Ra’iisul-wasaare Ku xigeenka Dalka oo maanta daahfury Imitaxaanaadka Dugsiyada sare

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daahfuray Imtixaanka dugsiyadda Sare ee dalka oo maanta ka bilowday dhammaan gobollada dalka Marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalk oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in uu guul u rajeynaayo Ardeyda maanta Imtixaanka u fadhiisatay, isagoo xusay in aad loo adkeeyay sanadkaan si uusan banaanka u bixin Imtixaanka.
Xarumaha Imtixanka lagu galayo ayaa la geeyay ciidamo booliis ah oo lagu talagay sugida amaanka xarumahaasi, waaxana sidoo kale jooga kormeerayaal lagu tala galay in ay ilaaliyaan Imtixanadka, kuwaasi oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada.
Wararka kale ee laga helayo Goobaha Waxbarashada ayaa sheegaya in Shamso Maxamed Xaashi oo ah Ardayad Umushay Xiligii imtixaamka ay u fariisan lahayd ayay Dowladda Soomaaliya Imtixaamka Dugsiga Sare ugu geysay Cusbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho.
Shamso iyada oo faraxsan ilmeheeduna u caafimaad qabo ayaa sariirta imtixaamka looga Qaaday.
Galmudugna, Wasirrka Waxbarshada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furay imtixanka Qaranka Fasalka 4-aad ee dugsiga sare sanad dusiyeedka 2019-2020 oo maanta halkaa ka furmay, waxaana u fariistay in ka badan 2,500 oo arday deegaanada Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...