Dabaq Soo Dumay Iyo Duqa Muqdisho Oo Ka Qeyb-galay Badbaadinta 17-Qof “Sawirro”

Date:

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xalay gaaray halka uu ku soo dumay guri ka kooban saddex dabaq degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Shaqaalaha Gurmadka Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay gurigan qadiimi ah iyadoo dadkaasi ay lix ka mid ah uu soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale waxaa halkaas tagay Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobalka Banaadir ee Arrimaha Bulshada & Howlaha Guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi oo uu la socday gudoomiyaha maamulka degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Gurmad xoog leh ayaa loo sameeyay dadkii uu ku soo dumay guriga saddexda dabaq ahaa waxaana ay sheegeen maamulka gobolka Banaadir inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay in dhismahaasi uu soo dumo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...