Home Blog Page 904

Baarlamaanka Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo Shirkii Dhab u heshiisiinta DFS iyo Soomaaliland

0

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Dr. Yuusuf Al-Cuseymiin ayaa boogaadiyay Shirkii Dhab u heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland, isaga oo sheegay in ay horseeday heshiis dhexmaray labada dhinac oo suurtagaliyey in la sameeyo guddi farsamo oo isku dhaf ah kuwaas oo sii amba qaada wadahadalada isla markaasna dabagal ku sameeya qodobbada muhiimka ah ee wali harsan.

Dr. Alcuseymiin ayaa soo dhaweeyay sida ay uga go’an tahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in la xalliyo arrinta Soomaaliland, waxa uuna sheegay in ay qeyb muhiim ah ka qaadanayso kor u qaadista nabadda iyo horumarka Gobolka.

Sidoo kale, waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle martigalinta wadahadalladan, isaga oo muujiyey sida ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalalka Carabta Dr. Mishcal Al-suleymi ayaa ku dhiirri geliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya in ay sii amba qaadaan wadahadallada dhab u heshiisiinta oo horseedaya horumarka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dr.Mishcal ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay dalalka Jaamacadda Carabta in ay gacan ka geystaan xasillonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

 

Wasaaradda Dekadaha Kalluumeysiga Galmudug Oo Soo Dhoweysay Dhaqaalaha Lagu maalgelinayo Dhismaha Dekadda Hobyo.

0

Wasiirka Wasaarada Dekedaha Iyo Kalluumeysiga Galmudug Cabdi Saabir Nuur Shuuriye  oo wareysi gaar ah  siiyay Radio Muqdisho ayaa marka hore ka hadlay u jeedka Munaasabadda daah-furka Howsha Dekadda oo xalay lagu qabtay gudaha Degmada Hobyo oo ay ka qeyb galeen ganacsato, siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug kuwaasoo qaarkood ka tagay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in mudada uu kulanka socday looga hadlay dhaqaalaha lagu suurtagelinkaro dhismaha dekeda iyadoo dadkii maalgelinlahaa intaba gacanta lagu hayo.

Mudane Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Galmudug iyo Maamulkooda ay diyaar u yihiin sidii isaga kaashan lahaayeen dhismaha dekeda Hobyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiri doonaan kulamo dheeraad ah oo dhex mari doono dhinacyada ganacsatada iyo maamulka dowlad Goballeedka todobaadyada soo socda kulamaadaasina looga hadli doono dardargeliyo maalgelinta dhismaha dekadda isagoo carabka ku dhuftay wasaaradda Dekadaha Galmudug ay gacanta ku hayso howsha habka iyo qorshaha dhismaha dekadda intaba.

Howsha Dhismaha Dekedda Hobyo oo hadal heynteeda soo jiitamaysay in muddo ah ayaanan horey waxba uga hirgelin, tallaabada dhismaha Dekedda Hobyo ayaa lafdhabar u noqon doonta ilaha waxsoosaarka maamul gobolleedka Galmudug iyo guud ahaan dalka.

 

 

 

 

Shir Looga Hadlayo Hindise Sharciyeedka Koronta Oo Muqdisho Ka Furmay

0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh, ayna weheliyaan Wasiirka Ku Xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda ayaa maanta magaalada muqdisho ka furtay Shirka Wadatashiga Hindise Sharciyeedka Korontada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamul Goboleedyada Dalka iyo Shirkadaha Korontada Gaarka loo leeyahay waxaana uu socon doonaa muddo labo cesho ah.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Khayraadka Biyaha Ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo shirka furtay ayaa ka hadashay muhiimada uu dalka u leeyahay hindise sharciyeedkan iyo Baahiyaha ay ummadda Soomaaliyeed u qabto sharciga.

Safaaradda Soomaaliya Ee Hindiya Oo Dib U Soo Celisay Muwadiniin Ku Xayirnaa Hindiya

0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa markii labaad u fududeysay muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalka Hindiya ku xayirnaa tan iyo markii  xuduudaha dalkaasi loo xeray xanuunka Faafa ee Covid-19.

Muwaadiniin gaaraya 128 qof oo isugu jira Ragg iyo Dumar ayay Safaarada ku guleeysay maanta in dib dalka loogu soo celiyo, iyaga oo gaari doona magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe.

Dadkan oo ka mahadceliyay sida Safaarada ay u garab istaagtay ayaa  waxaa Garoonka diyaaradaha ee magalada Hyderabad ee dadkaasi ku sagootiyay Safiir ku xigeen ahna lataliyaha Safaradda Salim C/laahi Qalinle iyo diblomaasiyiin kale.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya Faadumo C/laahi Insaaniya ayaa isku howshay sidii markale muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee ku xanibnaa dib loogu soo celin lahaa gudaha dalka.

Dowladda Hoose Ee Galkacyo Oo Bilowday Dhismaha Waddadii 2-aad Oo Laami Ah

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa laga bilaabay dhismaha wadadii labaad oo Laami ah, taas oo qeyb ka ah Mashaariicda wadaaga ah ee xoojinta nabad galyada iyo is dhaxgalka Bulshada magaalada Galkacyo

Mashruucan bilowga ah ee lagu dhisaayo wadadii labaad oo Laami ah ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta maamulka dagmada Galkacyo iyo xubno matalayay Bulshada magaalada ku dhaqan.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Galkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka tahay mahsaariicda lagu xoojinayo nabad gelyada magaalada, Isla markaana ay si wadajir ah u fulinayaan maamulada dowladda hoose ee Galkacyo ee Galmudug iyo Puntland  oo gacan ka helaya Hay’adda SSF.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale xusay in dhismaha wadada ay wax weyn ka badeli doonto Bilicda Iyo Ganacsiga Ka Jira Magaalada Gaalkacyo.

Tirada Bukaanada Covid-19 Ee Brazil Oo Gaaray 1 Milyan

0

Dalka Baraasiil wuxuu noqday dalka labaad ee ay dadkiisa u geeriyoodeen xanuunka faafa ee corona virus, iyada oo la soo sheegaya in COVID 19 gudaha Baraasiil ay ugu dhinteen dad gaaraya  50,000, tiradaasi oo ka sareeysa dhimashadii Corona Virus uu ka geeystay Boqortooyada Ingiriiska.

Guud ahaan Cudurka ayaa lagu waramayaa in gudaha dalkaasi kula dhacay 1 Milyan oo qof oo ku kala sugan dhammaan gobolada dalkasi.

Dalka Mareykanka oo kaliyah ayaa ka horeeya dhimashada dunida ee dalka Baraasiil sida ay xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO.

Bahda C/fimaadka Baraasiil ayaa sheegay in cudurka uu si ba’an ugu faafay gudaha dalkaasi ka dib markii ay dowladda diiday in xayiraad lagu soo rogo isu socodka dadka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Doodaya Qoondada Haweenka

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka JFS ayaa maanta kulan ku leh xarunta KMG ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaana shir guddoomin doono guddoomiyaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kaasi oo dhowaan ka soo laabtay safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xildhibaanada ayaa kulankooda kaga doodaya xeerka qoondada haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray in ay soo diyaariyaan.

Waxaana dooda diirada lagu soori doonaa in 30% ay helaan haweenka oo ah qoondada ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhigaan oo ah kii 7-aad ee golaha shacabka ayaa ugu dambeeya muddo xileedka baarlamaanka 10-aad ee dalka, waxaana u dhiman oo kaliya bilooyin.

Daawo Sawirada: Bilicda Xeebta Xamar Iyo Goob-Weyn Ee Gobolka Jubbada Hoose

0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo bandhigeynaa sawiro ka turjumaya bilicda dalka, sawirida ayaa ah kuwa laga soo kala qaaday Xeebta Liido degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho iyo magaalada Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

kuwa si heer sare ah loo qaaday, waxaana ay tilmaamayaan bilicda qaar ka mid ah gobollada dalka oo ay caasimadda ku jirto.

 

Madaxda Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Qoraa Maxamed Baashe

0

Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan waxa uu ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxman iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa tacsi tiiranyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed.

Marxuum Maxamed oo ahaa aqoonyahan ayaa kaalin weyn ku lahaa keydinta taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan alle ka siiyo. Aamiin, Aamiin.

 

Innaa Lillahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun.

Guddiga Qaranka Oo La Kulmay Guddi Hoosaadka Arrimaha Gudaha Maamulada Gobollada Dalka

0

Guddiga hoosaadka Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobollada Iyo Amniga Ee Golaha Shacabka ayaa la kulmay Guddiga Madaxbannaan Ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).

Iyadoo ajendaha kulanku ahaa in GMDQ laga dhageysto talooyinkooda ku aaddan Wax-ka-beddelka iyo Kabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda ee uu hadda gacanta ku hayo Guddi hoosaadkani.

Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Xil. Maxamed Cabdulle Faarax “Geesey”.