Home Blog Page 906

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday sagaal Shabaab ah oo ay mid haween tahay

Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qeyb ay ula baxeen Amniyaadka oo ay ula jeedaan kuwa dadka gaadmada ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada amniga 14/03/2019.

08/07/2019 ayaa loo diray xabsiga dhexe kadib markey codsaden xafiiska xeer ilaalinta in xabsiga dhexe lagu haaayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay barista Shabakadan u qaabilsaneyd Alshabaab deegnnada cirifka jire ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada weydiisteen dhageysiga dacwadda 06/10/2019 xilligaas oo ay garsoorayaasha go’aamiyeen in uu dhaco fadhigii ugu horreeyay.

Guddoonka fadhiga dacwadan ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanayaasha eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana mid kasta fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiya jiritaanka eedda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka sheekeeyay dhammaan eedeysanayaasha xilliyadii kala duwanaa oo ay Alshabaab kusoo qaateen iyo howlaha ay hayeen oo u badnaa tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ee magaalada dhexdeeda.

Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Alshabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay.

Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Alshabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda argagixisanimo.

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka kooxdan, waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kooxda.

Saafi Ciise Arwaax 2018 Alshabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay maleeshiyada Alshabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista kooxda haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay kooxda, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak.

Yaasiin Maxamed Axmed waxa uu Alshabaab ku biiray 2013, waxa uu katirsanaa jabhadaha dadka ku dhibaateeyo Ceelbuur, waxa uu sheegay in uu isaga tago Alshabaab laakiin CabdiShakuur ayaa uu sheegay in uu u hanjabi jiray.

CabdiShakuur Cali Maxamuud ayaa ku biiray Alshabaab 2016, waxa uu sheegtay in uu qeyb weyn ka qaatay tuurista Bambooyinka, waxa uu sidoo kale sheegay kaalinta eedeysanayaasha kale qaarkood ay ku lahaayeen kooxda ay kawada tirsanyihiin.

Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye ayaa isna Alshabaab ku biiray 2016, lix billod ayuu tabbar ku qaatay Jilib, tababarka ayaa ku saabsanaa Qaraxyada, waxa uu sidoo kale ahaa wardoon kasoo warrama dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Ex, Control Balcad.

Xasan Seekh Cabdullaahi ayaa iska diiday kamid ahaanshiyaha Alshabaab, waxa uusa sheegay in in badan oo kamid ah kuwa la xiran ay is yaqaaneen, halka iyaga laftooda ay ku marag fureen.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa is dul taagay sharraxaad Eeedeysanaha koowaad ee Axmed Cabduqaadir Axmed oo magiciisa Afgarashadu yahay Khadiira, waxa uu maxkamadda u sheegay in uu ahaa Khadiira isku duwaha iyo horjoogaha kooxdan, waxa uu abaabulay weerraro dhowr ah oo isugu jiro bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo dilal Fashilmay, halka Saafi Ciise Arwaax ay aheyd xubin firfircoon oo kaga faa’ideysatay ixtiraamka ay haweenka u hayaan hey’adaha Amniga, Maxkamadda ayuu way weydiistay in dhamaan eedaysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada lagu soo eedeeyay.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa iyagana Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanayaasha ay Alshabaab ku biireen hasa ahaate ay isaga soo tageen kooxda, qaarkooda ayay Alshabaab handadaad ku shaqa geliyeen, waxa ay Maxkamadda weydiisteen in loo naxariisto kuwa kale ee mar hore isaga soo tegay Alshabaabna la cafiyo oo xurriyadooda la siiyo.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku siman 30-cisho ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim oo dalka soo gaaray maanta, xarigana ka jaray xafiiska cusub ee Bangiga adduunka oo Muqdisho laga furay.

Kulanka oo ay ka qayb gashay agaasime gobaleedka IFC ee Afrika, Ms Jumoke Jagun-Dokonmu ayaa looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha deyn cafinta dalka, barta go’aanka ee Febraayo 2020 iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Shirka kadib Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo madaxweyne ku-xigeenka bangiga adduunka ayaa si wadajir ah uga war bixiyay kulanka.

Xafiz Ghanim ayaa kulanka ka caddeeyay inuu ku farxsanyahay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso sida bangiga aduunka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya, shaqada wanaagsan ee dowladdu qabatay iyo hagaajinta lagu sameeyay hay’adaha dhaqaalaha dalka, waxuuna madaxda dowladda uga mahad celiyay hoggaanka wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay xukuumaddu sii wadi doonto dadaallada loogu jiro gaarista barta go’aanka ee Febaraayo.

Xafiz Ghanim ayaa shirka uu Ra’iisul Wasaaraha la yeeshay kadib waxa uu xafiiska madaxweynaha si wadajir ah ugula shiray madaxweynaha jamhuuriyadda, mudane Maxamed Cabduullahi Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha oo bogaadiyey dadaalka xukumadda ee dayn cafinta iyo horumarinta hannaanka maamulka maaliyada, ayaa bangiga adduunka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dadaal xooggan gelisay qorshaha deyn cafinta, ayaa ku guuleysatay in buuxda looga soo baxo dhammaan shuruudihii deyn cafinta ee SMP1SMP2, iyo SMP3, meel gebabeba ah lasoo gaarsiiyo SMP4.

Dowladda Turkiga oo dalalka islaamka ugu baaqday in Somalia loo gurmado.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa dowladaha iyo shacuubta islaamka ugu baaqay in ay gacan weyn ka geestaan caawinta dadka Soomaaliyeed ee la dhibaateysan fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle.
 
Wasiir ayaa hadalkaan ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee ururka iskaashiga islaamka oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya kaas oo ka qabsoomay magaalada Doxa ee dalka Qatar.
 
“Waa inaan meel iska dhignaa khilafaadka dhexdeena ah isla markaana aan qaadanaa mowqif mid ah si Soomaaliya loogu soo dabaalo nabad iyo barwaaqo, beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ildhaha ka laaban dhibaatada ka jirta Soomaaliya” ayuu wasiir Mevlüt Çavuşoğlu.
 
Waxaa uu soo hadal qaaday dib u dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaana uu sheegay wasiirka in dowladiisu ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay garab ku siineyso la dagaalanka argagixisada.

Shan musharax oo ka qeybgalaya doorashooyinka madaxtinimo ee Aljeria

0

Mas’uuliyiinta doorashada Algeria ayaa sheegay in doorashada madaxtinimada ee ka dhaceysa dalkaasi bisha soo socota ay ku tartami doonaan shan murashax oo inta badan ah madax horay xilal uga soo qabtay dowladdii hore.

Dadka tartamaya ayaa kala ah Ra’isulwasaarihi hore Abdelmadjid Tebboune , Ali Benflis, wasiirkii hore ee dhaqanka Azzedddine Mihoubi, wasiirkii hore ee Dalxiiska Abdelkader Bengrine iyo Abdelaziz Belaid, oo ah madaxa xisbiga ugu dhaqdhaqaaqa El Mostakbal.

Dadka reer Aljeeriya ayaa 12-ka bisha Disembar u dareerti doona goobaha codbixinta ee doorashada madaxtinimo ee dalka ,inkastoo ay jiraan mudaaharaadyo weli ka socda gudaha dalka Aljeria.

Musharixiinta tartamaya qeyb ahaan waa kuwii ay ka dhasheeb rabsadaa socda mudada dheer ee lagu diidan yahay in ay soo noqdaan xubnaha dowladdii hore ee dalka Aljeeriya.

Ilaa 23 musharax ayaa isdiiwaaangeliyay inkastoo la ogolaaday ama liiska ay ku soo baxeen shan kaliya sida laga soo xigtay madaxa gudigga doorashooyinka Mr Chorfi.

Wasiirka Warfaafinta Oo Xilalka Ka Qaaday Agaasimayaashii SONNA, SNTV Iyo Radio Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa is bedel ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Warbaahinta dowladda iyo Waaxyo kale oo Wasaaradda ka tirsan.

Wasiir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jeyte, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yaxye Cali Faarax.

Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liibaan Cabdi Cali, waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar.

Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Cali C/qaadir (Cali Maykal).

Is bedeladan cusub ayaa ahaa kuwo lama filaan ah, iyadoo la faray Agaasimayaasha cusub ee inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilalka ula wareegaan.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-

Koox loo heysto Qaraxyada lagu aaso waddooyinka oo la xukumay

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.

Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore.

August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga.

Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.

Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa isna Garsoorka u sheegay in uu Alshabaab ku biiray 2017, waxa uu sheegay in uu ka qeyb qaatay weeraro qaraxya miinada dhulka lagu aasa ah isaga iyo eedeysanaha koowaad, waxa uuna intaas ku daray in eedeysanaha sedaxaad uu ahaa meel ay sii dhigtaan agabka qaraxyada ah iyo aaladaha kale ee lagu hago (Remote control) hasa ahaate eedeysanaha sedaxaad ayaa iska diiday in wax lug ah uu ku lahaa dhammaan eedaha loo jeediyay.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay kusoo eedeeyeen 3-da eedaysane.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in la siiyo xurriyadooda maadaama aysan samayn wax howlgal ah oo guulaystay marka laga soo tago In Alshabaab ay xilliya kala duwan ku biireen balse markii dambe ay iska noqdeen gurya jog, waxa ay si gaar ah Maxkamadda u weydiisteen in eedeysanaha Sedaxaad xurriyadiisa la siiyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) lagu wada xukumo min 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ay Maxkamadda amartay in lagu xukumo 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sedaxda xukunsane ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo la siman 30-cisho xukunka kadib.

Ciidamada sida gaarka ah u carbisan ee DANAB oo sii kordhaya.

0

Taliska Xoogga dalka oo sanadihii dambe dib u qaabeyn iyo tayaynta ciidamada xoogga dalka si xooggan u waday ayaa sii kordhiyay, lambarka ciidamada gaarka u carbisan ee DANAB isla markaana abuuray Talis u gaar ah. Ciidamadani ayaa horay u ahaa Urur gaar u taaggan oo aan ka mid aheyn guutooyinka uu’ u qeybsan yahay xoogga dalka.

Ciidamada kumaandooska ah ee DANAB ayaa la gaarsiiyay Guuto halkii ay horay u ahaayeen Urur taas oo ka dhigan in Urur kale lagu sii kordhiyay isla markaana loo asteeyay magac u gaar ah  taas oo ah Guutada 16-aad ee DANAB.

DANAB ayaa laf-dhabar u aheyd guullo dhowr ah oo laga gaaray howlgallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobollada dalka kuwaas oo ahaa kuwa toos ah iyo kuwa si dadban ay u fuliyeen, Guutada 16-aad ee DANAB waxaa hoggaamin doona oo loo magacaabay Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo waxbarasadiisa heerka jaamacadeed kusoo qaatay Dalka Malesia, sidoo kalane kasoo qalin jabiyay Kuliyad dhinaca howlgalinta ah ee ku taalla dalka Maraykanka.

Golaha shacabka oo ansixiyay xisaab xirka miisaaniyaddii 2017-ka.

0

Kulanka mudanayaasha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxa ay ugu horreyn Xildhibaanada akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedyada Qareennada Soomaaliyeed iyo nootaayada dadweynaha waxaana Golaha usoo gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Intaasi Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay xisaab-xirka miisaaniyadda Dowladda ee 2017 waxaana codeynta ka dib natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Siraaji oo ah Guddoomiyaha guddiga maaliyadda,miisaaniyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay ansixinta Xisaab xirka Dowladda ee 2017.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sii amba qaaday dood fadhigan kii ka horeeyay bilaabatay oo aheyd maxdarka Xildhibaanada ama soo xaadirista Xildhibaanada ee fadhiyada Golaha.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay oo mudanayaasha kaga celiyay ka doodista ajendaha muhiimka ayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in la helo hanaan shaqada Golaha lagu dar dar geliyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaanadda kaga mahad celiyay ka doodista ajendaha la xiriira soo xaadirista Xildhibaanada.

Ciidanka xoogga dalka oo kaalmo gaarsiiyay dadkii uu saameeyay Wubiga Shabeelle.

0

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne,

“Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno, oo aan dareensiino inaan nahay hal xubin, oo aan la damqaneyno dhibta soo gaartay, ciidankana waan uga mahadelinayaa sida ay u garteen inay dhibka la qeybsadaan walaalahood, iyadoo la dareemi karo nolosha uu ku noolyahay Askariga, lana ogyahay mushaarka ay qaataan, ayna u diyaarsanyihiin inay Walaalahood wax u qabtaan” ayuu yiri  Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa sheegay in shacabka reer Galmudug ay iminka wadaan dadaallo kaalmo loogu arruurinayo Walaalahood ay fatahaaduhu saameeyeen, ayna dhankooda diyaar u yihiin inay soo galbiyaan marka ay kaalmada iska soo aruuriyaan shacabka Galmudug, si loo soo gaarsiiyo Beladweyne.

Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa ugu baaqay bulshada inteeda kale inay dhankooda kaalmada la soo gaaraan shacabka ku dhibaateysan duleedka Beladweyne ee ka soo barakacay fatahaadaha.

Wasiirada Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga oo kulmay+Sawirro.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan  oo ka mid ahaa Wafdiga Dawladda Soomaaliya  ee  magaalada Ankara uga qaybgalay Shirka Iskaashiga Xiriirka Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga dalka Turkiga Marwo Ruhsar Pekcan.

Intii kulanku socday waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga Ganacsi iyo Maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana  si gaar ah kulanka diiradda loogu saaray heshiiska Iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga , sidii Turkigu u taageeri lahaa Hay’adda Tayyo dhowrka Badeecada Soomaaliya iyo Warshadayn Dalka Soomaaliya  lagu sameeyo, taasi oo kor u qaadi doonta koboca dhaqaalle ee Dalkeena.

Dhinaca kale  Wasiirka Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kulan  gaar ah la qaatay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank , oo ah Nin Xog-Ogaal u ah xaaladda Soomaaliya, kana mid ahaa wafdigii Turkiga  ee sanadkii 2011 yimid Soomaaliya, isagoo xiligaasi la taliye u ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga, hadana ah Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan, oo ay ka midyihiin Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha ,waxaana laga hadlay sidii ganacsatada dalka Turkiga ay u maal gashan lahaayeen Soomaaliya.

Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank ayaa xusay inay Soomaaliya garab taagan yihiin, islamarkaana ay gacan siin doonaan tababarada Warshadaha iyo Waayo-aragnimada Tiknoolajiyadda.

Wasiirka waxaa kulamada ku weheliyey mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga iyo u Qaybsamaha Ganacsiga ee Safaaradda Mudane Maxamed Aadan Daahir.