Home Blog Page 895

Qoyska Reer Elman Oo Dalbaday In Baaritaanka Dilkii Almaas Qeyb Ka Noqoto Dowladda Canada

0

War murtiyeed ka soo baxay Qoyska Almaas Elman ayaa looga hadlay dhacdadii 20-kii bishan lagu dilay iyo sida qoyskooda ay uga niyad jabeen geerida Almaas, waxaana ay dalbadeen in aan laga hor-dhicin baaritaanka.

Qoyska ayaa sheegay in aanay aheyn markii u horeysay oo soo gaarta musiibo tan oo kale ah, 20-sano ka hor ayaa sidan oo kale waxaa Muqdisho loogu dilay aabahood Elman Cali Axmed oo u ololeynayay nabadda iyo waxbarashada.

War murtiyeedka ka soo baxay qoyska reer Elman ayaa lagu codsaday in si buuxda loo baaro dilkii Almaas, isla markaana in si wadajir ah ay u baaraan dowladaha Soomaaliya iyo Canada, maadaama Almaas ay heysatay labo dhalasho.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-

Warmurtiteed ku saabsan Dilkii Almaas Elman kana soo baxay Qoyska Reer Elman Cali Axmed & Reer Xirsi Cabdulkhadir.

“Dhab ahaantii waxaannu ku jirraa xilli aannu aad uga qalbi-jabannahay geeridii aan xanuunkeeda ciduna qiyaasi karin oo ku timid walaasheen, xaaskii iyo gabadhii aannu dhallnay ee Almaas Elman. Waxaannu dareemaynaa cidlo aan abid ciduna inoo buuxin karin.

Almaas waxay lahayd ruux ifaysa, bilic-san berina ka ahayd musiibada ay la kulantay. Runtii waa ay laqmatay, in ay xaamilo ahaydna waa mid sii kordhinaysa murugadaan naga daaddegi la’.

Taageerada, is barbartaagga iyo tacsiyeynta inooga timid daafaha dunida oo dhan aad ayay inoo khushuuc geliyeen. In aannu ogaanno in Almaas aad loo jeclaa aanay si togan uga qayb-qaadatay nolosha dad badan ayaa qoyskayaga qaddar laab-riixasho ah siinaysa waqtigan aadka inoogu adag.

Aad baannu uga mahad-celinaynaa baroor-diiqda Almaas iyo xusuus sheegiddeeda dunida oo dhan ka dhacaysa, waxaannuna doonaynaa in aannu ku biirro xuska nolosheedii aadka u qaniga ahayd.

Maahan markii ugu horreysay ee qoyskeenna ay haleesho musiibo qalalaase wadata oo tan oo kale ah. Qalalaase la mid ah midkan ay Almaas ku baxday oo isla magaaladan ka dhacay ayaannu sanado ka hor ku weynay aabbeheen Elman Cali Axmed.

Taa ayaa sii laballaabaysa murugada iyo qarracanka aannu wajahayno, hase yeeshee marna musiibooyinkani shiiqin maayaan go’aankeenna ah in aannu dhisno nabad qoysaska kale ee Soomaaliyeed ka hor joogsata in ay la soo deristo murugo la mid ah midda aannu haatan dhex maquuranayno.

Waxaannu weli si aan leex-leexad lahayn ugu jeebban nahay gaaridda Soomaaliya ay dadkeedu ku nool yihiin xaalad aysan ka cabsi qabin in ay musiibo tan la mid ahi ku dhacdo gacalka iyo xigaalkooda.

War kasta oo haatan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwo laga hor-dhacay, mana noqon doonaan kuwo caawiya qoyskeenna. Wararkaa waxaa ka mid noqon kara in laysla dhex meero suuraggalnimada in ay Almaas dishay “xabbad wiifto” ah.

Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal.

Intii laga gaarayo hannaankaa hufan oo dhamaystiran waxaannu dalbanaynaa in aanay qof iyo maamul toona ka faalloon arrintaan meel gaar ahna aanay ku tirin.

Waxaannu ka war haynaa in la faafiyey muuqaallo iyo mu’aamarado aan sal lahayn. Muuqaalladaa iyo mu’aamaradahaasi waa kuwo qoyskeenna sii xanuunjinaya waqtigan adag. Sidaa darteed in la joojiyo iyo dib loo saxo ayaannu codsanaynaa.

Kani waa warka keliya ee aannu musiibadan haatan ka soo saarayno, waxaannuna si xushmad leh u dalbanaynaa in ay dadku ixtiraamaan asturnaanta axwaasha qoyskeenna, si aannu si nabdoon ugu murugoonno.

Almaas waxaa ay ka tagtay guud ahaan dalkeedda iyo dadkeedda, gaar ahaana Qoyskeeda oo ka kooban, hooyadeed Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan, walaaleheed Ilwaad Elman, Iimaan Elman iyo Geesiya Elman, saygeedii Sakariya Xirsi iyo Almaas waxa ay innooga tagtay raad taariikheed aad u sareeya oo ku saabsan is beddel togan oo ka dhaca Soomaaliya, Afrika iyo Dunidaba.”

Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Oo Aqalka Sare Uu Mariyay Akhrinta Labaad

0

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaruntooda Magaalada Muqdisho ku leh Kulan ka mid ah kulankoodii caadiga ahaa.

Ajendaha kulanka maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa ku saabsan akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa shalay ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Oo Ridday Xukunno

0

Maxkamada Darajada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay ku ridday xukun ciqaabeedka ismiidaamiye ku fashilmay qarax uu ka fulin lahaa Guriceel iyo hagihiisii.

Labadda eedeysane ee xukunka lagu riday ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan oo ah ninkii fulin rabay qaraxa iyo Cali Dhubad Nuure Siyaad oo labadaba ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Sheegay in labada eedeysane lagu helay danbigii lagu soo eedeyey isla markaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Great Are Dating Sites in Ukraine?

0

Dating sites in Ukraine are extremely useful specifically if you want currently smart, stunning women. If you are searching for a Ukrainian woman, there are several steps that you have to take to help you find the most eligible young lady. First thing you must do is to get to find out what’s the best time to way a girl you aren’t interested. Do not rush up and try to talk with her beautybride.org/dating-sites/ukrainian right away, mainly because you will just make things worse. So , first you should learn to strategy a girl just how a man will.

Dating sites in Ukraine likewise help both males and females in a marriage. You should join in. It’s price tag, and the pub cost is much cheaper than any kind of marriage helps. You may also want to sign up for the community forums, there are many forums that provide internet dating advice. Internet dating websites in Ukraine are usually helpful if you want to find an apartment or if you are looking for a neighborhood girl to be sent with. For anyone who is interested, these kinds of dating sites furnish all the information that you need about young ladies and men who happen to be in the metropolis.

Dating sites in Ukraine likewise help males and females in a romantic relationship. If you are trying to find someone to go out with, you can also register for online dating. In such a case, it helps you to be aware of the ladies in town and get to know her even more. This will become a good way to find a ideal partner in your case. If you get online dating, you will additionally have access to 1000s of profiles, that may provide you with the best partner.

Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen

Diyaarad nooca xamuulka ah oo sidda deeq gar-gaar Bini’aaddannimo ah ayaa Maanta soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladan Muqdisho.

Deeqdan oo noocyo kala duwan isugu jirta ayaa ka timid Dalka Talyaaniga, taas oo loogu tala galay Dadka ay fatahaadaha iyo daadadka ka dhashay Roobka Deyrta saameeyeen, iyadoo gar-gaarkaasina lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo Dadka dhibaateysan.

Talyaaniga ayaa ka mid ah Waddamada Caalamka ee ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya

Taliska AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan baariska dilkii Almaas Elman

0

Taliska Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka amaanka uu kala shaqeyn doono baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii nasiib darrada ahaa ee 20 kii Bishan loo geestay marxuumad, Elmaas Elman Ali, taas oo lagu dhex toogtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa horay u shaaciyay in ay wadaan baaritaanno ku saabsan dilka Almaas Elman oo ahayd nabad jire caan ah iyo Diplomaasiyad.

Hoos ka aqriso Warka kasoo baxay AMISOM

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Qaar Kamid Ah Xarumaha Wasaaradaha

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada xoolaha.

Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradaha uu kormeeray ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

 

Shir u dhaxeeyay hay’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamaka oo Muqdisho ka dhacay

0

 

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha dastuurka.

Shirka oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka.

“Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan wada-sahqeeyno waxaan oran karnaa in boqolkiiba sideetan (80%) lagu guuleystay dhameystirka dastuurka kuwaa oo ah arrimaha u baahan farsamada qoraaleed, waxaa inoo dhiman waa arrimaha u baahan wadaxaajoodka siyaasadeed oo iyagana aan ku rajo weynahay in la dhameeystiro horaanta sanadka soo socdo” ayuu yiri Wasiirka.

Xubnihii mataleyay beesha caalamka ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka inay ka miro-dhalin doonaan geedi-socodka lagu dhameeystirayo dastuurka.

Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo xubno ka tirsan labada guddi ayaa waxay sameeyeen soo jeedin ku saabsan qorshe howleedka seddexda hay’ad.

Ugu dambayn, Wasiir Saalax oo soo xiray shirka ayaa beesha caalamka u mahadceliyay isagoo sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka.

Hoygii uu ku dhashay Hitler oo loo aqoonsaday xarun Boliis

0

Guriga uu ku dhashay hoggaamiyihii hore ee dalka Jarmalka Adolf Hitler ayaa noqon doona ama  loo badalay saldhig boolis,sida uu ku dhaqaaqay  wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Austria, ka dib markii sanado badan laga dooday sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo in hoygaasi uu noqdo  goob laga aasaaso xisbiga Naasiga cusub.

Hoygaasi oo la tilmaamay in si qasab ah lagu iibiyay ayaa wararku intaa ku darayaa in lagu sameyn doono qorsho dib loogu qaabeynaayo dhismihiisa waxana , laga dhigi doonaa xafiisyo ay ku howlgalaan booliiska maxalliga ah.

In kasta oo Hitler uu ku dhashay magaalada Braunau ee ku taalla xadka Jarmalka sanadkii 1889, Austria waxay ku dooday in ay aheyd  dhibbanayaashii ugu horreeyay ee la kulma dhibatadii xisbiga Naasiga sanadkii 1938.

Adolf Hitler oo talada dalka  Jarmalka haayey sanadihii u dhexeeyay 1933-1945, wuxuu ahaa hoggaamiyaha loo tiriyo in uu bilaabay Dagaalkii Labaad ee Aduunka ,isagoo si gaar ah loogu eedeeyay in uu xasuuq u geystay dad Yuhuud ah oo gaaraya ilaa lix milyan oo ruux.

Dowladda Austria waxaa in muddo ah saarnaa culeys la xiriiray in ay gacan ku laheyd mamulkii xisbiga Naasiga ee isku dayey in ay qabsadaan caalamka.

Baladweyne Maxaabiistii barakacday oo dib loogu soo celiyey Xabsiga dhexe ee Hiiraan

0

Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan dhawaan waxaa ku fatahay wabigga Shabeelle taas oo sababtay in dadkii isaga barakacaan guryahoodii.

Fatahaadaas ayaa saameyn ku yeelatay sidoo kale Xambisayadda magaalada oo eedeysanayaan kala duwan ku jireen, waxaana ay sababtay in laga saaro iyada oo loo wareejiyey xarumo kale oo ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin Baladweyne.

Hadda oo magaalada dadku dib ugu soo laabteen ayey sidoo kale Saraakiisha ciidanku dib u soo celiyeen Maxaabiistii.

Xeer illaaliye ku xigeenka Maxkamadda ciidanka qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo Wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in Xabsigii dhexe ee Baladweyne hadda shaqo fiican laga qabtay taasna sababtay in Maxaabiistii dib loogu celiyey meeshoodii hore.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in Maxaabiista noloshadooda qaarkood liidato una baahan yihiin  in siwanaagsan looga warqabo.

“Sida aad lasocoto Baladweyne waxaa ku fatahay Wabigga Shabeelle taas waxaa ay sababtay in dadkii isaga baxaan magaalada, dhibaataddu waxaa ay saameysay xabsigii dhexe ee Baladweyne waxaana ka saarnay dadkii ku xirnaa hadda dib ayaan ugu soo celinay kadib markii shaqo laga qabtay.

Hadda Xabsiga dhexe ee Hiiraan waxaa ku jira 68 qof kuwaas oo dambiyo kala duwan loo heysto qaarkood ayey xukuntay Maxkamadda Ciidanka qalabka sidda.