Home Blog Page 895

Shixnaddii 2-aad Ee Agab C/fimaad Oo Shiinaha Ka Timid Muqdisho Soo Gaartay “Sawirro”

0

Soomaaliya waxa ay guddoontay shalay oo Khamiis ahayd (7 May) shixnaddii labaad oo ah kaalmo agab caafimaad oo ay ku deeqday Dowladda aanu saaxiibada nahay ee Jamh. Shacbiga Shiinaha si looga hortago xanuunka Koroona feyrus, iyadooo ka koobnayd maaskaro, galoofyo, dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo, qalabka baaridda-caafimaad iyo dharka ilaalinta leh ee loogu talogalay in ay ku labistaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Deeqda caafimaad ee dowladda Shiinaha waxa ay ka qeyb tahay xiriirka taariikhiga ah iyo midka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya, waxaana la filayaa in gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho ay soo caga dhigtaan duulimaadyo kale oo sida kaalmooyin caafimaad oo muhiim ah oo ka kala imaanaya Dowladda iyo Hey’adda Jack Ma.

Tan iyo 24 Maarso, Soomaaliya waxa ay deeqo agab caafimaad ah oo labo shixnadood ah ka heshay Hey’adaha Ma Yun iyo Alibaba, si la mid ah waxa ay labo shixnadood kale ka heshay Dowladda Shiinaha.

Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa Dowladda iyo dadka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waxa ayna bogaadinaysaa hindisahani bani’aadannimo ee looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus, waxa ayna dadaal ballaaran ku bixinaysaa sidii agabkaasi caafimaad loo kala gaarsiin lahaa dhammaan gobollada si loogu adeego shacabka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 928 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 106 ruux oo bogsatay iyo 44 ruux oo u geeriyootay.

Hiiraan Oo Bilowday Caratuur Looga Hortago Fatahaadda Webiga “Sawirro”

0

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa bilaabay in ay caratuur ka sameyaan tuulooyinka hoosyimada Beledweyne si fatahaadda looga badbaadiyo shacabka tuulooyinka ku dhaqan, maadaama ay tabcan jireen dhulbeereedyo aad u waaweyn oo  nuucyada kala duwan oo dalagyada ka soo go’i jireen  tuulooyinka Bacaad  iyo Qooqaani aya ka mid ah goobaha laga bilaabay biya xireenada.

Maamulka iyo Guddiga arrimahan qaabilsan ayaa ku howlan sidii biyo xireenno loogu sameyn lahaa webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo in uu fatahaado ka geysto magaalada Beladweyne, waxaana jirta meelo uu hadda ka soo jabsaday biyaha Webiga, taasi oo sababtay in qaar ka mid ah dadka degan Beledweyne ay iminka bilaabeen inay guryahooda ka barakacaan.

Yar’adua, Wuxuu Ahaa Madaxweyne Uusan Jirin Madaxweyne La mid Ah, Goodluck Jonathan, Ayaa Yiri.

Madaxweynihii hore Goodluck Jonathan ayaa sheegay in Madaxweynihii isaga ka horeeyay, Umaru Musa Yar’Adua oo uu ku tilmaamay inaanu jirin Madaxweyne la mid ah oo soomara talada xukunka dalkaasi islamarkaana u dhinta dalkiisa.

Qaar badan waxaa aaminsan yihiin in Guddoomiyihii hore Gobalka Katsina uu ahaa hogaamiyaha ugu wanaagsan ee Soomara dalka Afrika ugu dadka badan taniyo markii uu dib ug laabtay dimuqraadiyadda xisbiyada badan sanadkii 1999-kii. Wuxuu ahaa madaxweynihii labaad ee Rayid ah ee ku yimaada isagoo waafaqsan dastuurka haatan ee dalka Nigeria.

Yar’Adua waxa uu qabtay xafiiska sanadkii 2007-dii wuxuuna hogaaminayay muddo 3-sanadood ah. wuxuu geeriyooday isagoo 58-sano jir ah.

Sababta la og-yahay dhimashadiisa ayaa ayaa la sheegay in ay xiriir lalahayd xanuun iyo jiro dhinaca wadnaha ah oo uu kama dambeeyntii u geeriyooday.

Yar’Adu waxaa bedelay madaxweyne ku xigeenkiisii Goodluck Ebele Jonathan.

Jonathan oo soo dhammeeystay xilligiisa ayaa ku guulleystay inuu talada sii joogo taniyo sanadkii 2011-kii waxaanauu kamid ahaa ninkii ugu horeeyay oo soo dhiga boggiisa facebook-ga waxyaabaha lagu xasuusto Madaxweynihii uu isagu ku xigeenka u ahaa isaoo soo dhigay bogga social-media-yaha, waxyaabo ku saabsan wanaaggii uu lahaa Umara Yar’adu. Wuxuu sheegay in Yar’Adua uu buundooyin xoog lihi oo rajooyin badan uu ka dhistay oo uu wehliyay jaceyl iyo is-faham oo uu ku noqday xoogga midnimada qaranka iyo isbedelkii ka dhacay guud ahaan gudaha dalka Nigeria.

Fariintan Jonathan ayaa soo dhigay boggiisa waxaana qeyb ka mid ah ay u dhignayd sidan: “Waxay ahayd toban sano taniyo markii uu mudanaha Madaxweyne Umar Musa Yar’Adua uu si dhaqsiyo badan ay ula tagtay geeri sidatay gacmo aad u qabow.

Maalinta, sanadkasta, muuqaalkiisa iyo sawirkiisa ayaa ka buuxa maskaxda dadka taasina astaan ama calaamad muujinaysa inuu sameeyay naf hurnimo iyo waxyaabo wanagsan oo illaa iyo maanta lagu xasuusto.“Isagu wuxuu ahaa Madaxweyne aanu jirin mid lamid ah oo nasoo mara isaga noloshiisa oo kale islamarkaana dalkiisa udhinta. wuxuu garab istaagay shacabka, isagoona waqti iyo dadaal badan geliyay sidii uu ku wanaajin lahaa nolosha dadka. “habab badan ayuu u istaagay. wuxuuna lahaa shucuur uu doonayay inuu wax ku qabto oo uu ku sameeyo rajo wanaagsan taasoo ahayd mid ka dahsoon ama ka qarsoon dhinacyada khaladka qaranka qaranka si loo xoojiyo calaamadda qarannimada howshaasi oo  uu uga tagay kuwii isaga bedelay si ay usii xoojiyaan astaantii uu ka tagay.

Maxay Muslimiintu,Waajib Ugu Tahay Xushmeynta Bisha Ramadhan? (Why Muslims Must Respect Ramadhan)

Waa Xilli la Daahiriyo Nafta, Wax ka bedelis lagu sameeyo dareenka Cibaadada, Naf Huris-na lagu sameeyo Nafta oo La xakameeyo, Ramadhan-ku Ma Ahan Cunto Ka Soomis Keliya, oo Waxaa jira Wax intaa ka sii badan oo La Sameeyo.

Qaar badan oo aanan ahayn Muslimiin waxay ogyihiin in keliya in Ramadha yahay Bisha cuno Ka Soomidda. Si kastaba ha ahaatee waxaa jira wax intaasi ka dheeri ah oo la sameeyo. waqtiga bishan oo ah bisha 9-aad ee kutaala taariikh sheegaha Muslimiinta, Muslimiinta waa in ay iska daayaan baahiyaha kale ee uu jirku dalbanayo in loo sameeyo.

Waqtiga la daahiriyo Nafta, cabsida illaahna xoogga la saaro oo dareenka la siiyo, Naf hurnimana la sameeyo sidii loo xakameeyn lahaa nafta, bisha Ramadhaan waa ay ka badan tahay in afka la xerto oo aanan wax la cunin keliya.

Muslimiinta waxa loogu baaqaa intalagu jiro bisha barakeysan sidii ay dib ugu qiimeyn lahaayeen noloshooda, iyagoo naftooda waafajinaya barashada diinta islaamka. islamarkaana waa ina ay nabad la yeeshaan xitaa kuwii iyaga xumaanta ku sameeyay, ayna adkeeyaan xiriirka qoyska iyo saaxiibada iaygoo ka fogaanaya dhammaan waxyaabaha xun xun.

10-Koowaad:- Ramadhan waa 29 ilaa 30 maalmood waxaana loo kala qeybiyaa 3-waaxyood oo kala ah mid 10-maalmood ah. Sida uu Nabigeenna Muxamed Sheegay 10-ka koowaad waa Naxariis Raxma. 10-ka 2-aadna waa Dembi dhaaf, muslimiinta waxaa lagu booriyaa in ay helaan cafiska alle maxaayeelay waa xilliga ay Naxariistiisu ugu sareyso. 9-ka illaa 10-ka maalmood ee ugu dambeeysa maalmaha bisha Ramadhan, muslimiinta waxaa lagu booriyaa in ay adkeeyaan oo badiyaan baryada Allah SWT waayo waa maalmaha ugu barakada ee bisha Ramadhan, ee ah xilliga lasoo dejiyaya Qur’aanka Kariim-ka ah waana xilliga uu alle nafafka addoomadiisa uu ka xoreeyo Naarta Allow Nagu dar Kuwa Aad Ka xoreeyso Naarta.

Dadka xilliga soonka waxa ay tahay inaan la sameynin:- Waxaa muhiim ah inuu sameeyo shuruudo Fardi ah ka hor inta uusan soonku xiran. Inuu cuno kahor Fajir-ka inuu qaato ama uu cuno Suxuurta waa mid Sunno ah.

Nabigeenna Muxamed ‘NNKH’ ayaa waxa uu yiri,”Cunno Suxuurta, Waa laydiin ogol yahay,” Sida Bukhaari uu wariyay. waxaana ay ku egtahay marka uu bilowdo aadaanka Salaadda Subax Fajr.

Dadka Sooman waa in ay san si xun u dhaqmin ama aysan dagaalamin, maxaayeelay soonku waa gabaad ama difaac hooy ah qofka sooman waa inuu sidoo kale qofku waa inuusan u tagin xaaskiisa oo uu ka fogaadaaxilliga maalinta haddiiuu qof kula dagalamo ama uu ku aflagaadeeyo ku dheh labo jeer “anigu waan soomanaha”

Qofka Sooman Waa inuusan sheegin Beenta ama ficilada xun xun uusan ku dhaqmin Nabigeena Muxamed “NNKH” wuxuu yiri qofka aanan iska dhaafin hadalada nabyada iyo ficilada xun xun, Allah SWT uma baahna cunno iyo biyo ka soomidda qofkaasi ( mana aqbali doono alle soonkiisa.)”

                                                             

Wasiirka Boostada XFS Oo Soo Dhoweeyay Kaalinta Uu Dalkeenu Ka Galay Qiimaha Internet-Ka

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane eng.Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay kaalinta dalkeenu uu ka galay isbrabardhigga lagu sameeyay qiimaha internetka taleefoonka gacanta (mobile data), taas oo muujineysa in dalkeenu uu ka mid yahay 10-ka dal ee ugu qiima jaban adduunka oo dhan iyo dalka 1aad ee qaaradda Afrika.

Warbixin uu soo saartay Cable.co.uk – oo ah bar internet oo isbrabardhig ku sameysa qiimayaasha shirkadaha isgaarsiinta dalalka caalamka – ayaa muujineysa in Soomaaliya ay kaalinta 7aad kaga jirto adduunka, qaaradda Afrikana kaalinta 1aad dhinaca qiimaha 1GB ee internetka taleefoonka gacanta, kadib markii qiimeyn lagu sameeyay shirkadaha isgaarsiinta ee dalalka adduunka.

Warbixintu waxay muujineysaa in qiimaha mobile internet ee Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay 12kii bilood ee la soo dhaafay, iyadoo sanad ka hor ay Soomaaliya ku jirtay kaalinta 134aad ee adduunka ama kaalinta 37aad ee Qaaradda Afrika. Isbeddelkan ayaa ah mid xawli ah marka loo eego dalalka kale ee qiimeynta kula jira oo qaarkood aan wax isbeddel ah sameynin sanadkii la soo dhaafay.

Wasiir Cashuur, oo soo dhoweynayay natiijadan, ayaa sheegay in arrintani ay muujineyso in suuqa isgaarsiinta Soomaaliya uu horumar sameynayo, taasina ay gacan weyn ka geysan doonto sidii uu dalkeena uga hana-qaadi lahaa dhaqaalaha ku dhisan teknolojiyada (digital economy) oo ah halka adduunka maanta ku kala horumaray, waayo internetka jaban wuxuu dhiirrigeliyaa in adeegyo kala duwan bulshada loo marsiiyo dhinaca teknolojiyada.

“Natiijada sanadkan waxay marqaati u tahay dadaalka iyo hal-abuurka shirkadaheena isgaarsiinta iyo shaqaalaha ka hawl-gala. Sidoo kale waa arrin muujineysa in dadaalkooda iyo naf-huristooda ay miro-dhal noqonayaan, oo ay u tartami karaan heer caalami,” ayuu yiri wasiirku.

Isbeddelkan ayaa xaqiijiyay inay taabba-gal noqdeen dadaalladii kala duwanaa ee ay xukuumaddu sameysay 3dii sano ee ugu dambeysay ee ku saabsanaa in la nidaamiyo suuqa, lana dhiirri-geliyo tartanka xorta ah. Xilligan la joogo isgaarsiinta Soomaaliya waxay leedahay sharci iyo siyaasad lagu hago, waxaana gabagabo maraya barmaamijyo ballaaran oo nidaaminaya rukhsadaha, hirarka, lambarrada iyo isku-xirka shirkadaha.

Dowladda Oo Ballaarineysa Hannaaka Bulshada Looga Baarayo Xanuunka COVID-19 “SAWIRRO”

0

Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 55 xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixita ku sheegtay in 5 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka 19 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Xaaladaha cusub ayaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (41) Puntiland, (13) iyo Hirshabeelle (hal) ruux. 37 kamid ah bukaannada cusub ayaa la xaqiijiyay inay rag yihiin 18 ayaa haween ah.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 928 guud ahaan 44 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana ka bogsatay 106 qof.

Wasiirka caafimaadka ayaa xaqiijisay in COVID-19 uusan xuduud laheyn, qof kasta, da’ kasta, lab iyo dhadig uu si isku mid ugu dhici karo, waxayna ku baaqday in qof kasta uu mas’uuliyad dheeraad ah iska saaro hannaanka xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo xoogga saareysa in la ballaariyo hannaanka bulshada looga baarayo cudurka ayaa maanta daah furtay hab cusub oo Mobile-ka lagu degsanayo kaas oo sahlaya in dadka isaga shakiya COVID-19 ay si dhaqsa ah ku helaan talo iyo gurmad caafimaad.

Diyaarad Siday Agab Looga Hortagayo Fatahaadda Webiga Shabeelle Oo Beledweyne Ka Degtay “Sawirro”

0

Dowladda Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta Beledweyne geysay diyaarad siday agab looga hortagayo  in uu fataho wabiga Shabeelle ee Beledweyne, waxaana agabka ka mid ah jawaanno iyo biro loogu talagalay in  caratuur lagu sameeyo.

Agabkan ayaa ah mid loogu talagalay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana agabka la wareegay maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd ka markii wafdi balaaran ee uu horkacayay Wasiirka Boostada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada webiga Shabeele ay ku tageen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta dowladdu ay Beladweyne gaarsiisay agab biyaha looga hortegayo.

Dowladda Oo Xoojineyso Qorshaha Ka Hortaga Fatahaada Beledweyne +Sawirro

0

Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/di Canshuur Xasan oo goor dhaw la hadlay hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay wado dadaalo looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga shabeelle e Magaalada Beledweyne.

“Waxaa goordhaw  Garoonka diyaardaha aadan Cade  ee Magaalada Muqdisho ka amba baxay diyaarad siday jawaanada ciidda dhufeysyada cagaaran ooloogu talo galay in loo adeegsado ka hortaga fatahaada webiga shabeelle ee magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan” sidaas ayuu yiri Wasiir Boostada Eng.C/di Canshuur Xasan.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd ka markii wafdi ballaaran ee uu horkacayay wasiirka Boostada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kormeer qiimeyn ah oo lagu ogaanayo xaaladihii ugu dambeeyay ee fatahaada webiga shabeele ay ku tageen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Bulshada magaalada Beledweyne ayaa cabsi xooggan soo wajahday markii uu qeybo ka ka mid ah magaalada uu Fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle waxaan jira dadaalo ay iska kaashayaan maamulka Gobolka Hiiran iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa khasaaro ka dhasha Fatahaad uu sameeyo webiga iyadoo la ogyahay khasaarihii uu geystay sanadkii tagay.

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Wasiirka Hub Ka Dhigista Ee Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed C/di Waare ayaa tacsi u diray maamulka golayaasha iyo   qoyskii  uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka  Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed C/di Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Marxuumka oo  sidoo kale ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsana

Madaxweyne Farmajo Oo Bogaadiyay Dadaalka Xukuumadda Ee Xakameynta Cudurka Covid-19

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo khadka internetka kaga qeyb galay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda in la gaarsiiyey Dowlad Goballeedyada dalka qalabka caafimaad ee aas-aasiga u ah daryeelka caafimaad iyo badbaadinta bukaannada uu soo rito cudurka COVID-19.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay dadaalka xooggan ee lagu bixiyey sidii dalalka aan saaxiibada nahay ay inoogu taageeri lahaayeen qalabkan caafimaad, maadaama dalalkaasi laftigoodu ay baahi weyn u qabeen qalabka caafimaad ee ay inoogu deeqeen.

“Xaaladda dunida ka jirta ee uu sababay cudurka COVID-19 waa mid saameyn xooggan ku yeelatay dhinac kasta oo nolasha ah, sidaas darteed dalalka walaalaha ah ee inoo fidiyey gurmadka caafimaad -wakhtigan adag- waa mid aan u xasuusan doonno dowlado iyo hay’adaba.”

Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Guddiga in la kaydiyo xogta iyo khibradda ku aaddan cudurkan si ay u noqoto hage dhaxal gal ah oo qeyb ka noqda hannaanka maareynta musiibooyinka iyo cudurrada faafa. Isagoo sheegay in la kordhiyo qablabka badqabka adeegayaasha caafimaadka kuwaasi oo u taagan samatabixinta dadka iyo xakameynta cudurka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xogta ku saabsan badqabka caafimaad ee dalka, xaaladda bukaannada ku jira Goobaha Karantiilka iyo heerka ay gaarsiisan yihiin dadaallada wacyigelinta bulshada ee ku aaddan halista cudurka COVID-19.