Wasaaradda Waxbarashada XFS Oo Soo Xirtay Imtixaanka Shahaadiga Ee Dowladda “SAWIRRO”

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in ka badan 34, 600 oo arday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi Dagan islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada. Waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa u mahad celiyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu Horeeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii 6-aad oo xiriir ah qaaday imtixaanka shahaadiga dugsiga sare tan iyo burburkii kaddib markii dib loo billaabay sannadkii 2014-kii, waxaana sannadkaan dowladu ay ku soo kordhisay qaadista imtixaanka dugsiga dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...