Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka socto qabanqabada so dhawaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegya in madaxweynuhu uu Dhuusamareeb u tegayo si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada-shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool leh” ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku suganyihiin Madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...