Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Agab Caafimaad Kala Wareegtay Itoobiya “Sawirro”

Date:

Wafdigani uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya mudane Axmed Shide ayaa goordhow soo gaaray caasimadda Jamhuuriyadda ee Muqdisho.

Wafdigani wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa waxaa ku wehelinaya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Ridwaan Xuseen iyo xubno kale.

Wafdiga waxay DFS soo gaarsiiyeen daawooyin iyo agab caafimaad oo lagula tacaalayo faafidda COVID-19 oo qiimahoodu gaarayo nus million doolar.

Agabka deeqdan ayaa waxaa la wareegay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa horey u soo gaarayay deeqo uga imaanayay qaar ka mid ah wadamada caalamka kuwaasoo daawo iyo qalab caafimaad oo u badan kuwa looga hortago cudurka Karoona soo gaarsiiyay dalka, waxaana wadamadaasi ka mid ah sida Turkiga iyo Qatar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...