Maamulka iyo Bulshada Degmada Buulo burte oo ka wada hadlay amniga iyo fatahaadda Webiga

Date:

Maamulka degmada Buulo burte ee gobolka Hiraan iyo Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka, hay’adaha sama falka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan  ayaa ka  hadlay go’doonka Magaalada saaran muddada dheer iyo sidii laga yeeli lahaa fatahaadda Webiga Shabeelle, ka dib kulan ay wada yesheen.
Kulanka ayaa waxaa si gaar ah Diiradda loogu saaray Waddooyinka soo gala Degmada oo xiran iyo sidii gargaar Bini’aaddamnimo loo geyn lahaa Dadka ku dhaqan degaannada ku teedsan Buulo-burte oo Dadka ku nool ay saameeyeen fatahaadda Webiga iyo Cudurka Corona virus.
Guddomiyaha Buulo-burte , Feysal Haajir Aaden ayaa u mahad celshayay hay’adaha ka howl-gala Degmada, maaddaama ay soo garab istaageen Bulshada halkaasi ku dhaqan xilli lagu jiro marxalad adag, wuxuuna soo dhoweeyay cid walba oo Dhiig jooji u samaynaysa Ummadda dhibaataysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo seddax maalmood ah hoos u dhigtay Calanka Soomaaliya

Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Dhuusamareeb uga qeyb galay Madasha Maan-tashano

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane...