

AL Baqdaadi wuxuu qarxiyay jakad bam oo u xirnayd ka dib markii uu dhex galay kanaal oo uu kaga baxsanayay ciidamada Mareykanka oo weerar ku qaaday gurigiisii ku yaalay gobolka Idlib ee dalka Suuriya, sida uu sheegay Trump.

Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Diyaarad Shixnad Gargaar Sidday Gaarsiisay Magaalada Baardheere. ‘SAWIRRO’

0

Diyaaraddii ugu horeysay oo siday Gargaar loogu talo galay dadkii ay Fatahaada sameeyeen ayaa Maanta gaartay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gado.

Diyaaradan ayaa siday gargaar ka kooban Daawooyin, Maro kaneecooyin, Teendhooyin, bustoyaal iyo agabyo kala duwan oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu talo gashay gargaarka dadka ay fatahaadu Saameeysay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa isku xil-qaamay gurmadka dadka ay fatahaada saameeyeen gudaha gobolada dalka oo uu ugu horeeyo Gobolka Hiiraan oo magaalada Beledweyne halkaasoo ay ku barakaceen dad farabadan waxaana la gaarsiiyay gargaar kala duwan.

Agaasimaha Cusub Ee Wakaaladda Wararka SONNA Oo Xilka La Wareegay

0

Agaasimaha Cusub ee Wakaaladda Wararka SONNA  Mudane Cali C/qaadir Cali ‘Meykal’ ayaa maanta xilka kala wareegay Agaasimii hore ee wakaaladda Mudane C/laahi Sheikh C/raxmaan Haybe.

Munaasabadda xil wareejinta oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Wakaalada Warara SONNA ayaa waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Agaasimaha cusub ee Telefishinka Qaranka ee SNTV, Mudane Faarax Salaad Dharaar, Agaasimaha Xiriirka Gobolladda Mudane C/laahi, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Axmed “Ma’da”,  madaxa wararka ee wakaaladda Cumar Faarax , iyo  madax qeybeedyada ee wakaaladda SONNA.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo hadal kooban ka jeediyay xilwareejinta ayaa ammaanay shaqadii uu soo hayay agaasimihii hore C/laahi Sh.C/raxmaan Haybe isagoo u rajeeyay kulana dardaarmay agaasimaha cusub Cali C/qaadir Cali ‘Meykal’ inuu u guto waajibaadkiisa shaqo hufnaan iyo howlkarnimo.

Agaasimaha cusub ee ee wakaaladda, Cali C/qaadir Cali oo munaasabadda ka hadlay ayaa Agaasimihii hore ku ammaanay howshii uu qabtay mudada uu hayay xilka, wuxuuna ballanqaaday in uu la imaan doono dardar cusub oo ku wajahan socodsiinta howlaha wakaaladda.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Max’ed Xeyr Maareeye ayaa dhowaan magacaabay agaasimeyaal cusub tallaabadaasi oo si diiran ay u soo dhoweeyeen guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

 

Halkan Ka Akhriso Xaaladda Guud Ee Fatahaadaha & Gurmadka

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojinaysa dadaalka ay ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay waxyeeladu ka soo gaartay fatahaadaha iyo roobabka, iyadoo lagu guuleystay in si dhaqsi leh dadkaasi daryeel loogu fidiyo.

Hoos ka akhriso howlaha gurdmadka oo ay hormuudka ka tahay DFS.

Haweeney La Dhalatay Abuubakar Al-Baqdaadi Oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in la qabtay haweeney la dhalatay Hogaamiyihii hore ee Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi, kadib howlgal laga fuliyay waqooyiga Suuriya.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Rasmiya Awad ayaa da’deeda lagu sheegay 65 sano jir, waxaa Isniintii shalay lagu qabtay howlgal ciidan oo ka dhacay meel u dhow magaalada Azaz.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in qabashada haweeneydan uu faa’iido u noqon karo in la ogaado sirta gudaha ee Kooxda Daacish.

Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa is qarxiyay bishii la soo dhaafay, kadib markii Ciidamada gaarka ee Mareykanka ay howlgal ku galeen guri uu degenaa oo ku yaalla waqooyiga Suuriya.

Wareyska Newyork Times ayaa ku warramay in Baqdaad ay la dhalatay 5 wiil iyo dhowr gabdhood, balse ma cada in ay dhammaan nool yihiin iyo in kale.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Diyaarado Gargaar U Direysa Gobollada Fatahaaduhu Saameeyeen

0

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in diyaarado sida gargaar u dirto deegaannada ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka ee Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan magaalooyinka gargaarka la gaarsiin doono ayaa waxaa ka mid ah magaalooyinka Beledweyne, Baardheere iyo Bardaale oo dhowaan roobab daadad watay uu saameeyay boqolaal qoysas ah.

Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa ku fatahay deegaano ka tirsan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana fatahaadaas ay sababeen in kumanaan qoysas ka barakacaan guryahooda, kuwaasoo la soo deristay xaalado nololeed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladdu ay dhowr diyaaradood oo gargaar sida ay u diri doonto magaalooyinka ay xaaladaha bani’aadanimo ka jiraan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dadaalo aan loo kala harin oo gurmad ah waxay ka wadaan gudaha dalka iyo dibaddiisa, si ay ugu gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha webiga, waxaana dhowaan magaalada Garowe ka baxay gawaari xamuul ah oo gargaar u sida dadka reer Beledweyne, waxaana shacabka Garowe ay sameeyeen gurmad ballaaran oo ay wax kasta oo ay heli karaan ugu gurmadeen walaalahooda reer Beledweyne.

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday sagaal Shabaab ah oo ay mid haween tahay

Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qeyb ay ula baxeen Amniyaadka oo ay ula jeedaan kuwa dadka gaadmada ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada amniga 14/03/2019.

08/07/2019 ayaa loo diray xabsiga dhexe kadib markey codsaden xafiiska xeer ilaalinta in xabsiga dhexe lagu haaayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay barista Shabakadan u qaabilsaneyd Alshabaab deegnnada cirifka jire ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada weydiisteen dhageysiga dacwadda 06/10/2019 xilligaas oo ay garsoorayaasha go’aamiyeen in uu dhaco fadhigii ugu horreeyay.

Guddoonka fadhiga dacwadan ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanayaasha eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana mid kasta fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiya jiritaanka eedda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka sheekeeyay dhammaan eedeysanayaasha xilliyadii kala duwanaa oo ay Alshabaab kusoo qaateen iyo howlaha ay hayeen oo u badnaa tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ee magaalada dhexdeeda.

Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Alshabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay.

Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Alshabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda argagixisanimo.

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka kooxdan, waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kooxda.

Saafi Ciise Arwaax 2018 Alshabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay maleeshiyada Alshabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista kooxda haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay kooxda, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak.

Yaasiin Maxamed Axmed waxa uu Alshabaab ku biiray 2013, waxa uu katirsanaa jabhadaha dadka ku dhibaateeyo Ceelbuur, waxa uu sheegay in uu isaga tago Alshabaab laakiin CabdiShakuur ayaa uu sheegay in uu u hanjabi jiray.

CabdiShakuur Cali Maxamuud ayaa ku biiray Alshabaab 2016, waxa uu sheegtay in uu qeyb weyn ka qaatay tuurista Bambooyinka, waxa uu sidoo kale sheegay kaalinta eedeysanayaasha kale qaarkood ay ku lahaayeen kooxda ay kawada tirsanyihiin.

Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye ayaa isna Alshabaab ku biiray 2016, lix billod ayuu tabbar ku qaatay Jilib, tababarka ayaa ku saabsanaa Qaraxyada, waxa uu sidoo kale ahaa wardoon kasoo warrama dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Ex, Control Balcad.

Xasan Seekh Cabdullaahi ayaa iska diiday kamid ahaanshiyaha Alshabaab, waxa uusa sheegay in in badan oo kamid ah kuwa la xiran ay is yaqaaneen, halka iyaga laftooda ay ku marag fureen.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa is dul taagay sharraxaad Eeedeysanaha koowaad ee Axmed Cabduqaadir Axmed oo magiciisa Afgarashadu yahay Khadiira, waxa uu maxkamadda u sheegay in uu ahaa Khadiira isku duwaha iyo horjoogaha kooxdan, waxa uu abaabulay weerraro dhowr ah oo isugu jiro bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo dilal Fashilmay, halka Saafi Ciise Arwaax ay aheyd xubin firfircoon oo kaga faa’ideysatay ixtiraamka ay haweenka u hayaan hey’adaha Amniga, Maxkamadda ayuu way weydiistay in dhamaan eedaysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada lagu soo eedeeyay.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa iyagana Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanayaasha ay Alshabaab ku biireen hasa ahaate ay isaga soo tageen kooxda, qaarkooda ayay Alshabaab handadaad ku shaqa geliyeen, waxa ay Maxkamadda weydiisteen in loo naxariisto kuwa kale ee mar hore isaga soo tegay Alshabaabna la cafiyo oo xurriyadooda la siiyo.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku siman 30-cisho ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay.

Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Shirka kadib Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka ayaa si wadajir ah uga war bixiyay kulanka.

Xafiz Ghanim ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febaraayo.

Xafiz Ghanim ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kadib waxa uu xafiiska madaxweynaha si wadajir ah ugula shiray madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha oo bogaadiyey dadaalka xukumadda ee dayn cafinta iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyada, ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay qorshaha deyn cafinta, ayaa ku guuleysatay in buuxda looga soo baxo dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah lasoo gaarsiiyo SMP4.

Dowladda Turkiga oo dalalka islaamka ugu baaqday in Somalia loo gurmado.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa dowladaha iyo shacuubta islaamka ugu baaqay in ay gacan weyn ka geestaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee la dhibaateysan fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle.
 
Wasiir ayaa hadalkaan ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka iskaashiga islaamka oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaas oo ka qabsoomay magaalada Doxa ee dalka Qatar.
 
“Waa inaan meel iska dhignaa khilafaadka dhexdeena ah isla markaana aan qaadanaa mowqif mid ah si Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad iyo barwaaqo, beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ildhaha ka laaban dhibaatada ka jirta Soomaaliya” ayuu wasiir Mevlüt Çavuşoğlu.
 
Waxaa uu soo hadal qaaday dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaana uu sheegay wasiirka in dowladiisu ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay garab ku siineyso la dagaalanka argagixisada.

Shan musharax oo ka qeybgalaya doorashooyinka madaxtinimo ee Aljeria

0

Mas’uuliyiinta doorashada Algeria ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada ee ka dhaceysa dalkaasi bisha soo socota ay ku tartami doonaan shan murashax oo inta badan ah madax horay xilal uga soo qabtay dowladdii hore.

Dadka tartamaya ayaa kala ah Ra’isulwasaarihi hore Abdelmadjid Tebboune , Ali Benflis, wasiirkii hore ee dhaqanka Azzedddine Mihoubi, wasiirkii hore ee Dalxiiska Abdelkader Bengrine iyo Abdelaziz Belaid, oo ah madaxa xisbiga ugu dhaqdhaqaaqa El Mostakbal.

Dadka reer Aljeeriya ayaa 12-ka bisha Disembar u dareerti doona goobaha codbixinta ee doorashada madaxtinimo ee dalka ,inkastoo ay jiraan mudaaharaadyo weli ka socda gudaha dalka Aljeria.

Musharixiinta tartamaya qeyb ahaan waa kuwii ay ka dhasheeb rabsadaa socda mudada dheer ee lagu diidan yahay in ay soo noqdaan xubnaha dowladdii hore ee dalka Aljeeriya.

Ilaa 23 musharax ayaa isdiiwaaangeliyay inkastoo la ogolaaday ama liiska ay ku soo baxeen shan kaliya sida laga soo xigtay madaxa gudigga doorashooyinka Mr Chorfi.